Sunday, January 20, 2013

Yuusuf Cabdi Gaboobe oo soo calyo- ceshadey dacaayado gaboobay oo barako beelay.

By: Hamud Duale

“Waaryaa Ina dan sheegow, shalay kii Xamar tegay, ka maanta tegay iyo ka tegi doona ee aad Boobe ku tilmaantay, sedexdaa midkee daran, eed daafacaysaa?”
 
Yuusuf Cabdi Gaboobe

Daacaayadaha rakhiiska ah haddii aad is-barbar dhigto laftoodu kala door roon oo mid waliba, waxay leedahay xilligeegda iyo waafigeeda. Haddii aad mid baali ah oo waqtigeedii dhacayba soo calyo-ceshato waa lagula yaabi, diirrimaadna ma yeelaynayso.  Bal kuwan u fiirso uu maanta soo calyo-ceshaday Wargeyska weyn ee HAATUF iyo Ina Gaboobe.

Sagaashanaadkii, xilligii Cabdiraxman Axmed Cali hoggaamiyaha ka ahaa Somaliland, dacaadyadaha rakhiiska ah, waxaa lagu soo koobay: “Waa laga danbeeyaa” iyo “Somali weyn buu doonayaa”.

Daacaayad darajo sare ah, waayo xilligaa meel mar ayay ahayd. Ilaa ay hooyo Somaliland ahi ka jawaabtey oo tidhi: “Maxaa ka danbeeya, dee hadhkiisa oo keliya ayaa ka danbeeya e’ ”.

Xilligii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal-na  dacaayadaha rakhiiska waxaa lagu soo koobay in M/weynaha  iyo  wixii la shaqeeyaaba ay doonayaan darajo sare oo han-weyniyi ku jirto.  Waxaa la odhan jirey wuxuu doonayaa in uu noqdo M/weynaha Somali-weyn oo dhan. Iyada oo aan wax daliil ah iyo dillo midna loo hayn. Taana wadkaan cidna deyneynba oo ka ajiibey, oo waa tii  mawd ka adeegey.

Dawladdii Riyaalana iyo xisbiyadii qaranka ee xilligaa jiray, dacaayadaha rakhiiska ah waxaa ka mid ahaa Riyaale wuu hagranayaa dalkan in la ictiraafo. Bahalku daaqada ayuu iska saran yahay, wax soo dhufta ayuun buu u  baahan yahay.

Taana waxaa bi’iyay kuwii sidaa ku doodi jiray markii xilkii loo dhiibay, Riyaalana cod lagu diray ee bahalkii la lahaa daaqadduu saaraan yahay, shaan-shaan ka dhacay, shalanboodna lala tagey, ee la yidhi shib dheh shar iyo khayr.

Labada dacaadyadood ee hore waxay muujinayaan in qofka reer waqooyiga ah ee xuduudda ka gudbaa xilliyadaa, qaali ka ahaa koonfurta, Somalilandna ka ahaa denbiile xadhig maleegaaya. Ta sedexaad waxay ku soo ururtay in maanta arrintu tahay biyo yaa shuban oo taladii noqotay hebel safiir buu doonaya, xiitaa wasiir buu doonayaa lama laha. Waa daacaayad gabawdey oo Ina Gaboobe soo calyo-ceshanayo.

Waxaa taa daliil u ah maqaalkii, isaga oo aan mudnayn, lagu daabacay bogga hore ee wargeyska Haatuf ee nuxurkiisu ahaa in Boobe uu doonayo safiir oo ay M/weynaha Somaliya iyo wasiirkiisa arrimaha dibada ay aqoon dheeraad ah isku leeyihiin.

Taxanaha waxba kama odhan, kumuu faaloon, mana faaqidin, Boobe iyo damacyadiisa ayuu mala-awaalayaa, waayo wax daliil ah muu sheegin, marka laga reebo ila-wareedyo dalqada wax ka arka oo M/weynha Somaliya iyo wasiirkiisa arrimaha dibebada ka ag dhaw oo aanu magacaabin. Wuxuu illoobay in dunidu maanta isku wada dalooshan tahay oo cidna marti looga ahayn warka.

Waa dacaayad rakhiis oo muddoo dheer la soo adeegsanayey oo Barako beeshay. Waa baali. Markaa wargeyska  maanta adeegsanaysaa eyni u kordhay mooyee aqli uma siyaadin.  Waxaan leeyahay dacaayadaa rakhiiska ah, aniga oo cuskanayaa murti sannadeedkii, iyo hadalladii dhaxal-galka ahaa ee ka soo maaxday masgaxda baaluqday ee Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, M/weynaha JSL : “uf , uf, uf , cankag, cankag iyo cankaga,  weedhadu waa  cuuc iyo caac”.

Anigu Taxanaha Cabdiraxman Yusuf Ducaale ee uu ka diday Wargeyska Haatuf, warbaahinta kalana ku indho kuulato,  balaayo kuma arag, kamana filayo

Ilaa hadda, Faa’iidooyinka taxanaha Boobe waxaa ka mid ah, beelaha qaarkood ayaa ka raystay  warbaahinta  qaarkood oo si toos ah u maagi jiray, aflagaaddeyn jiray, gaar ahaan beesha M/weynuhu ka soo jeedo iyo wasiirradeeda.  Warbaahintii aflagaaddooyinkaa ku qadhaaban jirtay, war-beeleedyada daajin jirtay, alleyleh Boobe wuu ka ciideeyey oo dib looguma arag baalasha wargesyada.

Waxaan hadalkii ku soo gunaanadayaa waaryaa inna dantii sheeg, dadku maahaa kii shalay waxkastood duddubisaan, duuduub ku liqi jiray, doorkan waxay hubsanayaan, dirxi in uu ku hoos jiro dacayadaha rakhiiska ah een looba awr deyin iyo ila-wareeyada  aan sal, raad iyo magactoona lahayn, ee lagu andacoodo iyagaan ka soo xigtay.

Sir culus, qarsoodi iyo war-daddabo sanduuq dunidu way ka gudubtay. Waxaan dillo iyo daliil loo hayn waqti laguma daayaco. Warku waa  Daahir yaa shamis, waana elektiroonik.

Waryaa ina dan sheegow, dillaal iyo mallaalow, ma adigaa dib u celin kara dadkan soo  baraarugey, murti dhaadhiyada, qallimaanta fiiq-fiiqan.

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment