Monday, January 13, 2014

MASUULIYIINTA XISBIGA UCID OO MAR KALE KU QUUDHSADAY RAALI GALIN AY KA BIXINAYEEN XADGUDUB MAGACA BEESHA GABOOYE AY KU GALEEN !!!


"mana ahayn eray aan anigu u aqaanay reerkaas, waxaanan u aqaanaa beelaha Gabooye balse anigu MIDGO uma aqaano" Xoghayaha Arimaha Bulshada ee xisbiga UCID Cabdiraxmaan Axmed Cali





Hargeysa-Waxa Maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Hargeysa Xoghayaha arimaha bulshada ee xisbiga Ucid Cabdiraxmaan Axmed Cali Iyo Jiir Cali Madoobe oo ka tirsan xisbiga UCID, Masuuliyiintan oo sheegay in ay raali gelin buuxda ka bixinayaan hadal hore uga soo yeedhay oo ay dhibsadeen beelaha Gabooye. Balse waxa dadbadan oo dhagaystay Hadalka masuuliyiiintan ayaa sheegay Masuul dhan oo ku leh Gabooyaha uma aqoono Midgo ma run buu sheegayaa?

Xubnahan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in ay raali gelin ka bixinayaan eraygaas oo aanay ula jeedin beelaha Gabooye balse ay dhibsadeen.

Ugu horayn Xoghayaha Arimaha Bulshada ee xisbiga Ucid Cabdiraxmaan Axmed Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa raaligelin ka bixiyey hadalkaas oo isaga hore odhaahdani uga soo yeedhay waxaanu yidhi "Arinta beelaha Gabooye waxaan marka hore u cadaynayaa inaan anigu marka hore hadalkaasi  muranku ka dhashay aan idhi  una odhanin si ku tala gal ah, mana ahayn eray aan anigu u aqaanay reerkaas, waxaanan u aqaanaa beelaha Gabooye balse anigu MIDGO uma aqaano, cid kasta oo  hadalkaas dhibsatay  oo reerkaas ka tirsan gudo iyo debadba ha joogaane raali gelin balaadhan ayaan ka siinayaa."

Xoghayaha arimaha bulshada ee xisbiga Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay beesha Gabooye u aqoonsan yihiin beesha ugu balaadhan ee degta guud ahaan gobolada dalka Somaliland waxaanu yidhi "Anagu xisbi ahaan waxaanu u haysanaa beelaha Gabooye  mudnaanta koowaad waxaanan u naqaanaa beesha ugu balaadhan ee degta lixda gobo lee Somaliland, Saleebaan Xuquuqna waxaan leeyahay xuquuqda aad halmaanka kaga hadlayso haddii aad aqoon u leedahay waxa xuquuqda kaw ka ah xaqa ah inuu qofku noolaado, beeshanina waxay dawlada ka wayday xaqii noolaanshaha, telefishanka qarankana waxaan halkan ka cadaynayaa inuu yahay telefishan xisbi, haddii aanu nahay xisbiyada mucaaridkana waxaanu ku tala jirnaa inaanu telefishan samaysano."

No comments: