Monday, February 17, 2014

War Deg-Deg Ah: Diyaarad Shirkada Itoobiyaan Airlane Leedahay Oo Siday in Ka Badan 200 oo Rakaab Ah Ayaa La Af-Duubay





Dayaarad ay leedahay Ethiopian Airlines oo ay la socdeen in ka badan 200 ruux ayaa saaka la afduubay. Dayaaradda ET702 oo ka kacday Addis Ababa una socotay Roma, waxaa loo leexiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Dadkii la socday waa la badbaadiyay sida uu qoray Wargeyska Tribune de Genève.

Diyaaradan ayaa ka duushay magaalada Addis Aababa kuna socotay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ayaa lagu qasbay inay ku degto magaalada Geneva ee dalka Switserland kaddib marki la afduubay.

Boliiska Switzerland ayaa xaqiijiyay afduubka diyaaraddan oo ay leedhay Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya.

Mid ka mid ah dadkii wax afduubay ayaa lagu warramayaa in la xidhay kaas oo aan haytiisa la shaacin.

Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegtay inay nabad qabaan dhamaan dadkii saarnaa diyaaraddaas.

Waxaa haatan xidhan gegida diyaaradaha Geneva ee ay diyaaraddu ku degtay.

Diyaaraddu waxaa saarnaa ugu yaraan 200 oo ruux, shirkadda diyaaradahana waxay sheegaysaa in caafimaadkoodu uu wada fiican yahay


Wargayska Tribue de Geneva ayaa sheegay in diyaaradda la afduubay markay dul maraysay hawada dalka Sudan.

Ilaa haatan lama garanayo sababta diyaaradda loo afduubay, lakin warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in mid ka mid daka wax afduubay uu yahay qof magangelyo doon ah.

No comments: