![]() |
Saciid Dhegaweyne, Maareyaha Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo |
Maareyaha Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Saciid Dhegaweyne oo Waraysi siiyay Caawa Idacadda VOA ayaa si dhab ah uga waramay sidii ay Maanta wax u dhaceen Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.
Dhegaweyne wuxuu sheegay in Ninka uu ka tirsana ciidanka amniga mana sheegin Maareeyaha in Ninkaas madaxa looga jiray iyo in uu Qori ka dafay Nin kale oo ag tagna balse sheegay in uu ka qaatay Nin kale
wuu ka dafay iyo wuu ka qaatay ayaa kala duwan macna ahaan marka Baritaan ahan laga hadlo, sidoo kale hadalka mas’ulkan marna kama muuqan in Ninkan uu ahaa Nin madaxa looga jiray sida warar hore ay tilmaamayeen in Ninka uu maskax ahan xanunsanayay.
waxa socota Baritaan lagu hayo labada Nin inkastoo ilaa iminka aan la ogaan cidda ka dambaysay rasmi ahan dhacdadan foosha Xun ee maanta ka dhacady Gaalkacyo isla markana soo dhoweyn looga dhigay Madaxweynaha Puntland oo maanta markii ugu horaysay Galkacyo tagay tan iyo markii Puntland loo doortay.
Ragga la dilay oo u shaqaynayay UNODC kana yimid Hargaisa ayaa u kala dhashay Faransiis iyo Ingiriis waxana ay u socdeen kulan ay la qadan lahayeen Madaxweynaha Puntland iyo Shirkadaha Xawaladaha si lamid ah Somaliland iyagoo si gaar ahna u barayay Laundery Money ama Arrimaha Lacagaha si Tuginimada ah u kala gudba Sida Burcadbadedda iyo Argagixisada ee aan sida Sharciga ah marin.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa si adag u cambareeyay Dilkii maanta sheegayna mid aysan reer Puntland horay u aqoon ama caado u lahayn.
Hoos ka Dhagayso Waraysigii Maareyaha Garoonka Diyaradaha Gaalkacyo
No comments:
Post a Comment