Maxamed Cabdiraxman Faroole Madaxii Cidanka Ilaalada Xeebaha Puntland |
Bosaso - Wararka ka imanaya magaalo Garowe ayaa xaqiijiyay in maanta Madaxwaynaha Maamulgobleedka Puntland uu xilkii ka qaaday Maxamed Cabdiraxman Faroole oo ahaa madaxii Ciidanka Police Ilaalada Xeebaha Puntland, ciidankan oo uu maalgaliyo wadanka Iimaaraadka Carabtu waxa tan iyo markii la aasaasay 2010 madax ka ahaa wiilka uu dhalay madaxwaynihii hore ee Puntland.
Sidoo kale madaxwayne Abdiwali Gaas ayaa xilkan u magacaabay Abdinasir Bihi Sofe, oo ka soo jeeda Gobolka Mudug isla markaasina ay isku ardaa hoose yihiin Madaxwayne Gaas.
Warku waxa uu intaasi ku daray in xilkaqaadista wiilka Madaxwaynihiii hore ee Puntland dhalay ay timid kadib markii maalmihii u danbeeyay uu maran xaga mushaharka ahi ka dhex oognaa ciidanka ilaalada xeebaha puntland.
Dadka u dhuundaloola siyaasada Puntland ayaa ku macneeyay xilka qaadida wiilka madaxwaynihii hore ee Puntland iyo ninka uu Madaxwayne Gaas ku bedelay ayaa ka dhigan bilowga olole uu Madaxwayne Gaas kaga nadiifinayo awooda maamulka Puntland dhamaan taageerayaashii iyo saraakiishii ku dhadhawayd Madaxwaynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxman Faroole awooda
No comments:
Post a Comment