Wednesday, January 22, 2014

Muqdisho Hal Sanad Jir Oo Nalalka Kala Haga Baabuurta Yeelatay iyo Hargeysa oo 23 Sano Jir ah Oo Wadooyinkeedu Argagax leeyihiin

Muqdisho Hal Sanad Jir Oo Nalalka Kala Haga Baabuurta Yeelatay iyo Hargeysa oo 23 Sano Jir ah Oo Wadooyinkeedu Argagax leeyihiin

 
Jidadka Muqdisho oo ay kala hagayaan Traffic Lights


Maamulka gobolka Benaadir iyo Taliska Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka Muqdisho oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay mar kale inay nalalka samaafaraha ka hirgeliyaan isgoysyo hor leh oo ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo kala ah isgoysyada Sayidka iyo Dabka. Dadaalkan la yaabka leh maaha kii ugu horeeyay balseDawlada Hoose ee Muqdisho iyadoo jirtay in ka yar hal sano ayay bishii November 2013 ku qotomisay Nalalka Gaadiidka kala Haga jidadka magaalada Muqisho, 

Arinta la yaabka leh ayaa ah marka la barbardhigo magaalada Muqdisho caasimada Jamahuuriyada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa kuu soo baxay fajac iyo af kala qaad.

Jidadka Caasimada Hargeysa oo ay madaxa iskula jiraan Gaadiidku



Magaalada Hargeysa Jidadka waxa buux dhaafiyay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ha u bataan kuwa faajofaajoodkuye, waana muush cammiran oo dhengedda kor loo tuuraa qof madaxa kaga dhacayso. Marka baabuur ciiddaas ka badan lagu soo dhexdaayo dadka faraha badan ee suuqyada magaalada u soo adeegsi, jimicsi, dewersi iyo boob tegay ee wadooyinkuna aanay lahayn Nalalkii gaadiidka iyo dadkaba kala hagayay (Traffic Lights), waxa ka abuuranta maalinkasta mashaqo. Caasimada Hargeysa markay saacadu gaadho 9 subaxdii wado kasta baabuurtu madaxa ayay isla wadagashaa halkii Kiiloomitir baabuurku wuxuu u socdo saacad buuxda. Ogow hada Hargeysi waxay maamul Dawlada Hoose, ciidan nabadgalyo wadooyin iyo hay'adaha dawlada dhexe lahayd 23 sano ee ina soo dhaafay.

No comments: