Thursday, December 27, 2012

Sirdoonka Somaliland oo safar Muqdisho ah joojiyay C/raxmaan C/qaadir iyo Wasiirkii Ciyaaraha ee Cahdigii Rayaale

Ciidanka Sirdoonka Somaliland ayaa maanta hakiyay safar ay doonayeen inay Muqdisho ku tagaan Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Kulmiye C/raxmaan C/qaadir iyo Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Cahdigii Rayaale Maxamud Siciid Muxumed, kuwaasoo diyaarad ka raacayay madaarka Berbera.
cmmm
Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka ayaa Waaheen u xaqiijiyay inay labadaas masuul Ciidanka Sirdoonku ka reebeen Diyaaradda Jubba oo ay duulimaadkeedii maanta u raaci lahaayeen Magaaladda Muqdisho, waxaanu xusay in aanay ilaa hada xog rasmi ah ka haynin sababta keentay talaabadan, balse waxa uu xusay in ay uga shakiyeen tagitaankooda Muqdisho talaabooyin lidi ku ah Somaliland.
C/raxmaan C/qaadir waxa uu dhawaan safar kan la mid ah ku tagay magaaladda Muqdisho, kaasoo aan si rasmi ah loo ogayn ujeedadiisa, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in uu arrimo Ganacsi u tagay, safarkiisa maantana waxa la sheegay inay ku wehelinayeen qaar ka mid ah Eheladiisu.
Short URL: http://waaheen.com/?p=56220

No comments: