BY AXMED ADAM CALI (HAYBE) QALINMAAL
Waxay ahaayeen qaar u diiday inay wax dhaxasho,
haddii la guursadana ninkeeda ayaa geli jiray halkii aabbaaheed oo may lahayn
masuuliyad
Xilligii saman
jaahiliga ( Islaamka ka hor) ruuxa dumarka ah qabaa’ilka Carbeed waxay u
arkayeen waxaan qiimo lahayn oo way quudhsan jireen, haddii qofka yar ee reerka
u dhashaa uu noqdo gabadh waxay Aasi jireen iyadoo nool).
Sidoo kalena qofka dumar aha ee gabawdayna ama
islaantu wax sharaf ah kumay lahayn bulshada dhexdeeda, waxa kale oo caado iska
ahayd inay inanta gashaantida ku qasbi jireen in ay jidhkeeda ka ganacsato, si
ay reerka xoolo ugu soo hesho.
Dhinaca dhaxalka xaq uma lahayn qofka dumri in wax
laga siiyo dhaxalka, ninkeeda wax xuquuq iyo tix gelin ah kumay lahayn,inta
goor ee ay gabadhu furmaysaana ma lahayn tiro go’an iyo xad uu ku joogsado.
Sidoo kale Dumarka guursigooduna ma lahayn tiro iyo
xad go’an oo uu ku joogsado , ninkuna intii kolba rabo ayuu guursan jiray, inay
doorato ninka ay guursanaysona wax xaq iyo xuquuq ah umay lahayn.
Haddii Aabuhu ka tago gabadh iyo carruur bah kale
ah oo aanay dhalin gabadhaas uu ka dhintay waxa dhici jirtay in wiilka ugu weyn
bahdaas kale uu guursan jiray hooyadood oo ah gabadha aabihii ka dhintay ee aan
isga dhalin isagoo u arkayay inay tahay dhaxalkii aabihii oo ay la mid tahay
xoolaha kale ee aabihii ka tegay.
Reer Yurubka maanta xorriyadda dumarka ku
faanayana waagii hore doodoodu waxay ahayd qofka dumari ruux bay leedahay sida
raga iyo ma laha.
Waxay taariikhdu inoo sheegaysaa in dawladihii hore
ee Giriigu ay gabadha xaqiri jireen waxaanay ruuxa dumara u arkayeen wax hoose
oo aan qiimo lahayn, waxaanay xaaladdu gaadhay heer gabadha la qabo iyo ta
inanta ahba loo iib geeyo suuqa oo la weydaarsado lacag. Waxay ahayd gabadhu
mid laga xayuubiyay xuquuqdeeda madaniga ah iyo ta dhaqaaleba.
Waxay ahaayeen qaar u diiday inay wax dhaxasho,
haddii la guursadana ninkeeda ayaa geli jiray halkii aabbaaheed oo may lahayn
masuuliyad iyo go’aan qaadasho madax banaan, Sidoo kale xaq umay lahayn inay ku
tasarrufto xoolaheeda amaba ay gasho heshiisyo baayacmushtari oo aanu ninkeedu
ogayn.
Sidaasi ayuu ninku u ahaa mid si toos ah oo buuxda
gacanta ugu haya gabadha. Sidaas baanay ahayd xaaladda qofka dumara ilaa Allah
dawladoodii, xorriyaddoodii iyo dhaqankoodiiba ku burburiyay gacmaha ninkii la
odhan jiray Filib iyo inankiisii Askandar Almaqdooni.
Waxa iyana taariikhdu inooga warrantay in
boqortooyadii reer Ruum la mid ahayd ta Giriiga halka ay gabadha ka taagnayd.
Wadaaddada masiixiyiinta reer Yurub qudhooda ayaa
waxay gabadha u arkayeen wax xun oo ah tiirka sharku cuskado, waxay la ahayd
inay tahay isha ay xumaanta iyo macsida oo dhami ka soo burqanayso iyo inay tahay albaab ka mida albaada
jahannama.
Waxyaabaha kale ee ay gabadha ka aaminsanaayeen
waxaa ka mid ahaa in ay iyadu sabab u tahay dhaqdhaqaajinta dareenka ninka, iyo
in quruxda gabadhu tahay hubka ibliiska oo aanu jirin hub kale oo u dhigma oo
shaydaanku adeegsan karo.
Xaaladdaasi foosha xun ee murugada leh iyagoo
haweenku ku jiro ayuu Islaamku soo baxay wuxuuna ku dhawaaqayay:
“ Xorriyadad haweenka, hadday tahay dhinaca
cibaadada, guurka, dhaxalka, waxbarshada iyo dhawrsnaanta.”
Inat aynaan
u gelin sida uu Islaamku sharaf iyo qiimo ugu yeelaya gabadha , taariikhda
cusub ee Yurub aan wax yar ka soo qadano:
Sida uu ku qoray ninka la yiraado Herberat Sbenser
kitaabkiisa la yidhaahdo cilmiga bulshada Masaaridii horena waxay gabadha u
arkayeen inay tahay saldhiga sharka iyo ta sababta masaa’ibta iyo balaayooyinka
dhacaya.
Sanadkii 1805, oo ah wakhti aan siiba fogayn
dastuurka Ingriisku wuxu ninka u ogolaanayay inuu gabdhiisa ka iibin karo nin
kale haddii uu naco ama dhibaato dhaqaale la soo daristo. Mar danbe ayaa la soo saaray Sharci
xaarantinimeeyay qodobkaasi.
Waxaana dhacday in nin Ingiriisi ku iibiyay
gabadhiisii shan boqol oo gini sananaddii1930kii, looyaradii difaacayay ayaa
waxay doodeen in qaanuunka Ingiriisku boqol sano ka hor uu ninka u ogolaanayay
in uu iibin karo gabadhiisa haday iyadu ogolaato, sidaas darteedna ay iyadu
ogolaatay oo aan denbi ahayn.
Maxkamadii ayaa iyana waxay ugu jawaabtay
qaanuunkaas waxa la baabiiyay sanaddii 1805tii, waxaana lagu beddelay qaanuun
kale oo xaaraantinimeeyay falkaas ah iibinta gabadha, markii muddo la isku
haystay fal denbiyeedkan , mar danbe ayay Maxakamadu ku dhowaaqday xukunkiisii
oo noqday toban bilood oo xadhig ah.
Sida uu qoray wargeyska qadiimiga ah ee Xadaaradda
Islaamka sanadkeedii 2aad Xaashidda
1078, in nin Talyaani ahi gabdhiisi ka iibiyay nin kale isagoo kula heshiiyay
inuu hafto ku bixyo lacagta (Installment), waxayna sheekadu ku soo xidhnatay
markii ninkii daynta lagu lahaa bixin waayay lacagtii inuu dilo ninkii gabadha
ka iibiyay.
Waxaad tixraaci kartaa Kutubta hoos ku qoran oo
aanu ka soo uririyay Maqaaladan:
1-
Kitaabka (Ilabaxinamadeena Wanaagasan) ee uu qoray Sh,Mustafe Subaaci
2-
Kitaabka (Nolosha gabadha Muslinka ah) ee Wahbi Sulayman
3-
Kitaabka (Nolosha gabadha iyo shareecadda) ee Sh.Yuusuf C/laahi
Al-Daqfaq
Nolosha fiican ee gabadha wanaagsan ee soo
saaraysa faca tarbiyada iyo akhlaaqda leh oo waxtarka u leh bulshada
mustaqbalka dhow, kuma imanayso iyadoo la raac raaco tilaamaha ay bixinayaan
kuwo iyaba ay burburtay qoyskoodi iyo dareenkii ruuxiga ahaa ee gabadhihii ay
dhaleen, kuwii dhalay iyo kuwii u dhaxayba. Kuwaasi oo ku niyad jabay
hortooda, oo aan helin dariiqa
badbaadada nolosha.
La soco..
Wa Bilaahi tawfiiq
No comments:
Post a Comment