POSITION LETTER
MAWQIFKA Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad-doonka Somaliland ee KU LUG LAHAANSHAHA SAXAAFADA GAARKA AH LOOLANKA BAADHISTA
SHIDAALKA somaliland
Anagoo ah Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad-doonka
Somaliland oo ka kooban Difaacayaasha madaxabanaan ee xuquuqda aadamiga, ururrada
bulshada rayidka ah, kooxaha u dhaqdhaqaaqa dadka laga tirada badan yahay, Ururada
Naafada, waxa aanu guud ahaan bulshada caalamka, iyo shacabka Somaliland halkna
maanta ugu iftiiminaynaa mawqifka wadajirka ah ee ku saabsan dagaalka ka dhex oogan
Xukuumada Somaliland iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Haatuf (HMG).
Todoba sanadood ka hor markii sidan oo kale
Ciidamo ka tirsan booliska Somaliland ay galeen isla markaasina xabsiga u
taxaabeen mulkiilaha warbaahinta Haatuf Yusuf Abdi Gabobe, Tafatirihiisii Sare
Cali Cabdi Diini iyo Wariyihii uga soo waramijiray gobolka Awdal Maxamed Cumar,
waxanu si buuxda taageerada difaac u siinay lana hawlwadeenada sare ee
Warbaahinta Haatuf iyo Mulkiilaheeda, iyadoo xiligaasi dadaal badan u samaynay
sidii eedaysanihii afraad Maxamed Rashiid oo markaa dhuumasho ku joogay
Hargeysa dalka looga saari lahaa ee uu u heli lahaa dal kale oo uu si
nabadgalyo ah ugu noolaado isla markaasina u fududaynay sidii uu bilkasta u
heli lahaa dhaqaalihii uu ku noolaan kari lahaa, taasi oo u socotay ilaa markii
Madaxwaynihii hore Mud. Daahir Rayaale Kaahin u cafiyay dhamaan Hawlwadeenadii
Saxaafada Haatuf.
Laakiin maanta Warbaahinta Haatuf iyo
Mulkiilaheedu may mutaysan taageerada iyo u doodista Difaacayaasha Xuquuqda
Aadamiga Somaliland, sababtoo ah markii aanu si qoto dheer uga baaraandegeen
arinta runta ah ee uu salka ku hayo dagaalka Haatuf iyo Xukuumada Somaliland waxa
noo cadaatay in Warbaahinta Haatuf warbaahintoodii in ay ka dhigteen mid ay uga
faa'iidaystaan masaalix gaar ah sidaasina ku lumiyeen mabaadii'dii aasaasiga
ahayd ee ay ku heli lahayd taageerada, iyo hiilka difaacayaasha xuquuqda iyo
xoriyadaha aadamaha ee Somaliland.
Sababta kali ah ee sanadkii 2007 suxufiyiintii
warbaahinta Haatuf ku heshay taageerada ururada xuquuqda aadamiga Somaliland
ayaa ahayd, kadib markii aanu si buuxda ugu qancnay warbaahinta Haatuf in aanay
jirin wax dan gaar ah ama maslaxad ah nooca ay doonto ha ahaatee oo ugu jirtay faafinta
falalka musuqmaasuq oo ay ku baahin
jireen wargaysyadooda xiligaasi oo aan ka ahayn gudashada waajibaadkooda masuuliyada
saxaafadeed oo ah la socodsiinta shacabka Somaliland ficilada ay ku kacaan
masuuliyiinta xilka ay u igmadeen.
Nasiibdaro haatan waxa si buuxda noogu cadaatay dagaalka
ka dhex oogan Warbaahinta Haatuf iyo xukuumada Somaliland in aanu shuqul ku
lahayn xoriyad saxaafadeed iyo madaxbanaanideed balse uu salka ku ahyo warbaahinta
haatuf oo shantii bilood ee ugu dambaysay u xuubsiibatay mid si toos ah loogaga
aargoosto ashkhaas iyo masuuliyiin ay u arkaan in ay ka horyimaadeen masaaliix
dhinaca baadhista shidaalka ah oo dabada uu ka riixayay Mulkiilaha Warbaahinta
Haatuf kuwaasi oo uu watay mid ka mid ah qaraabadiisu.
Baadhayaasha ururada xuquuqda aadamiga
Somaliland ayaa helay dhukumenti[i]
ku taariikhaysan 25 Oct. 2012 kana soo baxay shirkada baadhista Macdanta ee
lagu magacaabo Boulle Mining Group[ii],
kaasi oo ujeedadiisu tahay Codsi Ogolaanshaha Baadhitaanka Shidaalka Somaliland
(Expression
of Interest to secure Petroleum Exploration and Development Licenses within
Somaliland), qoraalkan oo shirkadu ugu magacawday
wakiilkooda buuxa ee Somaliland in uu yahay Mr. Yusuf Abdilahi Omar ugana
masuul yahay shirkada meelmarinta codsigooda ay ku rabto dhul ay ka baadho
shidaal waxan lagu socodsiiyay qoraalkan wasaarada Macdanta iyo Tamarta
Somaliland kuna rabto ogolaanshaha dhul ay ka sahimiso batroolka.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo
waxay kale oo ay ogaadeen si ay u dhacdayba in Wasaarada Macdantu ay
ishortaagtay ogolaanshahaaasi, iyadoo ku sababaysay in shirkadu buuxin wayday
shuruudaha Somaliland ku xidho shirkadaha raba in ay shidaal ka baadhaan dalka.
Waxa kale oo baadhayaasha xadgubyada xuquuqda aadamiga Somaliland la kulmeen kana
qaadeen waraysiyo qaar ka mid ah ergooyin Wasaarada Macdanta iyo Tamarta ku
cadaadinayay meelmarinta codsiga shirkadaasi, kaasi oo ku soo gabogaboobay
natiijo la'aan.
Intaasi kadib Kadib Warbaahinta Haatuf waxay
bilowday dagaal toos ah oo dhinaca warbaahinta ah oo ay la bartilmaameedsanayso
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland. Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland
ayaa diiwaangaliyay qoraalo iyo warar tirobadan shantii bilood ee ugu dambaysay
oo wargaysyada warbaahinta Haatuf si shaqsi ah ugu weerarayso magacsamida,
karaamada iyo sharafta uu aadamiga EEBE siiyay dastuurka Somalilandna uu
damaano qaaday. Sidoo kale eedo musuqmaasuq oo tirada badan oo dhamaantood si
gaar ah Warbaahinta Haatuf ugu eedaynaysay Wasiirka Tamarta iyo Macdanta
Somaliland ayay si joogto ah u baahinayeen.
Aqlabiyada hawlwadeenada Saxaafada Madaxabanaan
ee Somaliland ayaa qiray in Mulkiilaha Warbaahinta Haatuf seddexdii sano ee ugu
dambeeyay oo ay talada dalka haysay xukuumada Kulmiye isaga iyo warbaahitiisu
ay ahaayeen kuwa u janjeedha dhinaca xukuumada, kuna qabay masaaliix gaar ah,
Ku lug lahaansha hay'ad warbaahineed oo
madaxbanaan loolanka ay ugu jiraan shirkadaha baadhista shidaalka sidii ay u
heli lahaayeen ogolaanshaha dhul ay shidaal ka baadhaan, iyo u isticmaalka
mihnadii iyo waxsoosaarki saxaafada ayaa noqonaysa caqabad hor leh oo haatan
uun ka bilaabantay dalka Somaliland. Caqabadan ayaa u muuqata mid aanu dalka
Somaliland lahayn siyaasad iyo qaanuuno lagu xalin karo, iyadoo ku abuuri karta
khalkhal hawlaha muhiimada wayn u leh qaranka gaar ahaan baadhitaanada
shidaalka iyo soo jiidashada maalgashadayaal caalami ah oo tan iyo markii ay
xukuumada Siilaanyo talada dalka la wareegtay sanadkii 2010 dadaal balaadhan
kadib ku guulaysato bilowga sahaminta shidaalka dalka Somaliland.
Dagaalka warbaahineed ee Saxaafada Haatuf sida
shaqsiga ah warbaahintooda ay kaga aargoosanayaan cid kasta oo ay u arkaan in
ay ishortaageen hawlaha la xidhiidha baadhitaanada shidaalka oo meelmarintooda
Mulkiilaha Haatuf uu dabada ka riixayay waxa Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland u arkaan mid dhabarjabka
ku ah Anshaxa iyo Milgaha Saxaafad xor ah, kuna lid ah dhaqanka suuban ee
Islaamka iyo mabaadii'da xuquuqda iyo xoriyadaha dastuuriga ah, sababtoo ah
waxa si shaqsi ah waxsoosaarka Warbaahinta Haatuf dhaawacyo laagu gaysanayay
magacsamida qof ahaaneed iyo karaamada uu Eebe siyay ashkhasta ay sida gaarka
ah ugu weerayaan ceebaynayeen warbaahintooda, oo la odhan karo waxay gaadhay ilaa xad ay gaadhay heer la mid
ah kalay
keerlay.
Gabogabadii Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay si xooggan uga soo horjeedaan isla
markaana uga digayaan ururo sheeganaya xuquuqda aadamiga iyo saxaafada oo shacbiga
Somaliland ka duudsiyay xaqii ay u lahaayeen in ay helaan xaqiiqada runta ah ee
sababta dhacdo kasta oo ay warinayaan, tusaale ahaan ururka suxufiyiinta
Somaliland iyo urur wata magaca xuquuqda aadamiga ah ayaa si dhamaystiran
daboolka u saaray kana qariyay shacabka Somaliland waxa ay tahay sababta dhabta
ah ee uu salka ku hayo dagaalka wargaysyada Haatuf oo kali ahi in ka badan 150
maalmood kula jiro Wasiir kali ah oo ka tirsan xukuumada Somaliland, kaasi oo
ah kan ay u arkaan in uu yahay ka ishortaagay masaaliixdoodii gaarka ahayd
iyo/ama tii dad ay qaraabo yihiin, iyagoo taasi bedelkeeda warbaahinta Haatuf si
badheedh ah ugu sheegay in mashaqda Xukuumada Somaliland iyo Warbaahinta Haatuf
ay tahay cabudhin xukuumada ku hayso saxaafada madaxabanaan.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay
la yaaban yihiin sababta warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland ka soo baxda
sida jaraa'idka, mareegaha internetka, kuwa maqalka iyo muuqaal baahiyaa ay ugu
yaraan hal mid oo ka mid ahi Haatuf ugu soo labayn wayday musuqa Haatuf aragto
ama loo waayay warbaahin kale oo ku wehelisa cayda Kanlay keerlay.
Arinta werwerkeeda leh, ayaanu u aragnaa in ay
tahay marka ragii ugu aqoonta saxaafada badnaa dalku da'ahaana ka midka ahaa
wayeelka xirfadlayaasha warbaahinta Somaliland ay ka dhiganayaan warbaahintii
mid danahooda shaqsiga ah iyo tan qaraabadooda ay ku suubistaan maxaa laga
filan karaa jiilalka suxufiyiinta da'yarta ah ee casharada ka baranaya
falalkaasi guracan, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo aaminsan in
dal kastaba suxufiyiintiisu in ay yihiin kuwa saamaynta ugu badan ku leh
saqaafada iyo tadawurka xadaaradeed iyo horumarka dhaqan dhaqaale oo dadkiisa
kasbadaan.
Sidaasi darteed, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga
Somaliland, iyagoo ilaalinaya mabaadii'da dhexdhexaadnimo ee ay u abuuran
yihiin waxa ay halkan cid kasta oo danaynaysa ugu sheegayaan in aanay iyagu
noqonaynin salaan ay cid gaar ahi dantooda ku gaadhaan waxana aanu u aragnaa
xaaraan in aanu difaacno, una doodno ama u hiilino, cid kasta oo dantooda
gaarka ah ku fushanaya mihnada Saxaafada, kuna aargoosanaysa, arinta kali ah ee
taageerada difaacayaasha xuquuqda aadamiga lagu heli karaa waxa ay tahay haddii
saxaafadu aanay dano u gaar ah mulkiilayaasha iyo tafotirayaasha u lahayn balse hadii Mulkiilayaasha warbaahintu
ama tafatirayaasheedu u isticmaalayaan warbaahinta mid ay kaga aargoosanayaan
cid kasta oo ka hor timaada danahooda taasi waxa aanu u aragnaa mid la mid ah
xanuun dilaa ah oo dal iyo dad midna aan habaynaynin.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay
u arkaan xalka kiiskani inuu ku jiro dacwad si madani ah loogu oogo madaxda ama
maamulka wargeyska, balse aannu ahayn in gebi ahaanba la xayiro shaqadii soo
bixida wargeysyadaasi. Waxaannuna ku baaqaynaa in xayiraada laga qaado haddii
maamulka Haatuf ogolaanayo in waxsoosaarka saxaafadoodu in aanay ka gudbaynin
xaydaabka anshaxa iyo milgaha aasaasiga ah ee mihnada saxaafada, iyo dhaqanka
suuban ee islaamka
Waxa aanu ugu baaqaynaa sharcidajinta iyo
xukuumada Somaliland in siyaasada iyo shuruucda warbaahinta dalka dib loogu
noqdo lana curiyo Siyaasad iyo Qaanuun ku khasbaya suxufiyiinta dalka in ay kor
u qaadaan aqoontooda saxaafadeed iyo dhinac farsamo iyo dhinac aqooneed, iyo
anshaxba, qaanuunkaasi oo ah mid warbaahinta ka ilaaliya in dhaawac u gaysato
maslaxada umadda jiritaanka qaranka, masaaliixdiisa dhaqaale ganacsi iyo
maalgashi.
Kiiskan iyo kuwo kale oo badan ayaa khasab ka
dhigaya dib u habayn balaadhan oo lagu sameeyo siyaasada iyo shuruucda
warbahinta dalka, haatan waxa muuqata in wali saxaafada Somaliland aan hubka
dhigis togan lagu samaynin, taasi oo keenaysa in ay mulkiilayaasha saxaafadu
sida ay rabaan in ay u istimaalaan.
Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Somaliland, iyo
dhamaan wasaaradaha iyo hay'adha kale ee dakhliga leh oo ay ku jiraan kuwa
dawladaha hoose ee dalku waxa aanu ugu baaqaynaa in bulshadu xaq ugu leedahay
in ay xogogaal u noqoto xadiga dakhliga ay soo xareeyaan iyo shilinkastaaba
sida uu ku baxo. Sidaasi darteed, wakhtigan xaadirka ah waxa aanu u aragnaa in
qaabka ugu sahlan ee habkan lagu suurtogalin karaa in uu yahay iyadoo hay'adaha
xukuumadu sameeyaan baro internetka ah oo bulshada ay ku siiyaan xogta ay uga
baahan tahay, iyadoo aanu soo dhawaynayno hay'adaha mar hore sameeyay baro
internetka ah sida barta internetka ee hay'ada wadooyinka, oo lagu daalacda cid
kasta oo bixisa qaadhaanka wadada ceerigaabo/burco iyo xadiga dhaqaale ee ay ku
dareen.
Talo soojeedintayda ugu dambaysay, waxanu ka
digaynaa in dad gaar ahi isku koobaan dheefta dhaqan dhaqaale ee qaranka
Somaliland, arimaha dhacaya haatan ayaa noola muuqda in dadka dega gobolada
dhexe ee dalku u dhaqmayaan in dalka aanay cid kaleba la lahayn, waxanu si
xoogan u rumaysanahay in habka noocaas ahi aanu horseedaynin meel marinta qaran
cadaalad bulsho ku dhisan oo dadkiisuna isku duuban yihiin.
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Mud. Axmed Maxamed
Maxamuud 'Siilaanyo', golahiisa xukuumada golaha sharcidajinta, waxanu ugu
baaqaynaa in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii siyaasada qaranka ee wadajirka,
midnimada iyo xoojinta isdhexgalka is aaminka ummada Somaliland in ay ku iman
karta oo kali ah marka si siman oo cadaalad ah loo qaybsado khayraadka dalka,
iyo dheefta qaranimo oo ah mid nimcooyinkeeda haddii cadaalad lagu saleeyo
umadda Somaliland wada deeqi karta, waa in xukuumaddu samaysaa dadaalo ay isku
soo gaadhsiinayso awooda ganacsi ee bulshada Somaliland iyadoo fursad siinaysa
beelaha darafyada sidii ay u gaadhi lahaayeen faaiida ku jirta ganacsiga
xoolaha nool iyo qandaraasyada la xidhiidha sahaminta shidaalka iyo macdanaha
ee dalka sida xawliga leh ugu soo badanaya.
Dadwaynaha Somaliland waxay xaq ugu leeyihiin
xukuumada in ay si joogto ah uga haqabtirto hawlaha ay umadda u hayso dakhliga
iyo qaabka ay u qorshayso ee uu ku baxo.
Wasaarada Macdanta iyo Tamarta waxanu ugu
baaqaynaa iyadoo kaashanaysa hay'adaha duwaliga ah ee kale ee ay khusayso in
sida ugu dhakhsaha badan ugu gudbiso Golayaasha Baarlamaanka dhamaan
heshiisyada ku saabsan sahaminta baadhista shidaalka iyo macdanaha dalka, si
sharcidajintuna masuuliyadooda qaran uga gutaan, tani waxay xoojinaysaa la
xisaabtanka dawlada iyo hirgalinta mashaariicda maalgashi ee dalka iyo sidoo
kale maamul wanaaga.
Ururada iyo Hay'adaha Caalamiga ah ee Xuquuqda
Aadamaha iyo Madaxbanaanida Saxaafada ka hawlgala ee qoraalkan oo u baahda
faahfaahin ama raba in lala socodsiiyo geedi socodka saxaafada Somaliland,
xadugubyada laga galo warbaahinta, iyo tan ay iyadu gaysato labadaba waxa ay la
soo xiriiri karaan xuquuq@gmail.com, hornwatch@yahoo.com, ama nagu soo booqo
xafiiskayaga oo ku yaal faras Magaalaha caasimada Hargeysa Tel: 5147777
Suleiman ismail Bolaleh
Speaker of Somaliland Pro-democratic Movements
No comments:
Post a Comment