Thursday, December 20, 2012

Maydadka 18 Tahriibayaal Soomali Ah Oo Shalay La Keenay Cisbitaalka Guud Ee Boosaaso

 |
Alle ha u naxariistee Maydadka 18 Tahriibayaal Somaliyeed ah ayaa shalay la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka guud ee Magaaladda Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland.
Dadkan Maydadkooda la keenay Cisbitaalka oo isugu jiray Rag, dumar iyo Carruur dhowr ayaa la sheegay inay ahaayeen dad Somaliyeed oo doonayey inay u tahriibaan dhanka dalka Yemen, waxayna doon ay ka raaceen xeebaha Puntland ay kula qaraqantay biyaha bada ee aan ka fogeyn Puntland.
Maydadka dadkan Tahriibayaasha ah, ayaa waxa Cisbitaalka Boosaaso keenay masuuliyiinta amaanka ee Maamulkaasi, kuwaasi oo sheegay inay bada ka soo qaadeen ilaalada xeebaha Maamulkaasi oo kaashanaya doonyahooda gaarka ah.
Sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in dadkii saarnaa doonta ay ku dhinteen 18-kan qof ay saarnaayeen dad ka badan 60, balse ay soo qaadeen afar qof oo badbaaday, kuwaasi oo uu sheegay inay u sheegeen inay doonta ku saarnaayeen dad lixdan ka badan, balse intii kale aanay raq iyo ruux midna haynin, marka laga reebo afarta nool iyo 18-ka maydadkooda la helay.
Maydadka Cisbitaalka la keenay ayaa 7 rag yihiin, 10 haween iyo ilmo yar oo aan la ogeyn in hooyadii dhashay dhimatay iyo in kale, kaasi ii da’diisa lagu qiyaasay afar sano jir.
Markii maydadka la keenay Cisbitaalka, waxa halkaasi soo buux dhaafiyey dadwayne murugaysan, waxaana Cisbitaalka laga qaaday maydadka dhowr qof oo eheladoodii garteen.
Tahriibka oo ah masiibo dad badan hore ugu leedeen, ayaa ah mid socota oo aan dhamaad lahayn, inkasta oo maamulada dhulka Somalida ka jiraa ay dedaal ugu jiraan sidii loo joojin lahaa.
Short URL: http://waaheen.com/?p=55758

No comments: