Saturday, January 18, 2014

War Deg Deg Ah: Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Oo meel xun Maaraya iyo Qodobada Laysku Marilaayahay




Wasiirada Arimaha Dibada & Madaxtooyada Somaliland oo Shirka Turkiga ka Qaybqaadanaya

Hargeysa - Kulanki Sadexaad ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo wajigoodii fool ka foolka ahaa si rasmi ah uga furmay magaalo madaxda ganacsi ee dalka Turkiga ee Istanbul ayaa labada dhinac isku mari waayeen qodobadii ajandaha shirka la soo dhigay, iyadoo dhinac waliba qodobka madax banaanida Somaliland iyo midnimada Somalia dhankiisa ku adkaysanayo.

Ergadii uu hogaaminaayey wasiirka amniga ee dawladda Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa diiday inay gebi ahaanba aqbalaan ka hadalka madax banaanida Somaliland, qodobkaasi oo shallay guddiyadii isku dhafka ahaa ee labada dhinac u xil saareen wada hadalku ay ku soo dareen mar danbe.

Kulanka oo u badna gorfayn iyo wada hadal huwan duur xul iyo lafa gurid ku sallaysan taariikhdii midnimada labadii gobol ee Somaliland iyo Soomaaliya ee 1960-kii midoobay, ayaa waxaa hadal dheer ka jeediyey madasha wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa ka codsaday dhinaca ergada Soomaaliya inay keenaan qodob sharci oo ay u cuskanayaan inay Somaliland ka sii mid ahaato Soomaaliya, Mr. Biixi wuxuu kulanka ka sheegay in markii labada gobol ee Somaliland iyo Soomaaliya midoobayeen aanu jirin qaraar sharci oo la geeyey qaramada midoobay oo labadii dhinac ku heshiiyeen.

Mr. Biixi wuxuu usoo bandhigay ergada dhinaca kale inay dadka reer Somaliland waagaasi iyadoon cidi qasbin ay midnimada qaateen, maantana iyagoo aan cidi qasab ku lahayn ay xornimadoodii la soo noqdeen, wuxuuna si adag ugu soo jeediyey ergada dawladda Federaalka Soomaaliya inay aqbalaan oo ay muujiyaan gobonimadii ay dadka reer Somaliland 1960-kii muujiyeen.

Dhinaca Ergada Soomaaliya ayaa waxay ku doodayeen in dalkii Somaliland ee 1960 ee midawga la gallay Soomaaliya aanay beelahii degaayey u wada dhamayn madax banaanida Somaliland, waxaana ergada Soomaalidu sheegeen in aan la joogin wakhtigani xilligii Soomaaliya ay kala tagi lahayd, iyagoo sheegay in haddii ay Somaliland go’do ay marka u horseedi doonto dhinaca kalana in gobol kastaaba gooni usii go’o, taasina aanay aqbalaynin.

Kulanka ayaa noqday mid hadalka si weyn la iskugu kululeeyey oo aan waxba la iskula hadhin, waxaana ergadii Soomaaliya ay diiday inay aqbasho in qodobadda heshiiska wada hadalka ka soo baxaya lagu darro inay aqoonsadaan madax banaanida Somaliland.

Markii halka la marayo ayaa ergada Somaliland waxay ku henjabeen inay wada hadalka ka baxayaan isla markaana u gudbinayaan beesha caalamka ee shirka dhex dhexaadinaysay in aanay wada hadalkani fool ka foolka ah sii wadi karin, balse beesha caalamku si rasmi ah usoo dhex gasho, si loogu garnaqo isla markaana beesha caalamku ay keento xal kama dambays ah.

Wararkii ugu danbeeyey ayaa tibaaxaya in la isku afgaran laayahay qodobadda heshiiska wada hadalka lagu gaadhayo ee ballantu ahayd in maalinta berri ah la shaaciyo, iyadoo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiguna ay labada dhinac ergooyinkooda si gooni gooni ah ula kulmeen.

Wada hadalkani maanta ilaa caawa soo gaadhay ee dhex maraya ergooyinka Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ah kuwii ugu xasaasisana uguna kulula, marka la bar bar dhigo afartii kulan ee ka horeeyey.

Wararka imika aanu hellaynaana waxay tibaaxayaan in ergada dhinaca Somaliland ay ka baxeen wada hadalka, isla markaana ay dalbanayaan in dawladda Turkigu wada hadalka si rasmi ah usoo dhex gasho.

Weli kulanada ayaa  ka sii socda magaalada Istanbul, iyadoo ay u dhawdahay inay dawladda Turkigu soo dhex gasho wada hadalka si xal looga gaadho heshiis ay labada dhinac gaadhaan, ergada dhinaca Soomaaliya ayaa u eg qaar naqasku ku dheganyahay oo u muuqda qaar aan go’aan qaadasho lahayn.

No comments: