Sunday, January 20, 2013

Wakhtigii al shabaab u qabatay inuu iskusoo dhiibo abu mansuur al amriiki oo dhammaaday


Cumar Xamaami oo ah muwadin maraykan ah kana soo jeeda gobolka Alabama,al shabaabna u taqaanno abuu mansuur al-amriki ayaa barta uu twiterka ku leeyahay laga soo xigtay in digniino loogasooa jeediyey .

Al-amriki ayaa waxa uu yahay qof loogu doon doonis badan yahay oo sida aadka u baadi goobayan FBI-da maraykanka isagoona liiska argagexisada lagu daray bishii November ee sanadi tagtay.

Warka lagasoo xigtay barta uu al-amrki ku leeyahay twiterka ayaa lagu sheegay in shabab ay u qabteen al-amriki 4-tii bishaani aan ku guda jirno in uu haysto 15-maal mood uu isku soo dhibaayo al-shababka ka dagalamaya soomaalia ama uu la kulmi dono fal dil ah.

Warbixintan lasoo dhigay barta uu Abu mansuur al-amriki uu ku leeyahay twiterka ayaa lagu shegay in amar lagu siiyay in 15-maal mood gudahedd uu isku soo dhiibo Shabaab uuna dhigo hubka ay al-Shabaab ugu dhiibtay in uu kaga bar bar dagaalamo dagaalamayasha al-shabab oo dagaal kula jira dawlada somalia iyo ciidamada amisom ee kusugan Somaalia.

Dilka al-amriki ayaa shabab uga dhignaan doonta dhibaato kasoo wajahda dadaalaada ay ku doonayaan in ay fikradahooda uga dhaadhiociyaan muwadininta reer galbedka ee sanadihii ugu danbeyay shabab kaga soo biiray dhanka dibada,balse hamaami ayaa waxa uu ahaa qod bilihi ugu danbeyay sheeganaayay cabsi Qatar nafsadisa kaga soo wajahan al-shabab.

Bishii march sanadii tagtay cajal video ah uu soo diray Cumar Xamaami oo Somalia looga yaqaano abuu mansuur al-amriki ayaa waxa uu ku shaaciyay qilaafka kala soo dhex galay isaga iyo Shababka

No comments: