Tuesday, April 1, 2014

Wasaaradda Amniga: Saraakiil Alshabaab ah iyo xabsi guurguura ayaan qabanay



Muqdisho –  Wasiir Ku Xigeenka Amniga ee dawladda Soomaaliya, Ibraahim Isaaq Yarow ayaa ka warbixiyey howlgallo laamaha amaanka dowladdu ay bishii dhamaatay ee Maarso ka sameeyeen Banaadir iyo Shabeellaha Hoose.
Wasiir ku xigeen Yaroow oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dawladda ay bishii Maarso 2014 sameeyeen 13 hawlgal kuwaasi oo 12 ka mid ah laga sameeyey magaalada Muqdishu, kan 13-aad-na laga sameeyey degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka ayaa sheegay in hawlgalka kale laga sameeyey magaalada Qoryooley laguna soo qabtay afar xubnood oo Al-Shabab ah kuwaasi oo 2 ka mid ah ay saraakiil ka yihiin dhinaca Amniyaatka.
Ibraahin Isxaaq Yarow in howlgalladdii ugu dambeeyey laga fuliyey xafadda Buulo Barrey ee Suuqa Xoolaaha, deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka ku xigeenka ayaa xusay in raga laga soo qabtay qoryooley uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab, kaasoo wax ka abaabulay weerarkii isqarxinta ahaa ee Alshabaab xerada Xalane ku qaaday sanadkii 2009, halkaasoo ay ku dhinteen saraakiil iyo ciidamo isugu jiray Soomaaliya iyo Afrikaan oo abaabulayey weerar la doonayey in Alshabaab looga saaro xaafadaha ay Muqdisho ka heysteen xilligaas.
“Ninkaas waxaan ku qabanay computer ay ku jiraan waxyaabo miijinaya sidii loo abaaaulay weerarkii 2009 lagu qaaday xerada Xalane, ninkaasi maaha nin is qarin kara, isga ayaaba qirsan” ayuu yiri Ibraahin Isxaaq Yarow.
Wuxuu sidoo kale, wasiir Yarow tilmaamay in Qoryooley laga soo qabtay nin uu ku sheegay macaallin dhallinyarada maskaxda ka bedili jiray, islamarkaana bari jiray iney cadow ku noqdaan waalidiintooda.
Deegaanka Ceelasha Biyaha ayuu wasiir ku xigeen Ibraahim sheegay in laga soo qabtay 5 nin oo Alshabaab ka tirsan, hub iyo gaari ay wateen iyo sidoo kale xabsi guurguura oo u yaalay meel duur ah.
“Deegaanka Ceelasha Biyaha waxaan kazoo qabanay 5 nin oo watay hub iyo gaari, sidoo kale waxaan soo qabanay shabaq bir ah oo loo ekeysiiyey geedaha, kaasoo ahaa xabsi guurguura oo ay ku xiri jireen dadka ay wax ka rabaan” ayuu sidoo kale yiri Wasiir Yarow.
Lama sheegin magacyada ragga saraakiisha ah ee Alshabaab ka tirsan ee wasaaradda amnigu sheegtay in laga soo qabtay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Source: Mareeg.com:

No comments: