Friday, April 25, 2014

DAAWO VIDEO: MAWQIFKA Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad-doonka Somaliland: KU LUG LAHAANSHAHA SAXAAFADA GAARKA AH LOOLANKA BAADHISTA SHIDAALKA

Public Release: Somaliland-018

POSSITION LETTER MAWQIFKA Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad-doonka Somaliland EE KIISKA HAATUF IYO XUKUUMADA SOMALILAND KA DHEX OOGAN

Wax kasta oo caqliga Aadamiga faraha looga qaadaa waxa uu ku dambeeyaa qoomamo, Saxaafad Anshax marin iyadu ay is mariso suubisataana Somaliland waxa cadaatay in aanay hirgali karin 20kii sanadood ee u dambeeyay. Maxaa xal ah?


Anagoo ah Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad-doonka Somaliland oo ka kooban Difaacayaasha madaxabanaan ee xuquuqda aadamiga, ururrada bulshada rayidka ah, kooxaha u dhaqdhaqaaqa dadka laga tirada badan yahay, Ururada Naafada, waxa aanu guud ahaan bulshada caalamka, iyo shacabka Somaliland halkna maanta ugu iftiiminaynaa mawqifka wadajirka ah ee ku saabsan dagaalka ka dhex oogan Xukuumada Somaliland iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Haatuf (HMG).




Todoba sanadood ka hor markii sidan oo kale Ciidamo ka tirsan booliska Somaliland ay galeen isla markaasina xabsiga u taxaabeen mulkiilaha warbaahinta Haatuf Yusuf Abdi Gabobe, Tafatirihiisii Sare Cali Cabdi Diini iyo Wariyihii uga soo waramijiray gobolka Awdal Maxamed Cumar, waxanu si buuxda taageerada difaac u siinay lana hawlwadeenada sare ee Warbaahinta Haatuf iyo Mulkiilaheeda, iyadoo xiligaasi dadaal badan u samaynay sidii eedaysanihii afraad Maxamed Rashiid oo markaa dhuumasho ku joogay Hargeysa dalka looga saari lahaa ee uu u heli lahaa dal kale oo uu si nabadgalyo ah ugu noolaado isla markaasina u fududaynay sidii uu bilkasta u heli lahaa dhaqaalihii uu ku noolaan kari lahaa, taasi oo u socotay ilaa markii Madaxwaynihii hore Mud. Daahir Rayaale Kaahin u cafiyay dhamaan Hawlwadeenadii Saxaafada Haatuf.

Laakiin maanta Warbaahinta Haatuf iyo Mulkiilaheedu may mutaysan taageerada iyo u doodista Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, sababtoo ah markii aanu si qoto dheer uga baaraandegeen arinta runta ah ee uu salka ku hayo dagaalka Haatuf iyo Xukuumada Somaliland waxa noo cadaatay in Warbaahinta Haatuf warbaahintoodii in ay ka dhigteen mid ay uga faa'iidaystaan masaalix gaar ah sidaasina ku lumiyeen mabaadii'dii aasaasiga ahayd ee ay ku heli lahayd taageerada, iyo hiilka difaacayaasha xuquuqda iyo xoriyadaha aadamaha ee Somaliland.

Sababta kali ah ee sanadkii 2007 suxufiyiintii warbaahinta Haatuf ku heshay taageerada ururada xuquuqda aadamiga Somaliland ayaa ahayd, kadib markii aanu si buuxda ugu qancnay warbaahinta Haatuf in aanay jirin wax dan gaar ah ama maslaxad ah nooca ay doonto ha ahaatee oo ugu jirtay faafinta falalka musuqmaasuq oo ay ku baahin jireen wargaysyadooda xiligaasi oo aan ka ahayn gudashada waajibaadkooda masuuliyada saxaafadeed oo ah la socodsiinta shacabka Somaliland ficilada ay ku kacaan masuuliyiinta xilka ay u igmadeen.

Nasiibdaro haatan waxa si buuxda noogu cadaatay dagaalka ka dhex oogan Warbaahinta Haatuf iyo xukuumada Somaliland in aanu shuqul ku lahayn xoriyad saxaafadeed iyo madaxbanaanideed balse uu salka ku ahyo warbaahinta haatuf oo shantii bilood ee ugu dambaysay u xuubsiibatay mid si toos ah loogaga aargoosto ashkhaas iyo masuuliyiin ay u arkaan in ay ka horyimaadeen masaaliix dhinaca baadhista shidaalka ah oo dabada uu ka riixayay Mulkiilaha Warbaahinta Haatuf kuwaasi oo uu watay mid ka mid ah qaraabadiisu.

Baadhayaasha ururada xuquuqda aadamiga Somaliland ayaa helay dhukumenti ku taariikhaysan 25 Oct. 2012 kana soo baxay shirkada baadhista Macdanta ee lagu magacaabo Boulle Mining Group , kaasi oo ujeedadiisu tahay Codsi Ogolaanshaha Baadhitaanka Shidaalka Somaliland (Expression of Interest to secure Petroleum Exploration and Development Licenses within Somaliland), qoraalkan oo shirkadu ugu magacawday wakiilkooda buuxa ee Somaliland in uu yahay Mr. Yusuf Abdilahi Omar ugana masuul yahay shirkada meelmarinta codsigooda ay ku rabto dhul ay ka baadho shidaal waxan lagu socodsiiyay qoraalkan wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland kuna rabto ogolaanshaha dhul ay ka sahimiso batroolka.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo waxay kale oo ay ogaadeen si ay u dhacdayba in Wasaarada Macdantu ay ishortaagtay ogolaanshahaaasi, iyadoo ku sababaysay in shirkadu buuxin wayday shuruudaha Somaliland ku xidho shirkadaha raba in ay shidaal ka baadhaan dalka. Waxa kale oo baadhayaasha xadgubyada xuquuqda aadamiga Somaliland la kulmeen kana qaadeen waraysiyo qaar ka mid ah ergooyin Wasaarada Macdanta iyo Tamarta ku cadaadinayay meelmarinta codsiga shirkadaasi, kaasi oo ku soo gabogaboobay natiijo la'aan.

Intaasi kadib Kadib Warbaahinta Haatuf waxay bilowday dagaal toos ah oo dhinaca warbaahinta ah oo ay la bartilmaameedsanayso Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland ayaa diiwaangaliyay qoraalo iyo warar tirobadan shantii bilood ee ugu dambaysay oo wargaysyada warbaahinta Haatuf si shaqsi ah ugu weerarayso magacsamida, karaamada iyo sharafta uu aadamiga EEBE siiyay dastuurka Somalilandna uu damaano qaaday. Sidoo kale eedo musuqmaasuq oo tirada badan oo dhamaantood si gaar ah Warbaahinta Haatuf ugu eedaynaysay Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayay si joogto ah u baahinayeen.

Aqlabiyada hawlwadeenada Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland ayaa qiray in Mulkiilaha Warbaahinta Haatuf seddexdii sano ee ugu dambeeyay oo ay talada dalka haysay xukuumada Kulmiye isaga iyo warbaahitiisu ay ahaayeen kuwa u janjeedha dhinaca xukuumada, kuna qabay masaaliix gaar ah,

Ku lug lahaansha hay'ad warbaahineed oo madaxbanaan loolanka ay ugu jiraan shirkadaha baadhista shidaalka sidii ay u heli lahaayeen ogolaanshaha dhul ay shidaal ka baadhaan, iyo u isticmaalka mihnadii iyo waxsoosaarki saxaafada ayaa noqonaysa caqabad hor leh oo haatan uun ka bilaabantay dalka Somaliland. Caqabadan ayaa u muuqata mid aanu dalka Somaliland lahayn siyaasad iyo qaanuuno lagu xalin karo, iyadoo ku abuuri karta khalkhal hawlaha muhiimada wayn u leh qaranka gaar ahaan baadhitaanada shidaalka iyo soo jiidashada maalgashadayaal caalami ah oo tan iyo markii ay xukuumada Siilaanyo talada dalka la wareegtay sanadkii 2010 dadaal balaadhan kadib ku guulaysato bilowga sahaminta shidaalka dalka Somaliland.

Dagaalka warbaahineed ee Saxaafada Haatuf sida shaqsiga ah warbaahintooda ay kaga aargoosanayaan cid kasta oo ay u arkaan in ay ishortaageen hawlaha la xidhiidha baadhitaanada shidaalka oo meelmarintooda Mulkiilaha Haatuf uu dabada ka riixayay waxa Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland u arkaan mid dhabarjabka ku ah Anshaxa iyo Milgaha Saxaafad xor ah, kuna lid ah dhaqanka suuban ee Islaamka iyo mabaadii'da xuquuqda iyo xoriyadaha dastuuriga ah, sababtoo ah waxa si shaqsi ah waxsoosaarka Warbaahinta Haatuf dhaawacyo laagu gaysanayay magacsamida qof ahaaneed iyo karaamada uu Eebe siyay ashkhasta ay sida gaarka ah ugu weerayaan ceebaynayeen warbaahintooda, oo la odhan karo waxay gaadhay ilaa xad ay gaadhay heer la mid ah kalay keerlay.

Gabogabadii Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay si xooggan uga soo horjeedaan isla markaana uga digayaan ururo sheeganaya xuquuqda aadamiga iyo saxaafada oo shacbiga Somaliland ka duudsiyay xaqii ay u lahaayeen in ay helaan xaqiiqada runta ah ee sababta dhacdo kasta oo ay warinayaan, tusaale ahaan ururka suxufiyiinta Somaliland iyo urur wata magaca xuquuqda aadamiga ah ayaa si dhamaystiran daboolka u saaray kana qariyay shacabka Somaliland waxa ay tahay sababta dhabta ah ee uu salka ku hayo dagaalka wargaysyada Haatuf oo kali ahi in ka badan 150 maalmood kula jiro Wasiir kali ah oo ka tirsan xukuumada Somaliland, kaasi oo ah kan ay u arkaan in uu yahay ka ishortaagay masaaliixdoodii gaarka ahayd iyo/ama tii dad ay qaraabo yihiin, iyagoo taasi bedelkeeda warbaahinta Haatuf si badheedh ah ugu sheegay in mashaqda Xukuumada Somaliland iyo Warbaahinta Haatuf ay tahay cabudhin xukuumada ku hayso saxaafada madaxabanaan.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay la yaaban yihiin sababta warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland ka soo baxda sida jaraa'idka, mareegaha internetka, kuwa maqalka iyo muuqaal baahiyaa ay ugu yaraan hal mid oo ka mid ahi Haatuf ugu soo labayn wayday musuqa Haatuf aragto ama loo waayay warbaahin kale oo ku wehelisa cayda Kanlay keerlay.
Arinta werwerkeeda leh, ayaanu u aragnaa in ay tahay marka ragii ugu aqoonta saxaafada badnaa dalku da'ahaana ka midka ahaa wayeelka xirfadlayaasha warbaahinta Somaliland ay ka dhiganayaan warbaahintii mid danahooda shaqsiga ah iyo tan qaraabadooda ay ku suubistaan maxaa laga filan karaa jiilalka suxufiyiinta da'yarta ah ee casharada ka baranaya falalkaasi guracan, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo aaminsan in dal kastaba suxufiyiintiisu in ay yihiin kuwa saamaynta ugu badan ku leh saqaafada iyo tadawurka xadaaradeed iyo horumarka dhaqan dhaqaale oo dadkiisa kasbadaan.

Sidaasi darteed, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, iyagoo ilaalinaya mabaadii'da dhexdhexaadnimo ee ay u abuuran yihiin waxa ay halkan cid kasta oo danaynaysa ugu sheegayaan in aanay iyagu noqonaynin salaan ay cid gaar ahi dantooda ku gaadhaan waxana aanu u aragnaa xaaraan in aanu difaacno, una doodno ama u hiilino, cid kasta oo dantooda gaarka ah ku fushanaya mihnada Saxaafada, kuna aargoosanaysa, arinta kali ah ee taageerada difaacayaasha xuquuqda aadamiga lagu heli karaa waxa ay tahay haddii saxaafadu aanay dano u gaar ah mulkiilayaasha iyo tafotirayaasha u lahayn balse hadii Mulkiilayaasha warbaahintu ama tafatirayaasheedu u isticmaalayaan warbaahinta mid ay kaga aargoosanayaan cid kasta oo ka hor timaada danahooda taasi waxa aanu u aragnaa mid la mid ah xanuun dilaa ah oo dal iyo dad midna aan habaynaynin.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan xalka kiiskani inuu ku jiro dacwad si madani ah loogu oogo madaxda ama maamulka wargeyska, balse aannu ahayn in gebi ahaanba la xayiro shaqadii soo bixida wargeysyadaasi.

Waxaannuna ku baaqaynaa in xayiraada laga qaado haddii maamulka Haatuf ogolaanayo in waxsoosaarka saxaafadoodu in aanay ka gudbaynin xaydaabka anshaxa iyo milgaha aasaasiga ah ee mihnada saxaafada, iyo dhaqanka suuban ee islaamka

Waxa aanu ugu baaqaynaa sharcidajinta iyo xukuumada Somaliland in siyaasada iyo shuruucda warbaahinta dalka dib loogu noqdo lana curiyo Siyaasad iyo Qaanuun ku khasbaya suxufiyiinta dalka in ay kor u qaadaan aqoontooda saxaafadeed iyo dhinac farsamo iyo dhinac aqooneed, iyo anshaxba, qaanuunkaasi oo ah mid warbaahinta ka ilaaliya in dhaawac u gaysato maslaxada umadda jiritaanka qaranka, masaaliixdiisa dhaqaale ganacsi iyo maalgashi.

Kiiskan iyo kuwo kale oo badan ayaa khasab ka dhigaya dib u habayn balaadhan oo lagu sameeyo siyaasada iyo shuruucda warbahinta dalka, haatan waxa muuqata in wali saxaafada Somaliland aan hubka dhigis togan lagu samaynin, taasi oo keenaysa in ay mulkiilayaasha saxaafadu sida ay rabaan in ay u istimaalaan.

Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Somaliland, iyo dhamaan wasaaradaha iyo hay'adha kale ee dakhliga leh oo ay ku jiraan kuwa dawladaha hoose ee dalku waxa aanu ugu baaqaynaa in bulshadu xaq ugu leedahay in ay xogogaal u noqoto xadiga dakhliga ay soo xareeyaan iyo shilinkastaaba sida uu ku baxo. Sidaasi darteed, wakhtigan xaadirka ah waxa aanu u aragnaa in qaabka ugu sahlan ee habkan lagu suurtogalin karaa in uu yahay iyadoo hay'adaha xukuumadu sameeyaan baro internetka ah oo bulshada ay ku siiyaan xogta ay uga baahan tahay, iyadoo aanu soo dhawaynayno hay'adaha mar hore sameeyay baro internetka ah sida barta internetka ee hay'ada wadooyinka, oo lagu daalacda cid kasta oo bixisa qaadhaanka wadada ceerigaabo/burco iyo xadiga dhaqaale ee ay ku dareen.

Talo soojeedintayda ugu dambaysay, waxanu ka digaynaa in dad gaar ahi isku koobaan dheefta dhaqan dhaqaale ee qaranka Somaliland, arimaha dhacaya haatan ayaa noola muuqda in dadka dega gobolada dhexe ee dalku u dhaqmayaan in dalka aanay cid kaleba la lahayn, waxanu si xoogan u rumaysanahay in habka noocaas ahi aanu horseedaynin meel marinta qaran cadaalad bulsho ku dhisan oo dadkiisuna isku duuban yihiin.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Mud. Axmed Maxamed Maxamuud 'Siilaanyo', golahiisa xukuumada golaha sharcidajinta, inta caqliga iyo aqoonta u saaxiibka ah waxanu ugu baaqaynaa in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii siyaasada qaranka ee wadajirka, midnimada iyo xoojinta isdhexgalka is aaminka ummada somaliland in ay ku iman karta oo kali ah si siman u qaybsiga khayraadka dalka, iyo dheefta qaranimo oo ah mid nimcooyinkeeda haddii cadaalad lagu saleeyo umadda Somaliland wada deeqi karta, waa in xukuumaddu samaysaa dadaalo ay isku soo gaadhsiinayso awooda ganacsi ee bulshada Somaliland iyadoo fursad siinaysa beelaha darafyada sidii ay u gaadhi lahaayeen faaiida ku jirta ganacsiga xoolaha nool iyo qandaraasyada la xidhiidha sahaminta shidaalka iyo macdanaha ee dalka sida xawliga leh ugu soo badanaya.

Ururada iyo Hay'adaha Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha iyo Madaxbanaanida Saxaafada ka hawlgala ee qoraalkan oo u baahda faahfaahin ama raba in lala socodsiiyo geedi socodka saxaafada Somaliland, xadugubyada laga galo warbaahinta, iyo tan ay iyadu gaysato labadaba waxa ay la soo xiriiri karaan xuquuq@gmail.com, hornwatch@yahoo.com, ama nagu soo booqo xafiiskayaga oo ku yaal faras Magaalaha caasimada Hargeysa tel: 5147777
Suleiman ismail Bolaleh

Speaker of Somaliland Pro-democratic Movements


No comments: