Sida ka muuqata liiska Wasiiradan
waxaa ku jira xubno muddo ku soo jiray saaxada, iyo rag kale oo ku cusub
masraxa siyaasada Soomaaliya.
Xubnaha la soo qaadan karo waxaa ka mid ah
wasiiradii horey uga midka ahaa dowladdii ra'iisalwasaarihii la riday ee Cabdi
Faarax Saacid Shridoon; sida faarax Cabdiqaadir iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed
oo mar kale ka mid noqday dowladan cusub.
Xubno kale oo horey
wasiiro uga soo noqday dowladihii ku meelgaarka ahaa ayaa iyagana xilal cusub
helay.
Waxaa ka mid ah Xuseen
Cabdi Xalane oo maaliyada loo dhiibay, Mustafa Dhuxuloow oo warfaafinta
Qabanaya, Cabdilaahi Goodax Bare oo arimaha gudaha iyo federaalismka wasiirka
ka noqonaya iyo Khadiija Maxamed Diiriye oo noqotay wasiirka haweenka iyo
xuquuqul insaanka.
Xubnaha
daadka qaaday
Xubnaha uu daadku
qaaday waxaa ka mid ah; Fowsiyo Yusuf Xaaji Adan, Maryam Qaasim iyo Cabdixakiim
Fiqi.
Maxamuud Axmed Nur
Tarsan oo Duqa Muqdisho ayaa golahan cusub wasiir ku xigeen ka ah. Isugeyn
golaha wasiirada waa 54 xubnood waxayna u baahan yihiin inay ansixiyaan
baarlamaanka ka dibna ay ka howlaglaan dal nabadiisa aysan cago badan ku
taagnayn, dhaqaale ahaana liita.
Waxyaabaha la
isweydiinayana waxaa ka mid ah tiradan badan iyo xitaa halka ku shirayaan. Ahmed
Sheikh Mohammed (ahmed tiir) waxuu falanqeeyaa rimaha Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya, mar wax aanu ka waydiinay magacaabista golaha wasiirada cusub wuxuu yiri "Tiradan badan ee wasiirada xitaa
looma heli karo goob ay ku shiraan, sidoo kale dhaqaale ahaan wadanka ma qaadi
karo 54 wasiir.
Wajiyada liiska ku cusub waxaa ka mid ah
Cabdiraxman Ducaale Beyle oo Somaliland ka soo jeeda loona dhiibay jagadii ay
horey u haysay Fowsiyo Yusuf Xaaji.
Maxamed Sheekh Xasana oo horay sirdoonka
Soomaliya madax uga soo noqdayna waxaa loo magacaabay gaashaandhiga waxuuna ka
soo jeedaa gobolka Baay.
Amniga qaranka iyo arimaha gudaha waxaa loo
kala gooyay labo wasaaradood, Cabdikariim Xuseen oo madaxweynaha rafiiq weyn la
ah ayaana loo dhiibay xilka amniga dalka.
Cabdikariim Faarax Guuleed waa markii
labaad oo isagoo dalka ka maqan la magacaabo taasoo muujinaysa inuusan marnaba
ka maqnaan doonin liiska wasiirrada dalka.
Dumarka ayaa tiro ahaan ku qatan dowladan
waxayna heleen labo xubnood, marka loo eego xukuumadii hore waxba uma soo
kordhin haweenka.
Golahan cusub ee dowladda ayaa lagu
tilmaami karaa magacaabiddooda inay jiitantay, waxaana laga dareemi karaa inuu
khilaaf jiray marka la eego mudada dheer ee la sugayay iyo welibo xilligii
saqda dhexe ka dambaysay ee lagu dhawaaqay.
Balse aakhirkii xalayto ayay muuqatay in
sadaxda mas'uul ee dalka ugu saraysa ee ilmo Sheekh (Xasan Sheekh, Cabdiweli
Sheekh iyo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari) ku wada qanceen 54-ta xubnood ee
xukuumadan.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA GOLAHA WASIIRADA EE CUSUB
No comments:
Post a Comment