Sunday, January 20, 2013

Cabdillaahi Jawaan Gudoomiye Xigeenkii Komishankii Doorashooyinka Qaranka ee ugu horeeyay oo ka Hadlay Xaaladda Dalku Marayo



Siyaasiga caanka ah ee Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-Jawaan) oo ahaa guddoomiye xigeenka guddigii doorashada ee u horeeyay, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo doorashadii u dambaysay ee goleyaasha deegaanada ee dalka ka dhacay.
           

Cabdillaahi-Jawaan oo isagoo jooga dalka Ingiriiska, u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay mudaraadadii ka dhacay Hargeysa ee keenay dhimashada iyo dhaawaca. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:

Muddooyinkan masraxyada siyaasada laguguma arag Cabdilaahi, waxaanad ku sugantahay dalkaas Ingiriisaka miyaad ka faaruqday masraxa siyaasada Somaliland?

Runtii siyaasada ninba nooc buu u yaqaanaa, dadkeenuna siyaasada qalad ayay ka fahansan yahiin, siyaasada macnaheedu waa talada umadda qofkuna inta uu noolyahay  ee uu miyir qabo kama baxo meel kasta aad kaga aadanaatide,waad ku jiraysaa, markaas kama aan baxin.

Dalku wakhigan doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ayuu ka soo baxay, rabshado iyo murano badan oo gobalada dalka inta badan wada saameeyayna waa ay ka dhaceen, sidaad u aragtaa adigu doorashadii siday u dhacday?

Anigu doorashu sida ay u dhacday qof ahaan waan dhaliilayay oo dhaliilo waa ay lahayd, duruufo badanina waa ay jireen oo guddoomiyaha gudiga doorashooyinku uu ka hadlay, anagu markaanu gudiga doorashada ahayn waxii shaqadayada ah marka sharcigeedu noo yimaado cidna kala maanan tashan jirin, xukuumadana waxaanu uga baahan jirnay dhaqaale qudha, wasiir baanan u ogalaan jirin inuu soo dhex galo madaxweyne ayaanan u oglaan jirin inuu soo dhex galo, mid waliba sida uu sharcigu yahay ayuun buu ku eekaa, xumaana may ahayne waxay ahayd sidaad xilkiina u gudataan anagana kaayaga noogu daaya, markaa runtii waxii dhaliila ah ee ay leedahay iyo waxii wanaagaba komishankii markaas jiray ayaa ku shaqo lahaa allena waa uu inagu guuleeyay oo saddex doorasho ayaanu qabanay.

Sidaad u aragtaa doorashadan u danbaysay dhimashada iyo dhaawac badan ee ay keentay maadama oo aad ahayd komishaneer wakhti dheer arimaha doorashada ee dalka ku dhax jiray?

Aad iyo aad ayaan ugu xumahay arintaasu inay dhacdo oo Somaliland sumcad xumaan ku keentay, marka hore waxaan leeyahay Alle dhammaanteen samir iyo iiimaan haynaga siiyo intii dhimatay inta dhaawacana hashaafiyo, waa wax ku yimi qadarka alle oo lama baajin karo, laakiin canaana lama waayo oo meesha ay wax ka dhacaan cida u ehel ah ayuunbaa lagu canaantaa.

Dadkeenu qalad ayay ka fahan san yahiin mudaharaadka waxa ay  sameeyaan wax la gubo iyo dhagax la tuuro iyo waxyaabo aan loo baahnayn, sida adduunka mudaharaadka loo sameeyaa waa inaad soo qorto waxaad doonayso  si nabad ahna aad u martaa wadooyinka ama xafiiska aad doonayso aad isku hortaagtaa, adiga oo aan wabxa tuur ruurin, laakiin markay taasi dhacday ciidankiina halay budh iyo ul isticlaami lahaayeen xabad  nool ayay isticmaaleen wax loo baahan yahayna may ahayne khasaaraha iyo dhimashada taas ayaa keentay, waxaan  anigu u arkaa aqoondaro ku timi dadka banaan baxaaya iyo booliskaba, xukuumada iyo ciddii dadka laysana waan ku dhaliilayaa, dadkana waxaan u soo jeedinayaa mudaharaadka ay dhigayaan inay ka dhigaan mid salmi ah.

Markaad arimaha kala gurayso adiga oo khibarada aad u leedahay maamulida doorashooyinka isticmaalaya, qaladaad caynkee ah ayaa doorashda ka dhacay aayad odhan kartaa?

Waxaan u arkaa inay ku dhex jirtay faro galin dhanka xukuumad ah, waxaad arkaysay wasiir goobaha doorashada dhex ordaayay, kaanbaynka marka lagu jiro waa loo ogal yahay mudadaas cida xisbiga taageersan inay dhex orado oo ay gobalada tagto, laakiin maalinta ay doorashadu dhacayso dhaq dhaqaaq waxa loo ogal yahay gudiga doorashda iyo cidii la shaqaynaysay,waxa intaas soo raaca wax yaabaha daruuriga ah, wax la arkaayay wasiiradii oo doorashda dhex socda taasina waa waxa dhibaatada keenay, waxa la arkayay meel dhibaato ka dhacday oo la leeyahay madaxweyne hebal ayaa tahay ama wasiir hebal looma baahnayn inay tagaan, waxay ahayd inay komishanku tagaan  oo dadka qanciyo meeshii ay wax ka jiraana uu arko, qalad haduu arkana  uu talaabo ka qaado taas ayaa loo baahnaa, markaas doorkaas ayaa meesha ka maqnaa.

Waxa haatan soo baxay sadex  xisbi qaran oo  middi uu  inagu cusub yahay, waxaana jirta xifiltan haatan ka dhex oogan labada xisbi mucaarad halkii ay ku jehaysan lahaayeen dheeli tirka xukuumadda, sideed u aragtaa xisbiyada soo baxay iyo gaar ahaan arintaas?

Runtii labada xisbi wax xifiltan ah kama dhaxeeyaan ee labada guddoomiye ayaa xooga xurguf ah ay ka dhaxaysay markaan arinka mucaaradka ku horeeyo, waatii hore lay waydiiyay markii ay UCID isku qabteen ee lay doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee aan anigu idhi waxaan door biday inay iyagu heshiiyaan ama ay maxkamad ku kala baxaane ee anigu dhex gali maayo, imikana waxaan qabaa haddii ay xurgufi jirto waa mid ku eeg labada gudoomiye ee kama dhaxayso labada xisbi.

Labada gudoomiyana waxaan leeyahay xilka aad umada u haysaan ka dhex saara waxii idinka idiin gaar ah, oo raaca shuruucda xisbiyadiina u dajisan iyo xeerarka dalka is haysa-shadiinu umaday dhib u keenaysaaye. Labadooduba arimhaas haka tanaasuleen is weerarna looma baahana, mucaarad iyo muxaafidba waxa laysku dhaliili karaa umada shaqadii loo qabanaayay ee cid muxaafka ah ay ka gaabisay, wax ka reeban laakiin cay iyo canbaarayn sharciya marnaba dhaqanka siyaasadu ma ogala, waxaanan ku talinayaa inay isaga yimaadaan ama ay ka gaabsadaan waxii dadka u tusaaya inay madaxa iskula jiraan, xisbiyo mucaarada oo nadiifana ay noqdaan oo saxa qaladaadka xukuumada oo umaduna ay hadhaw kalsooni ay ku siin karto  inay hogaaminta dalka qaban karaan, waxaana lagu qiimaynayaa siday noqdaan taasna inay wadadeeda maraan ayaan u soo jeedinayaa.

Sidee aad u aragtaa hoggaaminta madaxweyne Axmed Siilaanyo oo wakhtigan xukunka hayay  in lagu qiimayn karo hoggaankiisa?

Intuu madaxweyne Axmed Siilaanyo talada dalka hayay waan ka maqnaa, qaylo badanina waa ay jirtaa, wax badan oo la qabtayna waa ay jiraan, dadkeenuna waxay dhaqan u leeyahiin wax kastaaba ha yimaadeene inaynu eedaynta aad u badino, wax walbana loo sibir saaro hoggaanka markaas jira.

Anigu wax aan ku dhaliilay xukuumada waa ay jirtaa oo waa siyaasada dibada, sida safaaradaha  oo kale,  baasaboorka Somaliland meel walba waa uu ka socon jiray markii hore, imika meelahii uu ka socon jiray oo dhan waa uu ka soo oodmay, waxaynu go?aansanay markii aynu Somaliya ka go?aynay ee aynu joognay Burco in Somaliland iyo Somaliya ay labadoodu wada hadlaan,  laakiin shirarka caalamiga ah ee loo qabanaayo Somaliya in aynaan dhex galin oo aynaan ku milmin, qodabkaasna xukuumada Axmed Maxamed Siilaanyo waa ay ka talaabsatay guurtidiibaa sharciyaysay oo qarankii oo dhan ayaa isku raacay, aniga oo shaqsi ahn ma odhan karo hala joojiyo, laakiin waxaan u arkaa wadadii aynu goosanay hore ee danta Somaliland ku jirtay in ay dhibaato u keenayso, xukuumadan Somaliya joogtaa dhawaan waata lagaga cabanaayay baasaboorkii Koonfurta Sudaan ay dadkeenu ku joogeen, meel walba oo ay Somaliland dhaq dhaqaaq ku lahayd cagta ayay saareen, waxaanay ahayd nin haddaad wada hadlaysaan in aanu kula dagaalamin oo waxa kuu  socda ee kuu jira aanu burburin, haddii uu kalu dagaalmayna waa inaad jawaabteeda mid mudan siisaa, oo aad tidhaadaa waxaasu waa qalad ee iga daa.

Waxaan ogahay in markii imika labada wasiir ee arimah dibadu ay halkan Ingiriiska joogeen ay  meel wada joogeen, xukuumadda inay marti u wada ahaayeen, in la qaban qaabinayay shirka bisha shanaad la qabnaayo waxii ka soo baxi lahaa, marka dadka la?la hadlaayana waxa la odhanayaa waxba kama jirin iyo ma ogalin sidaas.

Mawqifka meesha yaala waa in la fahansan yahay waxa laga wada hadlaayo, waanu wada hadlaynaa waa uu sii soconayaa, maxaa sii soconaaya, lixdankii inagaa midnimada doonay oo gaynay imikana inagaa kala soo noqonay  dadka iyo hoggaanku waa inay wada socdaan, waxa laga wada hadlayaana waa inay cad yahiin, laba dal baynu nahay oo Burco waxaynu ku gaynay in laga wada hadlo sidii laysku aqoonsan lahaa iyo waxii inaga dhaxeeyay sidii loo kala guran lahaa  iyo sidii is kaashi loo yeelan lahaa, maantana iyana waa ay ina sheeganayaan  adna naga tag iyo muran ayaad la soo taagan tahay, hadana waxa lagu leeyahay  meel wanaagsan ayay arintu maryasaa, markaas anigu waxaan leeyahay ma cada arintaasu, waxa laga wada hadlayaa waa inay noqdaan ma midnimadaynu  ku noqonaa mise waynu kala baxnaa oo waynu is aqoonsanaa, waxaan leeyahay wax huursan oo da?dan arinkeedu ma cada umadan fikradeeda ma waafaqsana?

La soco waraysigan qaybtiisa 2aad

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment