Monday, March 17, 2014

WAA SU AALE MIYEYNA XAAQ UGU LAHAYN UNA QALMIIN BEELAHA GABOOYAHA SOMALILAND INAY KA MID NOQDAAN ERGOOYINKA GUDIDA FULIINTA GOLAHA DHAXE EE XISBIGA KULMIYE UU ANSAXIYEY?


BY-BARKHAD XAAJI CABDI’’MRGABOYE’’
ASC/Marka hore waxan salamaya dhamaan saxaafada horta ee  reer Somaliland iyo akhristaha sharafta badaan iyo dhamaan shacaabka reer Somaliland madaxda iyo masuuliyiinta xukuumada iyo xisbiyada qaraanka Somaliland,

Waxaan marka  hore soo dhaweynaya  anigoo ah muwaadiin u dhashay qaraanka jsomaliland guusha laga gaaray xaliinta khilaafkii xisbiga kulmiye ee ergooyinka xubnaha shirweynaha gudiga fuliinta xisbiga kulmiye laakiin aanan anigu beel ahaan aanan ku faraxsanayn ansaxiinta ergooyiinkaas la ansaxiyey hadaanu nahay beelaha gabooye ee reer somaliland,

Waxaan ruuntii aad u la yaabay sida badheedhka caad ee loo duudsiyay muwaadiniinta beelaha gabooye ee aan marnaba loo xusiin ama loo qiimeyn mudnaantii iyo xaquuqday ku lahayeen ergooyinka gudida fuliinta xisbiga kulmiye u matalayay beelaha gabooye kaas oo ergooyinka gudiga loo qaybsaday habka saami qaybsiga beelaha reer Somaliland  ee  gudiga fuliinta xisbiga kulmiye iyo sida looga tagay ee aan mudnaantay mudnaayeen beelaha gabooye la siinin  ee loo quursaday waa midaan ku salaysnay sinaan iyo cadaalad kana baaxsan xaquuqda muwaadinimo ,Hadaanu nahay muwaadiniinta beelaha gabooye waxan u aragnaa quursi iyo cadaalad xumaan saami qaybsigaa xisbiga kulmiye ku ansaxiyey ergooyinkaas waana midaan marnaba aanan qaadan kariin quursigasi ,waxaa ka sii daraan sida xaata xubnaha ATHERS ka loogu xusay ee aan uba dhalaan jsomaliland loogana tagaay beeshii GABOOYE ee u dhalatay jsomaliland taas waxay cadaynaysa inan marnaba beesha gabooye waxbaba loo haynin waxna ayna ka ahayn dalkooda hooyo ee jsomaliland muwaadiniinta beelaha gabooye ,taas waxay cadaynaysa siduu xisbiga kulmiye madaxdiisa iyo masuuliyiintiisu dulmiga iyo duudsiga ugu hayaan muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer somaliland waa wax laga xumaado oo Ayaan daro iyo cadaalad xuman ku ah xisbiga kulmiye.

Waxa hadaba  iga su aala muwadiniinta beelaha gabooye miyeyna u qalmiin in ay ka mid noqdaan ergooyinka iyo xubnaha xisbiga kulmiye? Miyayna dastuurka xisbiga xaquuq ugu lahayn inay ku yeeshan xaquuqdooda muwadinimo ?xisbigase kulmiye maka xaaraanba in beelaha gabooye ay ku yeeshaan gudiga fuliinta iyo golihiisa dhaxeba?
Waxaa ku soo gunaanadayaa haddii aanay xisbiga kulmiye madaxdooda iyo masuuliyiintoodu aanay cadeyn in beelahan muwaadiniinta aanay xaquuqda iyo mudnaanta ay ku lahayn xisbiga kulmiye cadaynin in go,aan ay ka gaarayaan beelaha gabooye waxaan sidoo kale halkan ku cadaynaya oo aan ugu baaqaya in aanu kala noqonayno kalsoonidii xisbiga kulmiye aanu u haynay iyo in ay si degdega iska casilaan haday jiraan xubno ku jira xisbiga kulmiye oo beelahan gabooye ah waxaan sidoo kale ana ku dhawaaqi doona inan iska casilaayo xubiintii aan ka ahaa xisbiga kulmiye hadaan si deg dega aanay madaxda iyo masuuliyiinta xisbigu noo cadaynin waxaanu uga weynay mudnaantaanu beel ahaan xaqa iyo xaquuqda ugu lahayn iyo waliba xubnahaan ku lahayn ergooyinka xisbiga kulmiye oo u qalma sharaftayada iyo qiimaha beelahayagu leehyihiin.

Wabilahi towfiiq.

Gudoomiyaha Qurba Joogta Beelaha Gabooyaha Somaliland Ee Waqooyiga America.
Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Ee Magaaladda Toranto .
By-Barkhad Xaaji Cabdi’’MrGaboye’’
Email:abokoriye1@hotmail.com
Kicthener Ontario Canada.


No comments: