Search This Blog

Friday, January 3, 2014

Tirada Dhimashada Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee Lala Beegsaday Aljaziira Hotel, Muqdisho oo Gaaray 15 ruux: Daawo Sawirada Qaraxa





Ugu yaraan 15 ruux, ayaa waxay ku dhinteen weerarkii hubeysnaa ee xalay lagu qaaday Hotel Jaziira, oo ku yaala Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo in ka badan 20 kalana ay ku dhaawacantay.

Gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, oo ay la socdeen rag naftood hurre-yaal ah, ayaa waxaa xalay lagu weeraray Hotelka ammaankiisa sida weyn leh loo ilaaliyo.

Dhamaan dadkii ku dhintay ku dhaawacmay weerarka, ayaa waxaa meydadka iyo dhaawacyadooduba la geeyay goobaha caafimaadka ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda, ayaa kamid ah dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay qaraxyadaan, sidoo kale seddex kamid ah Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa dhaawacmay.

Xildhibaan Bashiir Cadow Calasow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxa uu isna ku dhaawacmay weerarka qorsheysan, ee ka dhanka ah Hotel Jaziira.

Hotelka la weeraray oo ammaankiisu si weyn loo ilaaliyo, ayaa waxaa ku hoyda qaar ka tirsan Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo sidoo kalana ay deggan yihiin dad Ajaaniib ah.






No comments: