Wednesday, January 18, 2012

Gudoomiye Xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Oo Booqasho Ku Yimi Somaliland Iyo Ujeedada safarkiisa

Jan 17, 2011

Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macalin, oo booqasho ku yimi Somaliland maanta, ayaa ku baaqay in wada hadal lagu xaliyo muranka iyo gacan ka hadlaka deegaamada Sool iyo Buuhoodle ee ka tirsan Somaliland.Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo maanta kasoo degay madaarka Hargeysa, waxa halkaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland waxaanu ka hadlay socdaalkiisa xiligan ee Somaliland waxaanu yidhi “Anigu waxaan u socdaa sidii wixii Soomaali oo dhan horumarkeedii iyo nabadeedii sidii xal aan ahayn gacan qaad loogu heli lahaa sidaasi ayaan anigu aaminsan yahay.”



“Anigu ma doonayo in Soomaaliyi ay isku gacan qaado meel ay joogtaba wixii dhibaato ah ee jiraba wakhtigii wada hadal lagu dhamayn lahaa ayaa la joogaa,hadda dhibaatooyinka ka jira Somaliland gudaheeda iyo gobolada gacan qaadku ka dhaco. Waxaan ku boorinayaa inay isticmaasho deganaansho,”ayuu yidhi Dr. Faarax Macalin.


Faarax Macalin mar la weydiiyay aragtidiisa ku wajahan shirka degmada Taleex ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo, isagoo tilmaamay inaanu xog badan ka haynin oo ay maqaalo ku tahay. “
Dawlada iyo dadka Somaliland waa dad aan ku kalsoonahay waan ogahay deganaansho iyo culays isticmaalayaan waxaan idinkula talinayaa inaan dhiig dambe oo soomaliya la daadin. Anigu markaan sidaasi leeyahay waxaan ahay Nin Soomaaliya oo qaran kale ka yimid oo Soomaalidu tiro yar ka tahay,”ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenku.



Faarax Macalin oo wax laga weydiiyay farogelinta milatari ee dalkiisu ku qaaday deegaano ka mid ah dalka qalalaasuhu hadheeyay ee Soomaaliya, waxaanu yidhi “Kuma farxayo ninka Soomaaliga ah ee Kenyan-ka ahi inuu arko ciidamo Kenyan ah oo gelaya Soomaaliya laakiin waxay noqotay wax daruuri noqotay oo dhibkii ayaa sii fara batay. Qaxoontigii ayaa boqolaal kun oo qof ku soo galay Kenya. Dhibta nimanka xagirka ah oo inay ummada baabiyaan ku tallo-galay waxaasi oo dhan ayaa nagu khasbay in la galo Soomaaliya, laakiin haddana lagu galo si tartiibsan.” Ayuu yidhi.

Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka Kenya oo booqashadiisani noqonay tii sadexaad ee uu ku yimaado Somaliland ayaa mudada uu joodo kulamo la yeelanaya madaxweynaha Somalialnd iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadda iyo sidoo kale baarlamaanka. Waxaana la filayaa inuu kala hadlo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka kooha doonaya inay qallaalase ka abuuraan Somaliland ee dhowaan ku qabtay shirka guuldaraystay ee Taleex, kuwaas oo markii ay Ciidamada Somaliland galeen magaalada Buuhoodle u firxaday dhinaca Garoowe ee maamulka gobolka Majeerteeniya, iyadoo qaar kale oo ka mid ahaa kooxahaasi dhuumasho ku joogaan magaalooyinka hargeysa iyo Berbera oo ay doonayaan inay ka dhoofaan.

No comments: