Wednesday, December 26, 2012

Guddida Wanaag Farista iyo Xuman Reebista oo Talo ku Soo Jeedisay in Maamule Muwaadin ah loo Magaabo Dugsiga Abaarso Tech



Mr. Jonathan Starr founder of Abaarso Tech
Waaheen (Hargeisa) Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista oo beryahan dambe ka hawlgashay khilaafka ka jira Dugsiga sare ee Abaarso Tech ayaa shalay shir ay ku qabteen magaalada Hargeysa soo jeediyey talo khilaafka ka dhexeeya labada aasaase ee dugsigaa ee kala ah Dr. Axmed Xuseen Ciise iyo Mr. Jonathan Starr xal loogu helo karo.  Khilaafkaas oo muddo socday waxay ku taliyeen Guddida Wanaag Faristo
  • in marka hore lo magacaabo dugsigaa Maamule Muwaadin ah oo la isku waafaqsan yahay oo diinta iyo dhaqanba ilaalin kara.
  • Waxay kale oo Guddidu soo jeedisay in labada aasaase ee dugsigaasi ay kor kala shaqayaan dugsiga iyada oo midkodna dhinaca caalamka uga hawlgalo dugsiga ka kalena uu baahida dugsiga ee gudaha kala shaqeeyo.
Dr. Ahmed Hussein Esse, member of Abaarso Tech Board
Waxaanu isla xalay arrintaa wax ka waydiinay go’aankaa Dr. Axmed Xuseen Ciise, wuxuu noo sheegay inuu dhinaciisa ka soo dhawaynayo go’aankaas. Waxa kale oo uu sheegay inaanay cidna faaiido ugu jirin burbur iyo sumcad xumo ku timaada dugsigaasi.  Waxa kale oo uu sheegay in dhaleecaynta beryhan dambe suuqa ku jirtay aanay marna ku saabsanay ardayda dhigata dugsiga ee ku koobayd maamulka dugsigaas.

Dugsiga Abaarso Tech oo la aasaasay 2009 waa dugsi boarding ah kuna yaala duleedka Hargeysa.  Waxa hore khilaafkiisa u dhexgalay xukuumadda Somaliland oo markii dambe lagu heshiiyey inuu Dr. Axmed Xuseen Ciise noqdo Guddoomiyaha Boardka halka Jonathan starrna loo magacaabay Maamulaha Guud.

No comments: