Sunday, January 20, 2013

Jawaab ku socota Qoraaga: Aasaaskii unuga Schoolka Abaarso Tech iyo himladii hirgalintiisa


Waad ku mahadsantahay maqaalka dheer ee taariikhda dugsiga ama jaamacada Abaarso. Hawlkasta oo lagu badhaadho ruux ama koox dad ah ayuunbaa bilowda dhamaantood abaal ayaanu u ahaynaa ruux kasta oo mafiiqda dhulka lagu xaadhona ha noqotee dugsiga Abaarso ku darsaday. Abaal gaar ah waxanu u haynaa ninka aan dalka u dhalan ee Ajaanibka ah ee ka damqaday waxbarasho la'aanta caruurtayda haysata ee isagoo dakhligiisu sanadkii yahay malaayiin US$ aadaminimo darteed noo damqaday ee horseedka ka noqday maalgalinta mashruuca Abaarso Tech.
Jonathan Starr


OUR HEARTS
ARE WITH
JONATHAN STARR
FOR HIS INVESTMENT OF OUR CHILDREN
 


Muwaadiniinta reer Somaliland ee tacab iyo adduun ku caawiyay mashruuca Abaarso Tech iyagu waajib saaran bay guteen way ku mahadsan yihiin maalin aan maanta ahayn ayay ajarkooda heli doonaan, waxba yaanay ifka abaal iyo magac ku raadin. Jonothan Star markuu dalka yimaad iyo markuu dhoofayaba sacab ayaan ku soo dhawaynaynaa oo ku sagootiyaynaa Sawirkiisa oo wayn ayaanu aqalada sudhan doonaa garoomada diyaaradaha ku dhajin rabnaa taariikhda ku qoraynaa qalbiyada caruurtayada ayuu ku yaalaa, wiilkaasi Maraykanka ahi isagoo aan muwaadin ahayn ayuu u soo badheedhay nolol qarfo iyo rafaad badan baahiyi nooma ay keenin. Abaalkiisana taasi ayuu nagaga mutaystay.

Qolada dacaayada dugsiga Abaarso la dabosocota walaahi waxanu leenahay hadda waanu idin aqoonsanay markii hore waad is qarinayseen waxanu si daacadnimo leh idiinku sheegaynaa in aad dab ku ciyaaraysaan hadaanu nahay umadda Somaliland waxanu idin leenahay waanu ku filanahay in aanu ilaashano Dugsiga Abaarso idin soo ashkatayn mayno laakiin dabkaad ku ciyaaraysaan haku gubanina

QALINKII SULEIMAN ISMAIL BOLALEH (SALEEBAAN XUQUUQ

waxa uu yahay iyo meesha uu yahay waa la wada ogyahay. Laakiin sida ka muuqata, dadka qaar bay weli ka maqantahay cidda schoolka dhistay iyo cidda loo dhisay.

Schoolka Abaarso Tech qof gaar ahi ma laha. Sidoo kale, hay’ad gaar ah ama sharikad ganacsi schoolka ma laha. Waxa schoolka leh oo loo dhisay dadka iyo Waddanka reer Somaliland. Wuxu la mid yahay schoolada Waddaniga ah ee Dawladu dhisto oo Wasaaradda tacliintu maamusho.

In kasta oo annay maamulka Abaarso Tech Wasaaraddu gacanta ku hayn, hadana sidaas schoolada dowlada wadanku u leeyahay ayaa Abaarso Tech-na wadanku u leeyahay.

Sida Schoolku ku dhismay waxay ahayd si an laga asarartami karin. Inanka aan adeerka u ahay, Jonathan Starr, ayaa yidhi dhaqaale ganacsi ama wershado waa la samaynkaraa.

Waxa dunida la isku dhaafay waa tacliin iyo aqoon. waxan doonaya in aan school dhiso. Halkii aan school ka dhisi laha wadanka Haiti oo kale oo aad u baahan, waxaan rabaa inaan caruurta aanu ilmaabtiga nahay ee reer Somaliland ula eexdo ee bal Hargeisa an qabano. Markaasnu isa soo racnay oo Hargeisa nimi. Waqtigaas anigaygaasi isaga waxba aada ah maan dhaamin oo wax aad ah ama cid badan Hargeisa kama garanayn.

Anigu waxan doonayay in schoolka laga dhiso Sheikh oo ah meesha aan aqaanay ee aanu ku soo kornay ee hoyga tacliinta noo ahayd. Hargeysa waxba kama aqoon oo meel school laga dhiso ma garanayn.

Iyadoo artintu sidaa tahay, ayaanu is helnay Ahmed Hussein Esa oo anagoo makhayaayad la fidhina nagu yidhi waar iska dhaafa Sheikh oo anigaa meel school ku fiican idiin haya. Wuxu na geeyay Tuulada Abaarso oo halkas dadkii kula hadlay oo ku yidhi waxan idiin wadaa dad school dhisaya ee dhul nasiiya. Markaasay dadkii tuuladu na kaxayeen oo na geeyeen buur qayax ah oo tuulada dusheeda saaran oo na yidhaahdeen qaata dhulkas oo dabaddedna noo qaydeen. Halkaasaa schoolku ka dhismay.

Schoolku, sida la ogyahay, si degdeg ah ayuu ku dhismay. Kharashka galay intiisa badan waxa bixiyay Wiilkan Jonathan Starr. Illa hada lacag gaadhaysa $1.7million baa schoolka gashay. Jonathan wuxuu bixiyay $800,000. Sahiibadiisa Maraykan joogana, oo ay ugu muhimsanyihiin labada nin e Anand Desai iyo Peter Collery, wuxu ka soo ururiyay lacag gadaysa $400,000 oo kale. Inta waxa raaca $200,000 ay keeneen USAID iyo CFO(UK), $200,000 u bixiyay Mohamed Said oo ah ninka leh Somcable, Dahabshiil na $65.000, Ambassador Hotel na $15,000, Telesom na $10,000 iyo Maansoor Hotel $5,000. Dad kale oo badan oo Somali ah iyaguna wixii ay kari karayeen ayay ku dareen. Waa aragtaan oo school qurux baa dhismay. Laakiin maamulnimo weli isma bixiyo oo school feeska yaryarka laga qaadaa meel ma gaadho. Taasiwaxay keentay in uu Jonathan had iyo jeer wax maalintaa loo bahanyahay oo an lacag loo hayn uu jeebkisa ka bixiyo, sida tigidhada macalimiinta dhoofaya ama imanaya.

Markii schoolka meel loo helay oo dhismihiisa lagu dhaqaaqayay, waxan rabay in magaciisa loo bixiyo Jonathan Academy, mar hadii uu isagu schoolka keenay oo lacagtiisii geliyay.

Laakin wuu iga diiday oo yidhi waxa hagaagsan in schoolka tuulada loogu magac daro, iyagaa dhulka ku deeqay oo ina soo dhawayay. Sidaas ayuu magaca Abaarso Tech ku yimi.

Maanta waa la arkaa in Tuuladii Abaarso magaceedi caanbaxay oo dunida ku fiday. Dadka reer Abaarso waa inay taa ku farxaan. Sido kale, Schoolku dhaqaalaha tuulada wuu kobciyay oo iyagaa ka shaqayeeya oo waxna laga iibsada.

Waan qiraya, dad badanna aan hore ugu sheegay, schoolku sidaa dhakhsaha ah uma dhismayn hadii aanu Ahmed Hussein caawin. In kasta oo aanu kharash gelin, laakin taagero laxaad leh ayuu ka gaystay. Waa la wada ogyahay in warqadi xafiis ka gasha an si fudud looga soo saarikarin. Ahmed baa meelahas oo dhan kala garanayay oo warqadii loo baahdoba dabajoogay oo soo sarayay. Waan filayaa in uu marmar halfududayn qaad ah bixiyay. Isagaa noo keenay dadka qandarasyada la siiyay ama kuwa shaqaalaha schoolka loo qortay. Maanu waydiin ciday yihiin. Somaliyi wa isugu kaya mid. Schoolkana ma kala xigaan.

Sidaa awgeed waxa uu Ahmed uqalmay sharafta iyo magaca “co-founder”. Sidaasuuna tariikhda schoolka ku gelayaa oo, wax kasta oo dhacaba, magiciisu schoolka ugu lifaaqsananayaa.

Sida la wada ogyahay, waa la isxantaa oo wax la iskasheegaa. Wax dhulka la marinayaa inuu Ahmed Hussein yidhaahdo anigaa schoolka keenay oo dhisay oo leh. Anigu weligay Ahmed afkiisa kama maqlin isaga oo sidaa u hadlaya. Waxan in badan ka maqlay oo aan qoraal na kaga hayaa isagoo leh anigu Ahmed ahaan weligay school ma sheegan mana sheeganayo. Been baa layga abuurayaa. Hase ahaatee, waxa jirta in marmar wax aanad filayni dhacaan. Hadii dhulka schoolka la siiyay uu Ahmed isagu isku qoray, sida dadka qaar leeyihiin, taasi wa arrin Wasaarada tacliintu eegi karto, xafiiska garsoorka qarankuna baadhikaro.

Hadii, sida aan aaminsanahay, aanay taasi dhicin, wax la isku qabtaaba ma jiraan. Schoolku iminka waa ka caadaa maraya. Dufcadii u horaysay bishan July 2013 bay qalijebinayaan. Waxanu rajaynaynaa inay Scholarships ka helaan jaamacadaha Maraykanka. Kuwii sanad-sanad loo diray school- Boarding ah oo Maraykan ku yaal aad iyo add bay u najaxeen oo magaca Somaliland hore ugu qaadeen. Kuwa schoolka dhameeya sanadkan oo jamacadaha gala na, sidaas oo kale ayaanu filaynaa inay qayrkood uga soo baxayaan. Hadii aanay qaar iyaga ka mid ahi jaamacado helin, Schoolka ayaa lagu sii haynayaa si af ingriisigooda aad kor loogu siiqaado oo ay kaldambe jaamicado si fudud u hellaan.

Waxa ayaan daro ah in beryahan dambe schoolka aflagaado badan loo gaystay oo macalimiinta iyo ardaydaba la caayay. Waxan aaminsanahay in marka wax anshax xumo ah la maqlo markiiba Schoolka loo soo gurmado oo la difaaco. Sidaasaana dhacday oo waa kuwaa waalidiinti iyo wadaadadii iyo dadweynihii ba dhamaan schoolka u hiiliyay oo taageeray. Waa wada mahadsanyihiin. Waxa arin aad loola yaabo ah in, sida la sheegayo, dad waayeel ah oo waxgarad ah oo arkaya sida xaaladu tahay geeska Africa ay abaabuleen oo ka dambeeyeen cayda iyo idacada schoolka loo gaystay oo ay macalimiinta ajnabiga ah iyo wadanka Somaliland ba khatar geliyeen. Hubsiimo hal baa siistaa baa Somalildu tidhaahdaa.

Hadii qof wax odhanayo, horta waa innu runta iyo beenta iska hubsadaa. Warbaahinta wararka fidiyaana waa inay ku kalsoonyihiin waxay qoraan. Marmar baa qofku aanu isarkin oo wuxu leeyahay aanu ka fiirsan oo arrintaa isagu hadhow ku ceeboobaa. Chinesekaa yidhaahda, kaluun bad ku jiraa innu iskukadjay ma arko.
Sida aan hore u idhi, Schoolku isma bixin karo. School feeska soo galaa wuu yaryahay, arday badanina scholarshipyo bay u baahanyihiin. Dowladu waa inay ka caawisaa xaga kharashka joogtada ah. Waxa Wasaarada macdanta iyo biyaha looga baahanyahay in schoolka la siiyo biyo bilaash ah. Hadii aanu ceel qodan kari lahayn, biyaha dowlada loo ma baahdeen. Laakinse buurta schoolku ka dhisanyahay meel ceel laga qodi karo ama wax laga beeri karo ma aha. Waa in Arabsiyo lagaa soo dhaamiyaa. Dowladii hore ayaa ku balanqaaday in Schoolka meelaha ku dhow ceel looga qodo, laakin taa kumay dhaqaaqin. Xaga dabka, schoolka waxa loo kaynay marawaxada dabaysha (windmill) oo casri ah oo aanu rajaynayno in laga helo dab schoolka iyo tuulada ba ku filan.

Dhinaca amaankana, mar hadii macalimiin badan oo marti inoo ahi joogaan, waa in wisarada daakhiligu xil iskasaartaa ilaalinta schoolka oo yaan la odhanin kharashka askarta schoolku ha la boxo. Waxa Schoolka dulsaran kharashka waashmannada oo badan oo labada kharash iskuma qaadikaro.

Arinta kale ee in la xalilo u baahani waa tan Jaamacada. Waxa dhacday in maamulka schoolka Abaarso Tech, si ay u helaan meel schoolka lacagi ka soo gelikarto, waxay bilaabeen waxbarashada heer jaamicadeed ah oo magaalada Hargeisa, badanaa ba habeenki, lagu dhigo Business iyo Accounting courses. Programme-ka oo loo bixiyay Abaarso Tech University, markii uu beryo socday, wuu isbixinwayay oo dhibaatoyinkiisii kale na waa ay bateen. Waxa adkaaday socodkii iyo shidaalkii habeenwalba la imanayay magaalada si Koorosyayda loo ghigo.

Sidaa awgeed, Schoolka Abaarso Tech way iskaga baxeen maamulka programmekaa oo waxa la wareegay Ahmed Hussein. Magaca Abaarso Tech University markiisii horeba khalad buu ahaa oo wuxu keenay in Schoolka iyo Jaamacada la isku khaldo. Weli ilaa hada khaladkaasi wuu socdaa oo wuxu u baahanyahay in labada la kala saaro, madaama aanay iminka Schoolku iyo Jaamacadu shaqo isku lahayn. Ahmed baa iminka jaamacada gacanata ku hayaa oo maamula. Isaga iyo Commission-ka Tacliinta Sare waa innay isutagaan oo ka wada hadlan Jaamacada magaca loo bixinayo wixii iminka ka dambeeyana, si anay mar dambe isugu khaldamin Schoolka Abaarso Tech iyo Jaamacada magaalada Hargeisa dhexdeeda ahi.


Ugu dambayntii, hadaan soo kobo, waa aragtaan in School casri ahi dismay. Ardaydu iyo macalimiintu shaqadooday wataan oo dad la cilaaqtama waqti uma hayaan. Shaqadooda ha loo dayo oo ha la taageero. Dibatadana ha laga daayo. Ninka isyidhaahda dhibaatada iyo khatarta aad Schoolka la soo doonatid waa la iska illaawi wuu khaldanyahay. Dadka reer Haiti baa ku maahmaaha, ninka ku dhuftay wuu ilaawa, laakiin ka dakharku ku yaalaa ma illawo. Waalidiintu waa inay sidaa wanaagsan feejignaanta u sii wadaan. Reer Abaarso na, iyagaa dani ugu jirtaa, e Schoolka ha ilaashadeen.
Billeh Osman
Co-Founder of Abaarso Tech





No comments: