Siyaasiga caanka ah ee
Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-Jawaan) oo ahaa guddoomiye xigeenka
guddigii doorashada ee u horeeyay, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu
dalku marayo iyo doorashadii u dambaysay ee goleyaasha deegaanada ee dalka ka
dhacay.
Cabdillaahi-Jawaan oo isagoo jooga dalka Ingiriiska, u waramay
Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay mudaraadadii ka dhacay
Hargeysa ee keenay dhimashada iyo dhaawaca. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:
Muddooyinkan masraxyada siyaasada laguguma arag Cabdilaahi,
waxaanad ku sugantahay dalkaas Ingiriisaka miyaad ka faaruqday masraxa
siyaasada Somaliland?
Runtii siyaasada ninba nooc buu u yaqaanaa, dadkeenuna siyaasada
qalad ayay ka fahansan yahiin, siyaasada macnaheedu waa talada umadda qofkuna
inta uu noolyahay ee uu miyir qabo kama baxo meel kasta aad kaga
aadanaatide,waad ku jiraysaa, markaas kama aan baxin.
Dalku wakhigan doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ayuu ka soo
baxay, rabshado iyo murano badan oo gobalada dalka inta badan wada saameeyayna
waa ay ka dhaceen, sidaad u aragtaa adigu doorashadii siday u dhacday?
Anigu doorashu sida ay u dhacday qof ahaan waan dhaliilayay oo
dhaliilo waa ay lahayd, duruufo badanina waa ay jireen oo guddoomiyaha gudiga
doorashooyinku uu ka hadlay, anagu markaanu gudiga doorashada ahayn waxii
shaqadayada ah marka sharcigeedu noo yimaado cidna kala maanan tashan jirin,
xukuumadana waxaanu uga baahan jirnay dhaqaale qudha, wasiir baanan u ogalaan jirin
inuu soo dhex galo madaxweyne ayaanan u oglaan jirin inuu soo dhex galo, mid
waliba sida uu sharcigu yahay ayuun buu ku eekaa, xumaana may ahayne waxay
ahayd sidaad xilkiina u gudataan anagana kaayaga noogu daaya, markaa runtii
waxii dhaliila ah ee ay leedahay iyo waxii wanaagaba komishankii markaas jiray
ayaa ku shaqo lahaa allena waa uu inagu guuleeyay oo saddex doorasho ayaanu
qabanay.
Sidaad u aragtaa doorashadan u danbaysay dhimashada iyo dhaawac
badan ee ay keentay maadama oo aad ahayd komishaneer wakhti dheer arimaha
doorashada ee dalka ku dhax jiray?
Aad iyo aad ayaan ugu xumahay arintaasu inay dhacdo oo
Somaliland sumcad xumaan ku keentay, marka hore waxaan leeyahay Alle
dhammaanteen samir iyo iiimaan haynaga siiyo intii dhimatay inta dhaawacana
hashaafiyo, waa wax ku yimi qadarka alle oo lama baajin karo, laakiin canaana
lama waayo oo meesha ay wax ka dhacaan cida u ehel ah ayuunbaa lagu canaantaa.
Dadkeenu qalad ayay ka fahan san yahiin mudaharaadka waxa
ay sameeyaan wax la gubo iyo dhagax la tuuro iyo waxyaabo aan loo
baahnayn, sida adduunka mudaharaadka loo sameeyaa waa inaad soo qorto waxaad
doonayso si nabad ahna aad u martaa wadooyinka ama xafiiska aad doonayso
aad isku hortaagtaa, adiga oo aan wabxa tuur ruurin, laakiin markay taasi dhacday
ciidankiina halay budh iyo ul isticlaami lahaayeen xabad nool ayay
isticmaaleen wax loo baahan yahayna may ahayne khasaaraha iyo dhimashada taas
ayaa keentay, waxaan anigu u arkaa aqoondaro ku timi dadka banaan baxaaya
iyo booliskaba, xukuumada iyo ciddii dadka laysana waan ku dhaliilayaa, dadkana
waxaan u soo jeedinayaa mudaharaadka ay dhigayaan inay ka dhigaan mid salmi ah.
Markaad arimaha kala gurayso adiga oo khibarada aad u leedahay
maamulida doorashooyinka isticmaalaya, qaladaad caynkee ah ayaa doorashda ka
dhacay aayad odhan kartaa?
Waxaan u arkaa inay ku dhex jirtay faro galin dhanka xukuumad
ah, waxaad arkaysay wasiir goobaha doorashada dhex ordaayay, kaanbaynka marka
lagu jiro waa loo ogal yahay mudadaas cida xisbiga taageersan inay dhex orado
oo ay gobalada tagto, laakiin maalinta ay doorashadu dhacayso dhaq dhaqaaq waxa
loo ogal yahay gudiga doorashda iyo cidii la shaqaynaysay,waxa intaas soo raaca
wax yaabaha daruuriga ah, wax la arkaayay wasiiradii oo doorashda dhex socda
taasina waa waxa dhibaatada keenay, waxa la arkayay meel dhibaato ka dhacday oo
la leeyahay madaxweyne hebal ayaa tahay ama wasiir hebal looma baahnayn inay
tagaan, waxay ahayd inay komishanku tagaan oo dadka qanciyo meeshii ay
wax ka jiraana uu arko, qalad haduu arkana uu talaabo ka qaado taas ayaa
loo baahnaa, markaas doorkaas ayaa meesha ka maqnaa.
Waxa haatan soo baxay sadex xisbi qaran oo middi uu
inagu cusub yahay, waxaana jirta xifiltan haatan ka dhex oogan labada
xisbi mucaarad halkii ay ku jehaysan lahaayeen dheeli tirka xukuumadda, sideed
u aragtaa xisbiyada soo baxay iyo gaar ahaan arintaas?
Runtii labada xisbi wax xifiltan ah kama dhaxeeyaan ee labada
guddoomiye ayaa xooga xurguf ah ay ka dhaxaysay markaan arinka mucaaradka ku
horeeyo, waatii hore lay waydiiyay markii ay UCID isku qabteen ee lay doortay
gudoomiye ku xigeenka koowaad ee aan anigu idhi waxaan door biday inay iyagu
heshiiyaan ama ay maxkamad ku kala baxaane ee anigu dhex gali maayo, imikana
waxaan qabaa haddii ay xurgufi jirto waa mid ku eeg labada gudoomiye ee kama
dhaxayso labada xisbi.
Labada gudoomiyana waxaan leeyahay xilka aad umada u haysaan ka
dhex saara waxii idinka idiin gaar ah, oo raaca shuruucda xisbiyadiina u
dajisan iyo xeerarka dalka is haysa-shadiinu umaday dhib u keenaysaaye. Labadooduba
arimhaas haka tanaasuleen is weerarna looma baahana, mucaarad iyo muxaafidba
waxa laysku dhaliili karaa umada shaqadii loo qabanaayay ee cid muxaafka ah ay
ka gaabisay, wax ka reeban laakiin cay iyo canbaarayn sharciya marnaba dhaqanka
siyaasadu ma ogala, waxaanan ku talinayaa inay isaga yimaadaan ama ay ka
gaabsadaan waxii dadka u tusaaya inay madaxa iskula jiraan, xisbiyo mucaarada
oo nadiifana ay noqdaan oo saxa qaladaadka xukuumada oo umaduna ay hadhaw
kalsooni ay ku siin karto inay hogaaminta dalka qaban karaan, waxaana
lagu qiimaynayaa siday noqdaan taasna inay wadadeeda maraan ayaan u soo
jeedinayaa.
Sidee aad u aragtaa hoggaaminta madaxweyne Axmed Siilaanyo oo
wakhtigan xukunka hayay in lagu qiimayn karo hoggaankiisa?
Intuu madaxweyne Axmed Siilaanyo talada dalka hayay waan ka
maqnaa, qaylo badanina waa ay jirtaa, wax badan oo la qabtayna waa ay jiraan,
dadkeenuna waxay dhaqan u leeyahiin wax kastaaba ha yimaadeene inaynu eedaynta
aad u badino, wax walbana loo sibir saaro hoggaanka markaas jira.
Anigu wax aan ku dhaliilay xukuumada waa ay jirtaa oo waa
siyaasada dibada, sida safaaradaha oo kale, baasaboorka Somaliland
meel walba waa uu ka socon jiray markii hore, imika meelahii uu ka socon jiray
oo dhan waa uu ka soo oodmay, waxaynu go?aansanay markii aynu Somaliya ka
go?aynay ee aynu joognay Burco in Somaliland iyo Somaliya ay labadoodu wada
hadlaan, laakiin shirarka caalamiga ah ee loo qabanaayo Somaliya in
aynaan dhex galin oo aynaan ku milmin, qodabkaasna xukuumada Axmed Maxamed Siilaanyo
waa ay ka talaabsatay guurtidiibaa sharciyaysay oo qarankii oo dhan ayaa isku
raacay, aniga oo shaqsi ahn ma odhan karo hala joojiyo, laakiin waxaan u arkaa
wadadii aynu goosanay hore ee danta Somaliland ku jirtay in ay dhibaato u
keenayso, xukuumadan Somaliya joogtaa dhawaan waata lagaga cabanaayay
baasaboorkii Koonfurta Sudaan ay dadkeenu ku joogeen, meel walba oo ay
Somaliland dhaq dhaqaaq ku lahayd cagta ayay saareen, waxaanay ahayd nin
haddaad wada hadlaysaan in aanu kula dagaalamin oo waxa kuu socda ee kuu
jira aanu burburin, haddii uu kalu dagaalmayna waa inaad jawaabteeda mid mudan
siisaa, oo aad tidhaadaa waxaasu waa qalad ee iga daa.
Waxaan ogahay in markii imika labada wasiir ee arimah dibadu ay
halkan Ingiriiska joogeen ay meel wada joogeen, xukuumadda inay marti u
wada ahaayeen, in la qaban qaabinayay shirka bisha shanaad la qabnaayo waxii ka
soo baxi lahaa, marka dadka la?la hadlaayana waxa la odhanayaa waxba kama jirin
iyo ma ogalin sidaas.
Mawqifka meesha yaala waa in la fahansan yahay waxa laga wada
hadlaayo, waanu wada hadlaynaa waa uu sii soconayaa, maxaa sii soconaaya,
lixdankii inagaa midnimada doonay oo gaynay imikana inagaa kala soo
noqonay dadka iyo hoggaanku waa inay wada socdaan, waxa laga wada
hadlayaana waa inay cad yahiin, laba dal baynu nahay oo Burco waxaynu ku gaynay
in laga wada hadlo sidii laysku aqoonsan lahaa iyo waxii inaga dhaxeeyay sidii
loo kala guran lahaa iyo sidii is kaashi loo yeelan lahaa, maantana iyana
waa ay ina sheeganayaan adna naga tag iyo muran ayaad la soo taagan
tahay, hadana waxa lagu leeyahay meel wanaagsan ayay arintu maryasaa,
markaas anigu waxaan leeyahay ma cada arintaasu, waxa laga wada hadlayaa waa
inay noqdaan ma midnimadaynu ku noqonaa mise waynu kala baxnaa oo waynu
is aqoonsanaa, waxaan leeyahay wax huursan oo da?dan arinkeedu ma cada umadan
fikradeeda ma waafaqsana?
La soco waraysigan qaybtiisa 2aad
No comments:
Post a Comment