Saturday, May 3, 2014

MAALINTA BARITO OO KUBEEGAN SANNAD GUURADII 12NAAD EE KASOO WAREEGTAY GEERIDII MARXUUM MAXAMED X.IBRAAHIM CIGAAL.FAALO WARIYE YAASIIN JAAMACA CALI.






Maxaad ka xasuusataa  12 Sano Guurada kasoo wareegtay  3 May 2003 Maalintii u Geeriyooday RABI naxariistiisa jano haka waraabiyo'e Aasaasihii Rukumada  u  aasay  Dawlanimada   Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Runtii Waxay ahayd Maalin Dadka reer Somaliland Meel kasta o ay caalamka ka Joogaan ay ka  Naxeen Geerida  Madaxwaynihii Hore e Somalilan Maxamaed xaaji Ibraahim Cigaal, Waxaase  Xusid Mudan Sidii uu u dhacay aaskii Maalintaa maalintaa o bishu ahayd 6/may 2002 Waxaana lagu aasay Magaalada Berbera e Gobolka Saaxil, Aaskaa marxuum Cigaal Waxa kasoo Qayb galay Dad aan Ka Yarayn Lix Boqol oo Kun  oo Qof  Magaalada Berbera Xiligaa Usha Kor loo Tuuraa  Dhulka Kumay Dhacayn , Dadkjan Ayaa Iskaga kala Yimid Debada iyo Gudahaba, Wadooyinka soo ngala Berbera e Ta Burco iyo Ta Hargaysaba Baabuurtu ay sanka ayay Isku Hayeen, Xataa Waxa jiray dad Soo Lugeeyay o Baabuurtu Dhexda Kasoo Qaadaysay, 
Maadaama jawigu ahaa Mid aad u Kulul, Waxa Kale Oo aad u xusid Mudan Inta Somalilnd Danayanaysay in ay ku Kalsoonaayeen Nadaamkii Wanaagsanaa Ee Uu Marxuum Cigaal Waa Madaxwaynihii Labaad e jamhuuriyada Somaliland Dhigay in dalkani ku Badbaadayo, Waana Tii Markiiba Dib loo Eegay dastuurka ,Golayaasha Sharciga Ahina  Un Codeeyeen in Xilkaa Madaxwayne Nimo Loo Dhaariyo Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa Madaxwayne Ku Xigeenkii Dalaka Somalialnd Taas oo Dastuurku Jideeyay, Waana ta Laga Dhaxlay Dimuquraayadii aynu kusoo galnay Doorashooyinkii kala Duwanaa Ee ay ka midka Ahaayeen tii lagu Doortay Madaxwayne Siilaanyo, Tii Baaarlamaanka iyo Kuwii Goalayasha Degaanka ee kala danbeeyay,

Hadaba Cigaal waa Kuma  Aan dib u yara Eegno Taariikhdiis
Cigaal Waxa Uu Ku Dhashay Magaalada Oodwayne  Bishii August 1928  Waxaana Dhalay Nin Ahaa ganacsade Wayn waa Xaaji Ibraahim Cigaal Waxbarashadiisa waxa Uu ku Qaatay  Berbera iyo Degmada Sheekh, Waxbarashada Dibadana Dalka Ingiriiska, Oo Waxaa u Saamaxay Aabihii oo Taajir ahaa Illahaybaa Taaj Taajiree Macnuhu waxa weeye Waxa Uu ka mid ahaa aabihii Raga farta Lagu Fiiqo ee la Yidhaa Way u magac iyo Maalba badnaayeen Somaliland  Guud Ahaanteedba, Muftaaxana u ahaa xadaarada ganacsiga o xiliyadaa ay gacanta ku hayeen Dad Caraba iyo Hindi,
Alle ha u Naxariistee Marxuum Cigaal  Waxa Uu Xilala kala Duwan kasoo Qabtay Dawladihii Rayidka Ahaa Jamhuuriyadii Soomaaliya, Dawladii u Horaysay e Xiligii la isku darsaday waxa u Noqday, Wasiirka Gaashaandhiga 1962


Wasiirka Waxbarashada 1962 ilaa 1963
Snadkii 1967kiina waxa uu noqday Raysalwasaaraha Somaliya ilaa 1969
Xiligaa Wuxuu la Kulmay Hogaamiyayaaasdha caalamka ugu Waawaynaa, Waxxaanu xiligii in qilaabka uu sameeyay Afwayne uu ku sugnaa Dalka maraykanka Taas oo ahay markii la dilaya Madaxwaynihii Jamhuuryadii Soomaaliaya cabd rashiid cali sharmaarke,
Xilka madaxwaynenimo ee Soomaaliland waxaa loo doortay  16 May 1993kii,
Waxyaabaha sida Wayn loogu xasuusto e Astaamaha Qaranka Somaliland ah waxaa ka mida ,
Dibu Heshiisiintii dadaka Reer Somalilnd  Waxyaabihii ay kala Tabanayeen
Lacagtii uu Qarankan u sameeyay
Hub Ka Dhigistii  ciidamadii  ,  SNM kuwaasi oo noqday Ciidamada kala Duwan e Maanta Somalilnd ku Dhaadato,
Wuxuu ahaa Hogaamiye aan Qabiil ku Shaqaynin e aqoon ku hawlgala,
Wuxuu ahaa Hogaamiye Aan Aduun Usoo Doonan Kursiga, lamana hayo Shilin ama Guri uu ka Dhistay
Wuxuu Ahaa Hogaamiye Mideeyay Somaliland hadaad eegto Cadaaladiisa  Maamulkiisii u Horeeyay Beelaha Somaliland wuu u Qaybiyay Xukunka, Dartaf ilaa Daraf, Beesha Harti oo kale Wuxuu Siiyay Ra,iisal Baarlamaan iyo Wasiirka Arimaha Dibada
Wuxuu Hogaamiyaha Ugu Taariikhda Wayn Dadka Reer Somalilan ,Siyaasada Wuxuu Hogaamiye ku Noqday isagoo Da,diise tahay 25jir ,
Waxaase iga yaabiyay Munasabadihii loo qaban jiray Xuskiisa oo Dawladan ka Dhisan xisbiga Kulmiye aayy aad u naaqustay amaba la Odhan karo Raaliba kama aha in la qabto Xuskaa marxuum Cigaal e Faataxda loo mari lahaa,

No comments: