Khuburo Caalami ah oo ku guda jira baadhitaanka xasuuqii 1980s ka dhacay Somaliland oo baadhitaan ku samaynaya Xabaal Wadareedii 3aad - Hargeysa 21/02/2014 |
Hargeysa - Khubarada Baadhaysa Xabaalaha Xasuuqa Badhka oo ay ku
aasan yihiin dadkii lagu xasuuqay Hargeysa sideetamaadkii ayaa shalay soo
gabagabeeyey xabaashii saddexaad ee ay Somaliland ka qodaan tan iyo intii ay
hawshaasi bilaabeen, kuwaas oo ka soo saaray lafaha lix qof oo ka mid ah dadkii
dawladii Maxamed Siyaad Bare ku xasuuqday Xabaalaha Badhka.
Dr Franco Moro oo ah khabiir ku takhasusay lafaha dadka
la xasuuqo ayaa sheegay in cadaymaha ay xabaashan ka heleen ee muuqda ay tahay
Ilkihii Cagaftii godka u qoday dadkan la laayey ee aastay oo muuqda, waxaanu
intaasi ku daray in lixdan qof ee la laayey loo dhigay saf loona jeediyey
wajigooda jihada waqooyiga.
Lafaha lixdan qof ee dawladii Siyaad Bare xasuuqday ayaa
dhamaantood xidhnaa Macawiso, kuwaas oo loo malaynayo inay ahaayeen dad reer
Miyi ah oo laga soo ururiyey hareeraha magaalada Hargeysa.
Khabiirka Kooxdan hogaaminayey Mr Franco Moro ayuu
Wargeyska Haatuf waydiiyey ugu horayn inuu faahfaahin ka siiyo xabaashan hadda
gabagabada ah ee ay hawsha ka hayeen maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa uu
yidhi “Tani waa xabaashii saddexaad ee aanu goobtan Badhka ka baadhno,
xabaashani waxay ahayd xasuuqii 1984-kii, xabaashan waxa aanu ka helnay lix
qof, dhamaan lixdan qof ee xabaashan lagu aasay waxay la mid ahaayeen kuwii
hore ee aanu sanadkii hore soo saarnay, lixdan qofi waxa ay xabaashan u wada
yaaleen oo ay u jeedeen jihada waqooyiga, wajigooguna waxa uu xigay dhinaca
midigta, xubnahooduna way kala baxsanaayeen, dharkoodiina way xidhnaayeen.
Xabaashan shaqadii aanu ka haynay waanu dhamaynay,
xabaashan waxa ka muuqday oo cadayn ah calaamadaha cagaftii qoday godkan oo ku
yaala dhinaca galbeed ee xabaasha.
Macluumaadka aanu halkan ka helay waxay caawin karaan
guddida xasuuqa si ay ugu soo bandhigto una tusto qof kasta wixii halkan ka
dhacay, xasuuqani waa mid eray bixintiisu ay sharci tahay hadba cidii kiis ama
talaabo laga qaadayo, waxaana wax la isticmaali karo.
Mudada aanu halkan joogno waxa aanu qaban doonaa in aanu
xabaalo kale oo noocan ah aanu faqno, marka aanu helno macluumaadka dadkii
goobjooga ahaa markii xabaalahan dadka la laayey lagu aasayey.
No comments:
Post a Comment