Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada xeebaha Puntland oo ilaalo ka hayay markab shisheeye oo ganaaxnaa ayaa la baxsaday markabkaasi.
Markabka oo laga leeyahay Waqooyiga Kuuriya ayay Puntland ku ganaaxday lacag dhan 170 kun oo doollar kaddib markii la qabtay dabayaqaadii bishii la soo dhaafay asagoo wasakh ku daadinaya xeebta gobolka Bari sida.
Markabka oo lagu magacaabo MV Daesan ayaa lala aaday deegaannada Bari ee xeebta bad-weynta India, sida ay Hobyonet.com u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsanaa maamulka dekedda Boosaaso oo ka gaabsaday magacyadooda.
Lama oga inay ilaalada markabka isu beddeleen burcad badeed iyo in kale balse waxaa jira warar sheegaya in Markabka uu ku suganyahay xeebaha Somaliya,waxayna Ciidamada Badda Puntland naadi goob ugu jiraan sidii ay markabkaa u soo celin lahayeen .
Source: Hobyonet.com
No comments:
Post a Comment