Mustafe Abiib Maxamed |
Mustafe Abiib Maxamed oo ka mid ah dhalinyarta magaalada Hargeysa, ayaa maanta galinkii hore ciidamada boolisku u taxaabeen saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Muwaadinkan ayaa laga qabtay xafiiskiisa,
isagoo xilligaasi gudanayey waajibaadkiisii shaqo. Waxaanay bilaysku u keeneen
kuna kaxeeyeen waaran ay kasoo goosteen maxkamadda gobolka oo uu ku saxiixannaa
guddoomiye C/rashiid Durraan.
Mid ka mida shaqaalihii goobta oo la joogay
muwaadinkan la xidhay, ayaa noo sheegay in ciidamada boolisku ay muwaadkankan
ku kaxeeyeen yeedhitaan maxkamadeed, balse telefoon ku soo dhacay dabadeed ay u
jihaysteen kuna xidheen saldhigga dhexe.
Markii muwaadinkan la geeyey saldhigga dhexe,
ayaa loo sheegay in loo haysto oo ay ashkataysay Shirkadda isgaadhsiinta ee
TELESOM oo sidii dambi-baadhistu sheegtay dhawaan uu ka qoray Maqaal uu kaga
hadlay Dakhligeeda iyo cashuurta ku waajibtay.
Markii gudaha saldhigga lagu xareeyey ayey dambi-baadhistu
soo ban-dhigeen Sawirkii muwaadinkan oo kur ah kuna xardhan warqad A4 ah iyo
joornaal uu maqaalkaasi ku qoran yahay. Waxaanay sheegeen in maalinta berriya
maxkamadda la hor-geyn doono.
Dhacdadan oo ugub ku ah dalka ayaa si fudud u
dhaawici karta sumcadda iyo horumarka dadkan iyo dalkan curdinka ah, maadaama
muwaadinkan lagu haysto fikirkiisa, oo u muuqda mid uu is-lahaa wax ku tar
dalkaaga iyo dadkaagaba.
Tallaabadan ayaa dhanka kale ka turjumi karta
musuqmaasuq dahsoonaa oo haatan soo if-baxay. kaasoo la odhan karo waxaa lagaga
faa’iidaysan karaa habac-sanaan laga dheehday maamulka sare ee xukuumadda Dr
Axmed-Siilaanyo.
Shirkadda TELESOM oo run ahaan ah Shirkad
ballaadhan oo sumcad weyn ku leh dalka ayaan tallaabadan oo kale marnaba laga
filaynin, balse gadaal ayaa la iska waydiin karaa maqaalkaasi iyo waxyaabahii
ku xardhanaa ee ay shirkaddu ka adkaysan wayday.
Mustafe Abiib Maxamed waxa uu ka mid yahay
hal-doorka dhalinyarada Somaliland gaar ahaan caasimadda Hargeysa. Waana
aqoon-yahan da’yar oo dalkiisa aaminay. Isla markaana fikirkiisii iyo
muruqiisiiba ku bixiyey dalkiisa hooyo. Waxaanu haatan xisaabiye sare ka yahay
Shirkadda AL-XAYAAT oo dibadaha kasoo waaridda agabka qurxinta guryaha.
Maqaalkan uu Muwaadin Mustafe ka qoray
shirkadda TELESOM ee maanta xabsiga loogu taxaabay ayaa todobaadkii tagay kusoo
baxay website-yada qaarkood iyo Wargeyska HUBAAL. Waxaana halkan idiinku soo
gudbinaynaa maqaalkaasi oo dhamasytiran, kaasoo u qornaa sidan:
Daraasad
Ku Saabsan Dakhliga TELESOM & Cashuurta Ku Waajibtay
Telesom
ma la odhankaraa sixir-bararka sarifka qayb wayn bay ka qaadataa?
Telesom
maxay bulshadeeda kusoo celiysaa?
Telesom
faa?iido maxay u leedahay wadankan soomaliland?
Shirkadda
Telesom (BARAKAAT) waa shirkadda isgaadhsiineed waxaana la aasaasay
somaliland 2001, wakhtigaa oo suuqa ay ugu sii horeeyeen labada shirakaddood ee
kala ah Soltelco iyo STC, oo si dhakhso ah ay kala baxday suuqa, isla markaana
90% gacanta ku dhigtay maacaamiisha Somaliland.
Imika
oo ay tahay dabaayaaqaddii sannadda 2012 ka waxaynu odhan karnaa saddex
meellood oo laba meelood (2/3) shacabiga Somaliland aya isticmaala telesom
siyaabo kala duwan (land line, mobile GSM, Internet DSL,Internet GPRS iyo
Adeega 3G) inaa waxaa soo raaca Adeexa ZAAD bilaa lacag ah,
Laakin
adeega ZAAD Telesom faa?iido aad iyo aad u balaadhan ayay ku qabtaa, iyado
sababtu tahay ka faa?iidaysashadda dhaman lacagaha shacabka Somaliland.
Lacagta
ZAAD wxay ku jirtaa wax loo yaqaan SERVER oo micnihisu yahay KAYDIYE kaas oo la
odhan karo lacago gaadhiya malaayin doller oo shacbiggu leehay ku jiraan ama ku
kaydsan yihin, isla markaana si fudud ay uga faa?iidaysato kuna shaqaysato
Telesom iyadoo aan wax idan ama ogolaasho ka haysan shacbiga Somaliland ee
lacagtaa leh ama ay dhididkooda ama xoogoodii ay tahay, si kastaba ha ahaatee
waxa la odhan karaa marka laga taggo ka faa?iidaysigaa lacagaha shacbiga ee aan
la waydiisan, waxaba shacbiga ka soo gaadhay dhibaato dhaqaale taas oo kala ah
sidan:
Sare
u kaca qiimaha sarifka doller ka oo maceeshada oo dhami ku tiirsan tahay: Si
kooban hadii aynu u tilmaano, markasta oo sarifka lacagta addagi ama dollar ka
ahi bato qiimaha sarifku hoos ayuu u dhacaa, isla markana markasta oo lacagi
wareeg samaysana dhaqaalle ayay abuurtaa, hadaba ZAAD ku labadaaba uu yareeyay.
Hadii mobile kaga uu $10 kugu jiro waxa laga yabaa inad kala baxdo ama aad ka
sarifato hadba intaa aad u baahan tahay (hal hal , ama laba laba) kolaba
baahidaada, halka markii hore aad $5 ama $10 kaba mar ad wada sarifan jiray,
runtii waa hawl fudayd laakin waxa ka badan dhibaatada dhaqale ee tabban ama
hoos u dhaca ah.
Shaqo
la?aan: iyadoo shaqo laan uu riday dhalin yaro badan oo ka gacasan
jirtay adeega Sub-stationka, iibka prepaid vouchers ka.
Hoos
u dhac ku yimid lacag sarifashadii dadka, halka markii hore qofka u baahan inuu
$2 doller sarifto uu $10 doller iska sarifan jiray, halkana dadka sarifka
ka ganacsdaa faa?iido ka heli jireen isla markana khasaare aanu soo gaadhi jir
qof loo sarifay.
Waa
dhaqaale aan wax ducmenti ah laynd ama DAMAANAD.
Tusaale
hadii manta ay yimaadan qoloyinka loo yaqaa HACKERS ama tuugta intenet ka
adeegsata si fudud aya u dhici karaan isla markaana wax cadayn ah oo uu haystaa
qofka macmiil ka ahi ma jiraan. Waayo wax loo yaqaan DATABASE ka la isku
halaynayo waa wax la khalkhalin karo isla markaana wax la ga badali karo marka
HACKING ka lagu sameyo.
Si
kastaba ha ahaatee Adeegan ZAAD waa halis laba aff leh oo ku wajahan shacbigan
Somaliland.
Shacabka
ku nool Somaliland waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 3.5 million ilaa 4
million yar iyo waynba.
Sida
aynu hore u soo tilmaanay Shirkada telesom waxa isticmaala saddex meeloodoow
laba meelood (2/3) 3.5 milyan wadarta guud ee shacbiga Somaliland oo u dhiganta
1.75 million (1,750,000 qof Hal milyan iyo todoba boqol iyo konton kun oo qof)
oo siyaabo kala duwan u isticmaala (land line, mobile GSM, Internet
DSL,Internet GPRS iyo Adeega 3G)
Haddaba
hadayaynu eegno dhaqaalaha Telesom kasoo gala Somaliland maalintii kaliya oo
aynu maskax fayaw ku qiyaasno iyadoo aan ka bad-badini jirin, hadii aynu kaso
qaadno cel-celis 1,750,000 qof ay isticmaalaan $0.5 doller malintii qofkiba, oo
kii $2 dooler isticmalaya iyo kii inta ka badan am aka yar ba isticmalayay aynu
isku celi-celino waxay noqonaysaa sidan:
1,750,000qof
x $0.5 isticmalka malinti = $875,000 maalintii.
Markaan
leeyahay $0.5 isticmaalka maalinti maha qof waliba $0.5 ayuu ku hadlaa telefon
ahan, laakin waa isticmaalka bulshada oo cel-celis ah.
Bishii
$875,000 x 30 = $26,250,000 (lix iyo labaatan milyan iyo laba boqol iyo
kontonkun oo doolar bishii)
Sannadkii
waa $26,250,000 x 12 = $315,000,000 ( saddex boqol iyo shan iyo toban millan oo
doller)
Hadaba
suaashu waxay tahay Telesom maxay bulshadeeda kusoo celiysaa?
Inta
aynaan taa ka jawaabin, Telesom xarumeheeda ugu waa wayni waxy ku yaalaan
magaallada Hargaysa caasimadda Somaliland,
Hadii
aynu eegno hantida ma guurtadda ah ee ay ku leedahay caasimada Somaliland
shirkadda Telesom kama badna laba ama saddex fooq oo kaliya, dhamaan
dhismayaasha ay ku jirto ama ay isticmaashaa waa wada kiro marka laga tago
xarunta ku taal Biriijka hargaysa ama meelo kale faro ku tiris ah,
Ka
shacbi ahaan wax la taaban karo oo muuqda oo ay kuso celisay shirkada telesom
ma jiraan marka laga tago meelo ama makhsino yar yar oo ay ka dhistay jamacado
wadanka ah, mana jirto shirkadd faa?iido inta leeg ku qabta wadanka o hadana
aan waxba kusoo celin dhaqaalle, habase ahatee haddana dhibato dhaqaale ku
haysa.
Telesom
waxaa la odhan karan waa shirkadd ajaanib ah, marka la eego sida ay faa?iidaada
badan uga hesho waddankan Somaliland lana bar bar dhigo sida ay wax ugu soo
celiso wadankan ay ka dhisan tahay.
Haddaba
hadii intaasi hore ay ku ekayd dhibaatada ay ku hayso shirkadda Telesom
shacbiga Somaliland, su?aasha kale waxay tahay Telesom faa?iido maxay u
leedahay wadankan soomaliland?
Marka
laga tago dhaaqala ka soo gala Telesom carrigga Somaliland, dhinaca kale waxa
jira dawlad ka talisa dhulkaa aya ku ganacsato shirkadasi isla markaana ka
masuul ah shacbigeeda amaan ahaan, dhaqaale ahaa, maamul ahaan iyo millgo
ahaanba.
Haddaba
ma la odhan karaa telesom cashuurta ku waajibtay si hagar la?aan ah ayay u
bixisaa iyadoo indhaha laga qarsanayo dhibkaa sare aynu ku xusnay?
Jawaabtu
waa maya.!!!.. waayo?
Cashuuraha
ay qaado dawladu waxaa ka mid ah si kooban markan u shego anoo aan halkan kusoo
dhamays tirayn:
1.
Cashuurta dakhliga (Income tax)
2.
Macaashal macaash oo sanadle ah
3.
Cashuurta iibka (sales tax)
4.
cashuuraha biilasha (billing tax),
5.
ruqsadda (license)
6.
cashuurta kirada taawarada (towers),
7.
cashuuraha qalabka shirkaddu soo iibsato
8.
cashuurta shaqaalaha (payroll tax)
9.
cashuuraha dowladaha hoose (municipality taxes)
Tusaale
gaaban, hadii sidda aynu sare ku soo xusnay uu yahay macaamiisha ku xidhan
telesom ay yihiin 1,750,000 qof aynu ku dhufano istimcaalka qofkiiba $0.5
cel-celis maalintii ( kii $10 ama $0.2 isticmaalayay la isku cel-celiyo) waa
(1,750,000 x $0.5 = $875,000 maalintii, hadab waxaynu kusii dhufanaynaa qiimaha
cashuurta iibka oo ah 5% = waa $43,750 cashura maalintii
Bishii
waxay noqonaysaa $43,750 x 30cisho = $1,312,500
Sannadkii
$1,312,500 x 12 = $15,750,000 (shan iyo toban millan iyo todoba boqol iyo
konton kun oo dollar) sannadki wa cashuur kaliya oo ka mid ha cashuuraha ku
waajibay Telesom.
Waana
cashuuraha ugu yare e laga qaado shirdadaha ama ganacsigga wadanka, waxa jira
qaar badan oo kasii wayn laakin tan waxan usoo qatay waa cashuraha yar yar .
Ma
la odhan karaa cashuurahaa xaddigaa intaa leeg ah ayay Telesom bixisaa oo ay
dawladda u shubtaa?
Mase
tahay biilasha isgaadhsiinta wasaaraduhu inay intaa noqonayaan?
Haddaba
gunaanadku wuxuu yahay shirkadda Telesom dhibaatadda ay ku hayso dadkeeda waxaa
sii dheer dhibaatada ay ku hayso dalkeeda, Telesom waa GOFANE ku dhagan dalka
iyo dadka Somaliland.
hadii
ay shirkada Telesom sidan wax ka badali waydo, ama ay shacbigeeda iyo
dawladeeda hadh iyo habeenba amaankeeda ilaalisa wax kusoo celin wayno runtii
maaha wax sii jiri kara ama si fudud ayay uga bixi kartaa suuqa isgaadhsiineed
ee ay ku jirto.”
No comments:
Post a Comment