Friday, December 28, 2012

Magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer waxa ka dhacay mudaharaad rabshado wata oo xidhay isku socodka gaadhidka

 
Magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer waxa ka dhacay   mudaharaad rabshado wata oo  xidhay isku socodka gaadhidka ee Birayshka weyn ee  magalaada Burco kuwaas oo mudo sacaadaa xidhnaa , dadweyne cadhaysan ayaa saaka iskugu soo baxay dhinaca waqooyi ee biriishka weyn ee Magalaada Burco .
Mudaraadka saaka  oo aana gaysan wax khasaara waxa  sababay dadweyne ka cadhaysan saami qaybsiga Beelaah galbeedka iyo Bariga burco oo taasoo ay dad badani qabaan inay dhinac kaliya ka raran taas oo magalaada Burco mudooyinkii ugu danbeeyay ka jiray guux ku saabsan  masuuliyiinta Maamulka gobolka oo   ka soo wada jeeda  Beesha Bariga Burco.
Mudaharaadkaas waxa saaka la xidhay dhalinyaro ka mid ahaa dadweynahii sakaa  mudaraadka dhigay .
Dhinaca kale dadweynaha ku dhacan  galbeedka Burco ayaa qabanqaabinayaa mudaraado  lagaga soo horjeedo dawlada  oo la filaayo in ay dhacaan maalmaha fooda inagu soo haya
Abdilaahi Jaamac  Cali oo ka mida dadka siyaasada falanqeeyaa  oo u waramay  shabakada Hadhwanaagnews  ayaa sidan hadalkisa ku bilaabay  ?: Qorshaha dawladu ka leedahay gobolka togdheer waxa weye in ay togdheer lala simo Hargeysa Sanaag iyo gobolka saaxil sidaasi daraaded  togdheer waxba kagama duwana Ceeigaabo iyo berbera oo badhasaabka iyo maayarkuba waa isku reer markaas ma jirto wax ka maanacaaya in uu sii jeego badhasaabku.
Isku soo wada duudubo waxa dadweynahu  indha ku hayaan qabanqabaada mudaraadada laga soo horjeedo dawlada oo hadal haynta ugu badan ee Maanta ka jirta  Magalaada Burco .

No comments: