Thursday, January 30, 2014

Warar sheegaya in Xasan Daahir Aways laga wareejiyey xaruntii uu ku xirnaa?



Sheikh Hassan Dahir Aways


Warar caawa naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaaya in Shiikh Xassan Daahir Aweys oo hore uga tirsanaa Saraakiisha Ururka Al-Shabaab laga saaray Xarunta Nabadsugida uu ku xirnaa mudooyinkii lasoo dhaafay.

Sida ay ku warameen ilo lagu kalsoonaan karo, Shikh Xassan Daahir ayaa la dejiyey guri ku yaalla Muqdisho oo aan la aqoon halka uu ku yaalo iyadoo loo sameeyay Ciidamo gaar ah oo suga amnigiisa.

Lixdii bilood lasoo dhaafay ayuu ku xirnaa Xarunta Nabadsugida, waxaana weli arrintaan ka hadlin masuuliyinta Dowladda Federaalka iyo laamaha ammaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa dhowaan mar la waydiiyey arrinta Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in ay weli ku socdaan baaritaano, waxaana uu ka gaabsaday in uu tafaasil dheeraad ah ka bixiyo.


Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa bishii June ee sanadkii tegay kasoo baxsaday Ururka Al-Shabaab kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo  Hogaamiyaha kooxda Axmed Godane, waxaana uu iska dhiibay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud deetana loo soo wareejiyey magaalada Muqdisho oo ay Dowladdu gacanta ku haysay.

No comments: