Golaha Guurtida Oo Soo Saaray Go'aan Mideeyey Mudanayaashii Golaha Wakiilada Ee U kala Jabay Labada Garab.
Hargaysa- Fadhigii maanta golaha wakiilada somaliland oo ay shalay isugu yedheen golaha guurtida ee dhexdhexaadinta ka waday khilaafka soo kala dhexe galay mudanayaasha golaha wakiilada oo u qaybsanaa laba garab ayaa mudanayaasha aqalka wakiilada u soo gudbiyey go,aamadii ay ka soo saareen dhex-dhexaadintii ay wadeen.
Fadhigan oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha golaha wakiilada mudane cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi ciro ayaa uu mudanayaasha ku wargaliyey in fadhigu furanyahay islamarkaana guddida dhexdhexaadinta ee golaha guurtida laga dhagaysan doono go,aanka ay soo gadheen.
Guddoomiyaha guddida joogta ah ee golaha guurtida somaliland xaaji cabdi waraabe oo ka hore intii aan lagu dhawaaqin natiijada ay kusoo taliyeen gudidii loo xilsaaray khilaafka soo kala dhex galay golaha wakiiladu ayaa waxa uu xildhibaanada kula dardaarmay in ay qataan go,aanka kama danbaysta ah ee ay soo gadheen waxaana uu yidhi”
Waxaanu idinka doonayaa saaka raggiinan dhalinyarada ahi inaad naga aqbashaan go,aanka aanu kasoo saarnay khilaafka dhexediina yaala in mudo ah waxaa la doonayaa waa lays-qabtaaye inaad isku hogaansantaan oo aan laydin odhanin wallaahi kuwan kuwi horaa dhaamay” ayuu yidhi Xaaji Cabdi waraabe oo hadalkiisa waano iyo wax u sheeg ku bilaabay.
Waxaana uu intaasi raaciyey guddoomiyaha guddida joogta ah ee golaha guurtidu“waxa maanta Shiinaha kadhacaya cidwaliba way la socotaa oo way inaga daawanaysaa warbaahinta waxaa la doonayaa Golahan oo kale inaan la odhan waar maxay ahaayeen.
Waxa uu sheegay xaaji cabdiwaraabe in ay dhagasteen labada garabka warbixin ku saabsan qolo waliba waxa ay tabanayso waxaana uu yidhi”
gartiinii waanu dhagaysanay labadiinii dhinacba lakiin waxaana soo jeedinayaa inaad si sharafle u qaadataan waxaa aanu soo jeedinay oo waliba si gobanimo leh u qaadataaan ” ayuu yidi Xaaji Cabdikariin Xuseen [Cabdiwaraabe]
Waxaa isaguna madashaa la wareegay Gudoomiye ku xigeenka 1aa dee Golaha Guurtida Siciid Jaamac waxaanu halkaa ka akhriyey go’aankii ay soo saareen gudigii loo saaray xalinta khilaafka Golaha,waxaanu yidhi Gudooye Siciid Jaamac ‘hadalkii waxaa dhameeyey Odayga Xaaji Cabdiwaraabe balse anigu waxaan idiin akhrinayaa kaliya go’aankii ay soo saareen Gudigii Guurtida ee arinta loosaaray” ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka 1aad.
Qodobadii ay Golaha guurtidu ka soo saareen Go’aankaasina waxay kala ahaayeen sidan hoos ki qoran
1- in aqlabiyadda lagaga qaadikari Gudoomiyah iyo labadiisa ku xigeen laba iyo badh oo ah ama marka ay Golaha wakiiladu sadexmeelood meel ahaan soo jeediyaan mudanayaasha Golaha wakiiladu oo ah 42
2- inaan shirgudoonka iyo labada ku xieegnadiis aan loo soo dhigikarin wax mooshan oo xilka laga xayuubin karo muddada uga hadhay hadii aanay xilkooda u gudan waayin si waafaqsan xeer-hoosaadka Golaha iyo dastuurka qaranka.
3- in Gudoomiyuhu ku dhawaaqo kala fadhigan Golaha oo ah kii 23aad si uu Goluhu u gudogalo fasaxiisa caadiga ahaa.
Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa isna waxa uu ka aqbalay natiijada kasoo baxday guddida dhex-dhexaadinta waxaana uu sheegay isga oo ku hadlaya afka mudanayaasha iyo kan guddoomiyahaba inuu aqbalay natiijada kasoo baxday guddida.
No comments:
Post a Comment