Wednesday, January 29, 2014

XOG: Maamulka Khaatuma oo qarka u saaran inuu daad qaado!










Maamulka Puntland ayaa xilal kala duwan u magacawday masuuliyiin u dhashay maamulka Khaatuma qaarkoodna xilal ka soo qabtay sida madaxweynihii hore ee Axmed Karaash.

Waxaa arrintani loo sababeynayaa dagaalka ay Puntland kula jirto maamullada la dariska ah gaar ahaa kan Khaatuma oo ay isku hayaan dhulka.

Horay waxaa madaxweyne ku xigeenka u ahaa C/samad Cali Shire oo u dhashay beesha DHulbahante waxaana la sheegay in isaga iyo Faroole ay isku qorshe ahaayeen isla markaana ay isla maleegeen qorshihii lagu weeraray magaalada Taleex ee Khaatuma State.

Labo kamid ah madaxweynayaasha Khaatuma iyo rag kale oo maamulkaasi ka soo jeeda ayaa C/wali Gaas uu u magacaabay wasiirro, taas waxay ka dhigan tahay in siyaasaddii dagaalka ee uu C/raxmaan Faroole wax ku raadinayay in uusan Gaas wax ku doonin.

Labadii madaxweyne ee soo maray Khaatuma haddii laga dhigay wasiirro maxaa xigi doona waa midda la hadal hayo maanta Soomaaliya.

Waxaa kaloo dadka siyaasadda ku xeel dheer sheegayaan in arrintan ay tahay mid siyaasadeysan oo loo baahan yahay in lagu xumeeyo Khaatuma.

Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo dhowaan ka hadlayay munaasabaddii Khaatuma ee Nairobi ayaa sheegay in qadiyadda Khaatuma ay tahay mid sugan oo aysan fara galin karin Puntland iyo Somaliland halkaasoo dhiiga ku kariyay Gaas iyo Siilaanyo.

Xaalka hadda Puntland iyo Khaatuma waa uu ka duwan yahay kii shalay ee Faroole waxaana idin soo gudbin doonnaa Warbixinno ku saabsan labada maamul iyo dagaalka ka dhaxeeyo.

Source: http://www.wadani24.com/

No comments: