Wednesday, January 8, 2014

Yuusuf Gaydh Oo Loo Magacaabayo Raysal Wasaare Ku Xigeenka Somalia Iyo Jaamac Yare Oo Ku Soo Dhaweeyey Madaarka Xamar

Yuusuf Gaydh Oo Loo Magacaabayo Raysal Wasaare Ku Xigeenka Somalia Iyo Jaamac Yare Oo Ku Soo Dhaweeyey Madaarka Xamar.



Muqdisho - Ilo ku dhawdhaw Madaxweynaha dawlada Xamar Xasan Sheekh Maxamuud (Xasan Culusow) ayaa Haatuf u sheegay in Yuusuf Maxamed Kaahin (Yuusuf Gaydh) oo ah siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ay xukuumada Somalia u magacaabi doonto jagada Raysal Wasaare ku xigeenka.
Yuusuf Gaydh oo ka tirsanaan jiray Naarlamaankii xukuumadii Imbagaati ayaa sanadkii 2007 ku biiray koox la baxday Baarlamanka Xorta ah kuwaas oo ka dagay caasimada Eriteria ee Asmara halkaas oo ay ku aasaaseen Isbahaysiga dib u Xoraynta Somalia ee ka soo horjeeday xukuumadii Cabdilaahi Yuusuf Madaxweynaha ka ahaa iyo joogitaankii Ciidamada Ethiopia ee gudaha Somalia.
Yuusuf Gaydh oo ka soo horjeeday Madaxbanaanida Somaliland ayaa ku soo noqday Hargeysa 16 February 2008 kadib markii uu codsi cafis ah uu usoo qortay xukuumada Somaliland taas oo uu ka dalbaday in la saamaxo.
Sanadahan dambe, Yuusuf Gaydh waxa uu Ingineer ahaan ugu shaqayn jiray mashruuc biyood samafal ah oo dawlada Imaaraadku ka waday dalka Koonfurta Sudan oo uu ka madax ahaa Ingineer Cabdiraxmaan Cali Ducaale (C/raxmaan Juudi).
Yuusuf Gaydh waxa uu ka dhoofay magaalada Hargeysa saddex cisho ka hor isagoo ku sii jeeda dhinaca caasimada Somalia waxaana madaarka Xamar ku soo dhaweeyey siyaasiga caanka ah General Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) kaas oo warbixin Qaramada Midoobay ka soo baxday sanadkii hore ay ku tilmaantay inuu hawlo dhinaca sirdoonka ah dawlada Eriteria uga hayo magaalada Muqdisho.
General Jaamac Maxamed Qaalib oo Yuusuf Gaydh ay ku wada jireen Isbahaysiga kor ku xusan ee fadhigiisu Asmara ahaa ayaa 19-kii sanadood ee u dambeeyey intooda badan waxa uu ku sugnaa magaalada Xamar, hase yeeshee labadii sanadood ee u dambeeyey waxa uu dhawrkii biloodba socdaalo gaaban ku imanayey caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo.
Ilahaasi waxa kale oo ay sheegeen in Jaamac Yare kaambayn adag u galay sidii jagadaa Raysal Wasaare ku xigeenka loogu magacaabi lahaa Yuusuf Gaydh oo ay wadaagaan ku talax-taga mucaaridada madaxbanaanida Somaliland isla markaana in Generalku ka ololeeyey sidii aanay jagadaa u qabteen shakhsiyaad uga faraqabow xaga Somaliland sida Ismaaciil Buubaa iyo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo xukuumadii Saacid ee dhacay ka ahayd Raysal Wasaare ku xigeen iyo Wasiir khaarajiga.

No comments: