Mohamed Ali Bile |
Waa warbixin an soo koobey oo ku saabsan saddexdii maalmood ee an Hargeisa joogey iyo waxyaabihii uugu muhiimsanaa ee an soo arkey. Waxa dhici karta in aragtida lagu kala duwanaado oo qofba ay si la noqoto. Waxase hubaal ah iney maskaxda qofka akhriyaya ay kaga shaqeysiin karto oo ay ku qasbi karto inu fikiro oo uu dhiniciisana wax ka qiimeeyo.
1. SAXAAFADA
Bahda saxaafaddu aad ayay u dedaalen oo ay iskugu dayeen iney umadda gaadhsiiyaan warar iyo madadaalaba. Hanoqoto warar an qaar dhaliilno, qaar jecleysano, qaar ka xanaaqno, qaar ku faanno. Wixii ay aqoon la’aan iyo farasama xumo u keento mooyee, saxaafaddu umadda wax badan ayay u soo kordhisey. Ka sakow saxaafadda dawliga ah, waxa xusid mudan in saxaafadda dalkeenu ay tahay mid iyadu is wadda iyada oo aan maalgelin ka helin cid kale.
Dadka ku nool dalka iyo malaayiinta kale ee qurbaha joogaaba waxa ay habeen iyo maalin akhriyayaan warar ay saxaafaddu lacag la’aanta uugu soo gudbiso. Kala duwanaanta saxaafadda ee ay qaar muxaafidka yihiin qaar mucaaridka yihiin, qaarna dhexdhexaad yihiin iyo qaar aan siyaasadba ka hadleyn ee wacyi-gelin ka hadlayaa, waa waxa saxaafadda xiisaha badan u yeeley.
Inkastoo ay saxaafadda “digital” ka ihi muqaal ahaan hore u martey, hadana joornaalada la daabaco ayaad moodaa inaaney 20 sanadood ee ina soo dhaafey wax badan iska bedelin muuqaal ahaan oo badankoodu waa afar warqadood oo khadka iyo sawiraduba aaney sidaa u fiicneyn.
Waxa loo baahanyahay in saxaafaddu ay kor u qaado xirfadooda taxliilka (analyses) oo loo baahanyahay in arimaha ay ka hadlayaan ay si ballaadhan u lafaguraan oo arin kasta oo ay werinayaan ay ka bixyaan sawiro dhinacyo badan wax laga eegey oo aaney ku eekaanuun fikir dhinac keilya uun wax laga eegey.
Waxa Iyana muhiim ah in warbaahinta abuurto barnaamijyo ay iskugu keeneyso dad aqoon u leh hadba arimaha markaa socda oo laga dodo, lana lafaguro, talooyinka ka soo baxana ay noqdaan wax cidda ay khuseyso, gaar ahaan dawladdu ay ka faa’iideysato.
2. ISGAADHSIINTA
Isgaadhsiinta tilifoonada iyo internetku meel fiican ayay gaadheen oo dad badan oo ay u badanyihiin dhalinyarada ayay u sahlanaatey iney ka faa’iideystaan isgaadhsiinta. Isgaadhsiinta dalku meelo badan oo caalamka sadexaad ah ayay ka fiicantahay kana jabantahay.
Tayada isgaadhsiinta gaar ahaan internetka ayaa weli hooseeya oo aan laheyn awoodii iyo dhakhsihii socodka. Dhibaatada uugu weyn waa isgaadhsiinta oo ku kooban magaalooyinka iyo dadka inta ladan balse mujtamaca intiisii badneyd gaar ahaan kuwa ka fog magaalooyinka waaweyn aaney illaa hadda si fiican u gaadhin. Waxa kaloo dhiman sidii isgaadhsiintu uuga qeybqaadan laheyd casriyeynta adeegyada sida tacliinta, cashuur ururinta iyo wacyigelinta dadweynaha.
3. TACLIINTA SARE EE SOMALILAND
Waxa sii kordheysa tirade jaamacadaha wadanka ka furmey oo dhalinyaraddii aan awoodda u helin iney dibedaha wax soo bartaan fursad u siisey iney helaan tacliin jaban. Jamacadaahaas qaarkood waxa ay bixiyaan tacliin heerkeedu sareeyo, qaarna weli wey soo korayaan oo waxbaa ka dhiman.
Tartanka jaamacadaha dhexdooda ayaa keeni doonta in tayada tacliinta ay bixiyaan kor u kacdo mustaqbalka, kuwa sidaa yeeli waayana dan ayay u xidhmi doonaan.
Jaamacadaha dalku waxa ay fursad wanaagsan oo tacliimeed siiyeen kumanaan dhalinyaro ah oo mustaqbalka ka qeyb qaadan doona dhismaha iyo hoggaaminta dalka. Ka sakow dadka furtey jaamacadaha, dawladdu waxay ay sahashey furashada jamacadaahaas, taageero niyadeed iyo siyaasadeedna wey siisey.
4. SIYAASADA ARIMAHA DIBADA IYO GALDALOOLOOYINKA JIRA
Qodobka u weyn ee ay shicibku ka rabaan siyaasadda Somaliland ee arimaha dibeddu waa in Jamhuuriyadda Somaliland noqoto dawlad gooni u taagan, heshana aqoonsi caalami ah si ay wax uula wadaagto umadaha hore u marey ee calamka.
Sannadkii ina dhaafey waxa ay dawladdu dardar gelisey wada hadalkii ay la laheyd Somaliya waxaana ka qeybqaadatey shirar dhowr ah.
Waxa Iyana xilkii arimaha dibedda loo magacaabey wasiir lagu tirin karo inu yahay shakhsi ka mida dadka fara ku tiriska ah ee aqoonta iyo waaya aragnimo badan u leh sida caalamku u wada shaqeeyo. Waxase hubaal ah in Somaliland ay dawladdu ku guuldareysatey inay xitaa sharax cad ka bixiso siyaasadda arimaha dibedda iyo waxa ay dooneyso iney ka soo baxaan shirarka ay la leedahay Somaliya.
Somaliland iyo Somaliya midna daacad kama aha shirarka ay wada geleyaan. Labada dhana midba midka kale uu ogyahay inaanu daacad ka aheyn, sidaasooy tahay hadana wey is madadaalinayaa oo shirar ayay wada gelayaan. Dawladdii Riyaale kumey wareejin dawlada maanta joogta wax siyaasad cad ah ama qorshe ah oo ku waajahan arimaha dibedda gaar ahaan aqoonsi raadis.
Ayaan darada jirtaa ah inaan dawladan lafteedu aaney la iman. Waxa Iyana lagu guuldareystey in Etoobiya iyo Jabuuti laga helo aqoonsi dawladnimo, labadaa dawladood oo aynu isku qabno danaha uugu waaweyn haddii ay tahay siyaasad, dhaqaale, ganacsi, nebedgelyo. Waxa an ka dhalin kari weyney labadaa dawladood iyo Somaliya, lagama keeni karo dawladaha kale ee aan daniba inaga dhexeyn.
5. AMAANKA QARANKA
Waxa aad loo dareemey in nabadgelyada dalku meel wanaagsan gaadhey. Waxa si nidaamsan looga hortagey lana fashiliyey isku dey badan oo oo lagu khalkhalinayey nabadgelyada oo meelo kale laga soo maleegey. Waxa suurogeliyey horumarka laga sameeyey nabadgelyada waa iyada oo kor loo qaadey sirdoonka.
Sida bileysku uuga hortago mudahraadyada ayaa weli aad u hooseysa oo oo inta badan ku kooban xabad dhalisa dhimasho iyo dhaawac.
Waxa si gaar xusid mudan in hey’adaha sirdoonku oo xoog badan saara iney war iyo xogo siyaado ah ka helaan arimaha nebedgelyada gaar ahaan argagixisada. Waxa aad loogu baahanyahay in bileyska lagu tababaro xirfado ay ku maamulaan mudahraadka iyaga oo aan adeegsan xabbad.
6. DHAQAALAHA DALKA
Dhaqaalihii qeybo badan ayaa kor u Kacey, waxaaney ka muuqaneysa meheradaha cusub ee furmey iyo dhismayaasha laga hirgelinayo magaalooyinka. Waxa kale oo laga garan karaa sida uu u kordhey kharashka dadka iyo reeraha oo aad u iibsanaya alaabo casri ah sida talafishanno, tilifoonno, feernijar cusub, baabuur, taasi oo ku tuseysa in dadka uu dhaqaalihiisii kor u kacay.
Waxa muuqda ifafaalayaal muujinaya in mujtamucu u kala baxayo dabaqado oo ay jiraan qeybo dhaqaalahoodii kor u sii kacayo iyo qeybo bulshada ka tirsan oo faqriqii ku sii badanayo. Waxa muhiim ah in dawladdu ahmiyad gaar ah siiso sidii loo kabi lahaa maceeshadda dadka dhaqaalohoodu hooseeyo si ay u korsan karaan caruurta uuguna noolaan karaan sharaf.
7. AAFADA QABYAALADA
Qabyaaladdii lala xishoon jirey ayaa daahii laga qaadey. Dawaladda iyo mucaaridkuba si isku mid ah ayay u adeegsanayaan, iyadoo qolaba qolada kale farta ku fiiqeyso. Inkasta oo laga gudbey dhacdooyinkii gacan kahadalka ahaa ee arimaha qabiilku keeni jirey, hadana qabiilkan la soo toosiyey waxa uu wax u dhimay kalsoonidii dhalinyarada iyo dadka jecel inaan noqono mujtamac hore u marey.
Dadka in badan ayaa iminka rumeysan in waxkasta oo la qabanayaa aanu suuro gal noqoneyn haddaan la soo marin ciriqa qabiilka. Qabiilkiina waxaabu noqdey nidaam la tartamaya kii dawaldda oo malin kasta laga hadalhayo warbaahintii qaranka. Waxa jira tallaabooyin fiican oo ay dawladdu qaadey, gaar ahaan madaxweynuhu oo laga dardarb gelinayo bulshada.
Waxa madaxweynuhu la kulmey qeybo badan oo bulshada ka mida, ha noqoto xubno matalaya qurba jooga, qaar ka mida ururada dhalinyarada iyo weliba xubno metelaya dadka laga tirade bedenyahay, isaga oo ku booriyey iney ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka. Waa arin aad loogu riyaaqey dhiirigelin bandanna keentey.
Waxa haboon in dawladdu miiska soo saarto habkii lagu yareyn lahaa saameynta qabiilku ku yeeshey nidaamkii dawladeed.
8. SIYAASADA IYO HAWEENKA
Maamulka maanta jiraa bilowgii wuxu muujiyey inu door muuqda siinayo haweenka, ha noqoto mansab siyaasadeed iyo ballanqaadyo is daba jog ah. Balse arimahaasi waxa ay iskugu biyo shubteen sidii caadada aheyd ee siyaasadda iyo hoggaamintu ay ku koobneyd oo rag uun ah.
Taa marka lagu daro tii dhaqanka oo ah salaadiin iyo odayaal dhaqameed oo buuxiyey doorkii hoggaaminta bulshada, haweenkii ma hystaan fursad badan oo ay ku muuqdaan kagana qeyb qaataan hoggaaminta umadda.
In kasta oo ay jiraan dumar badan oo aqoon iyo waaya aragnimaba leh, hadana mansabyada sida agaasimayaasha guud, maareeyayaasha guud, badhasaabada oo intuba ay tahay mansabyo ay magacowdo dawladdu waxa lagu koobey rag. Marka ad madaxda qaarkood wareysato, laguma siinayo sharaxaad waafi ah.
Waxa muhiim ah in dawladdu gaar ahaan Madaxweynuhu si gaar ah arimaha dumarka u eego oo uu ka qeyb geliyo hoggaminta dalka.
9. AAFADA TAHRIIBKA
Waxa weli sii socda tahriibkii oo ay dhalinyaro badani naftooda ku biimeynayaan badaha waaweyn iyo saxaraha carabta. Waxa aad kor uugu Kacey wacyigii umadda iyo dawladda ee ahaa in wax laga qabto tahriiibka iyo guud ahaanba dhibaatooyinka heysta dhalinyarada ee ay ka mid tahay shaqo la’aantu.
Waxa dalka ka abuuran ururo dhalinyaro oo firfircoon oo ku hawlan dhiirigelinta dhalinyarada. Ururadaa wax aka mida SONYO iyo HAVOYOCO oo ah laba urur oo wax qabadkooda la dareemey.
Arimaha ay dawladdu illaa hada soo bandhigtey waxa ka mida shirar la qabtey oo lagaga arinsanayo tahriibka iyo shaqo la’aanta iyo gudiyo la saareey.
Waxqabadkaasi illaa hadda aad ayuu uuga hooseeya mushkiladda xajmigeeda. Mushkiladda maanta dhalinyarada heysataa maaha wax shir iyo siminaar iyo warbaahinta oo laga hadlo lagu maareyn karo.
Waxa loo baahanyahay in arrinta laga dhigo “Mudnaan Qaran” oo loo xilsaaro cid aqoon iyo araqti wanaagsan ka heysata wax ka qabashada arintaas, lana siiyo awood siyaasadeed iyo dhaqaale laguna hawlgeliyo iney muddo kooban ku keenaan barnaamij lagu maareynayo dhibaatooyinka horyaal dhalinyarada.
10. SAAMI WANAAGSAN OO DHALINYARADA XUKUUMADU SIISAY
Dhalinyartii da’da dhexe ee shaqeynayey oo qaarkood xilsare ka hayaan dawladda ayaan arkey oo in badani ay dhigtaan jaamacaddo iyaga oo qaar wadaan tacliintii shahaadadda knowaad, in badanina waxa ay wadaan tacliintii shahaadadda labada (Masters Degree).
Taasi waxa dad badan u sahashaey iney iyaga oo shaqeeya oo weliba reero leh ay wax bartaan. Waxa kale oo ay keeneysaa in tayadii maamul iyo hoggaaminba ay kor u kacdo.
11. DIB U DHISKA XAFIISYADA DAWLADA IYO FURSADO SHAQO OO AY KENEEN
Waxa ay dawladdu maalgelin weyn ku waddaa dib u dhiska wasaaradihii iyo hey'adihii dawladda. Waxa jira wasaaraddo tiro badan oo loo dhisey xafiisyo casri ah qaarna iminka gacanta lagu hayo.
Ka sakow dhismayaasha, waxa ay arintani shaqoyin u abuurtey dad aad u badan oo dhakhli ka soo galo. Adeegyada ka jira dalka waxa ay ku eegyihiin oo faa'iido ku qaba dadka inta ladan ee gaar ahaan magaalooyinka ku nool. Hadey tahay waddooyinka, ama isgaadhsiin, leydh, biyo, jaamacaddo, shaqooyin la abuurey, biyo la cabbo, intuba waxa ay ku koobanyihiin dad iyo deegaamo kooban.
Reer miyigii, reer guuraagii, dadkii faqiirka ahaa manaafacaad badan dawladnimada kuma qabaan iney niyeystaan uun mooyaane. Dawladdu waa iney sameysaa barnaamij si gaar ah wax uugu taraya dadka jilicsan, gaar ahaan reer miyiga.
12. MASHAAKIL IJTIMAACI AH
Waxa jira rag aad u tiro badan oo da'da dhexe iyo odayaal u badan oo qaarkood yihiin xildhibaano, qaar waa madax hore oo aan iminka xil heynin, qaar waa xil doon, salaadiin, cuqaal, qaarna waa taageerayaasha dawladda oo la yaqaan balse aan xil muuqda heyn oo intaa wareegaya xafiisyada dawladda iyaga oo doonaya iney madaxda la kulmaan oo dano ka fushadaan.
Aad ayay uugu adagtahay madaxda dawladda iney hirgeliyaan shaqadii loo direy waayo wakhtigiiba waxa ka qaadey dadkaa wareegaya oo marka qolo baxdaba qaar cusubi ay xafiisyadii soo gelayaan.
Madaxdii dawladda wey ku adagtahay in ay wax shaqo ah qabtaan. Dadkaa iyo odayaashaa wareegaya waa carqaladda uugu weyn ee hortaagan waxqabadkii madaxda dawladda.
Waxa ad arkeysaa madax intey xafiisyadoodii foodda soo geliyaan markaba iskaga tegaya iyaga ka dhuumanaya xertaa wareegeysa.
Madax an la kulmey waxa iiga soo baxay sawirka ah in wakhtigooda 20% ay qabtaan shaqadii loo igmadey inta kalena ay ku mashquulsanyihiin la hadalka dadkaa wareegaya.
Waxa dawladda qassab ku ah iney qaaddo olole lagula dagaalamayo “Xerta” Xafiisyada dawladda wareegta maalintii ee caqabadda ku noqotey habsami u socodkii hawlihii dawladda.
13. DHISMAHA WADOOYINKA DALKA: WAXQABAD MUUQDA
Dhisamaha waddooyinka ayaa ah wax qabad muuqda. Inkasta oonan magaalada Hargeisa dhaafin, hadana inta yare en arkey ayaa ii muujisey in dedaal badani socdo. Waxa la qabtey aad ayuu uuga hooseeyaa baahida jirta, balse waxa xusid mudan in hawlaha waddooyinka lagu dhiiradey oo weliba lagu wado dhaqaale aan mucaawimo ku jirin. Waxa xusid mudan in caruurta iskuulada oo iska ururiyey nuusasaacohoodii ay wadada Ceerigaabo uugu deeqeen $120,000 halka lacagtii ay qurba joogu soo ururiyeen ay noqotey $100,000. Taasi waxa ay ku tuseysaa in haddii umaddu dedaasho ay ururin karto lacag intii la doonaba.
No comments:
Post a Comment