Wednesday, March 19, 2014

20- ruux oo isugu jira mas’uuliyiin iyo saraakiil oo ku dhimatay dagaalkii Buuloburde



Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ah dagaal iyo qaraxyo ka dhacay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarun ay ku sugnaayeen madax ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiil dhinaca ciidamada ah.
Abaanduulihoo ii ciidamada gobolka Hiiraan Col Maxamed Amiin  iyo guddoomiyihii degmada Buuloburte ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka halka saraakiil kale oo ciidamada ah isuguna jira Soomaali iyo Jabuutiyaan ay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaartay weerarkan ismiidaamiinta ah.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa wararku ay sheegayaan in uu ka mid ahaa dadkii ku sugnaa xarunta  la weeraray, waxayna warar an la xaqiijin ay tilmaamayaan in uu ku jiray dadkii waxyeelada ka oo gaartay weerarka.
Weerarkan ayaa ahaa mid markii hore uu ahaa ismiidaamin kadibna iskahorimaad hubeysan uu ku xigay. hase yeehee dadkii weerarka soo qaaday ayaan u suurtogelin inay gudaha u galaan hotel Camalow
Dayuurado helikabtar ah ayaa gaaray maanta Buuloburte iyagoo ka soo qaaday dadkii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Buuloburde.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka  soo baxay dowlada ee la xiriira weerarkii xalay ka dhacay Buuloburde

No comments: