Wednesday, January 18, 2012

Somaliland Oo Sheegtay In Arinka Taleex Ay Kala Hadleen QM.


Published on January 17, 2012 
 
 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa daboolka ka qaaday inuu kulammo kala duwan magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya kula yeeshay  Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga.
Wasiirka arrimaha dibeddda maamulka Somaliland Maxamed Cabdillaahi, waxa uu sheegay inay Danjire Mahiga ka wadahadleen mawqifka ay Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa ka taagan tahay maamul-gobleedka Somaliland laga falliidhayo ee toddobaadkan lagaga dhawaaqay shir ka socday degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool.
Mar uu Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar kulankaa uu Mahiiga kula yeeshay Noirobi faahfaahin ka bixinayey waxa uu yidhi

“Shir aanu shalay wadda yeelanay ergayga guud ee u qaabilsan Qaramada midoobay arimaha Soomaaliya iyo arimaha Somalilandb Amsaddor Mahiga, oo aanu ka wadda hadlaynay arimo dalka iminka ka socda iyo mawaaqiifta ay ka qaadanayaan Qaramada Midoobay. Waxaanu Ergaygu noo sheegay inay danaynayaan inaan la wiiqin wada-jirka iyo nabadgelyada Somaliland.”

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo maanta dib ugu soolaabtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu saaka ka soo duulay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, ayaa qolka nasashada ee garoonka diyaaraha Hargeysa Warbaahinta kula hadlay, ayaa waxa kale oo uu ka warramay ujeeddada safarka uu dalka Kenya kaga soo laabtay, waxaanu sheegay inuu madax badan oo ay halkaa ku kulmeen uu warbixin ka siiyey heerka ay maanta Somaliland marayso marka laga eego dhinacyada nabadgelyada, horumarka dhaqaalaha, arrimaha bulshada, siyaasadda, dimuquraaddiyadda, qorshaha doorashooyin la qaban doono 2012, iyo qodobbo kale oo uu xusay inay ka mid yihiin sidii caalamku Somaliland taageerooyin kala duwan ugu fidin lahaa.

No comments: