Saturday, March 22, 2014

Ayax Tiro Badan Oo Ka Soo Guuray Dhinaca Waqooyiga Ayaa Ku Habsaday Deegaanka Fiqi Aadan iyo Waraqa-dhigta Ee Gobolada Awdal iyo Salal.




Borama - Waxaana La sheegayaa In ayaxaas uu dul fadhistay aqal soomaaligii iyo geedihi isla markaasina uu ayaxaas uu u cunayo marooyinkii saarnaa aqal soomaaliga.

Sida uu shabakadu uu xaqiijiyey madaxa Mch Ee Fiqi Aadan Dr.Maxamed Cumar Warsame isaga oo ka hadlaya Arimaha Ayaxana Waxa Uu Yidhi “ Ayaxani Wuxuuu Wataa Dacawooyin tiro Badan Oo isaga Cunaya Isla markaasina waxa ay soo dhex galeen gudihii Magaalada.”

Waxa Uuna Intaasi Uu Si Raaciyey In ayaxan Tiro Badnidiisu uu naga Qariyey Iftiinkii Cadceeda Iyo Cirkii Dul Heehaabaya Deegaanka.

Dr.Maxamed Waxa Uu Ka Dayriyey Xalada Xaalufinta Deegaanka Iyo Dhibatada Ayaxaas Uu Ku Keenayo Dhul Daqsimeedkii Iyo Dhirtaba Sida Awgeed Waxa Uu Talo Ahaan Ku soo Jeedinaya In ay Dhibatada Ayaxaas Looga Soo Gurmado Deegaanadaas.

Sidoo Kalena Waxa Ayaxan Laga Soo sheegaya Maalmahan Danbe Deeganada Waraqa Dhigta,Midhidh,Cali Xaydh Iyo Deegaanada Ku Teetsan Sidaasna Waxa Noo Xaqiijiyey Xildhibaan Juube iyo Xildhibaan Baadmaax oo ka mida Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Lughaya.

Waxa ay Xildhibanadu ay sheegeen In uu Ayaxu Faro Ba’an Uu Ku Hayo Beeralayda Deegaanada Ku Teetsan Waraqa Dhigta.

Waxa Xusid Mudan In Wasaarada Beeraha Somaliland ay bishan Horaanteedi ay hawl Lagu Tirtirayo Ayaxa Ay Ka samaysay Deegaanadaasi Balse Ayaxani Awood ka balaadhan Taasi Oo Gurmad ah Loo Soo Sameeyo Si Wax Looga Qabto Ayaxan Dhibta Ku Haya Deegaanadaas.

No comments: