Search This Blog

Thursday, January 2, 2014

Faahfaahin: Qaraxyadii Hotelka Jazeera & Labo Sarkaal Boolis Oo Ku Dhintay



Muqdisho - Xalay fiidkii labo qarax oo loo adeegsaday gawaari lasoo miineeyey ayaa ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaasoo aad ugu dhow garoonka diyaaradaha Aden Cadde.
Labada weerar waxaa inta boolisku xaqiijiyey ku geeriyooday 6 ruux oo labo sarkaal ku jiraan, waxaana ku dhaawacmay 37 kale oo ka tirsan booliska nabad sugidda, sidaa waxaa warebaahinta u sheegay Afhayeenka taliyaha booliska Soomaaliya Jen. Madaale.
Jen. Madaale ayaa sheegay in qaraxii hore gaari naftii hure weday uu isku qarxiyey gaari boolisku lahayaeen oo taagnaa agagaarka Hotel Jazeera, wuxuuna tilmaamay iney ku geeriyoodeen ilaa 4 ruux.
Wuxuu sheegay Jen. Madaale in qaraxa labaad ay ku geeriyoodeen ilaa 2 sarkaal, islamarkaana 37 kale oo isugu jira boolis iyo nabadsugid ay ku dhaawacmeen.
“Qaraxii hore oo lala beegasaday gaari ciidamadu lahaayeen waxaa ku dhintay afar askari, kii labaad waxaa ku dhintay labo sarkaal, dhaawacuna waxaa uu gaarayaa 37 ruux oo 15 ka mid ah xaaladooda ay liitaan” ayuu yiri Jen. Madaale.
Wuxuu sheegay Jeneraalku in labada sarkaal ay geeriyooday ay kazoo kala gurmadeen saldhigyada booliska Wardhiigley iyo Shangaani.
“Labada sarkaal ee goobta ku dhintay waxay ahaayeen Taliyaasha saldhiga booliska degmooyinka Wardhiigley iyo Shingaani oo goobta u soo gurmaday” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.
Qaraxa labaad ee dilay saraakiisha, dhaawacyda bandanna geystay ayaa ka dhashay gaari la dhigay meel ku dhow hoteelka oo qarxay kadib markii ay soo gurmadeen ciidamada amaanka.
Wasiirka arrimaha gudaha C/kariim Xuseen Guuleed, Taliyaha boolsika Soomaaliya Jen. Cabdi Xakiim Daahir Saacid, saraakiisha ciidaqmada amaanka iyo howlwadeenada dowladda qaarkood ayaa dhiig u shubay askartii badnaa eek u dhaawacmay qaraxyada ka dhacay Hotelka Jazeera.
Waa qaraxii ugu khasaaraha badan ee dhawaanahan ciidamada amaanka kazoo gara weeraro nuucaan, iyadoo markaan khasaaraha rayidku aad u yaryahay, maadaama weerardu dhaceen xilli habeen ah.
Mareeg.com

No comments: