Search This Blog

Wednesday, January 1, 2014

DEG DEG: Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho



Weerar ismiidaamin ah, ayaa wuxuu caawa ka dhacay Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho, kadib markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, lagu dhuftay ilinka hore ee Hotelka.

Gaariga uu watay ninka naftii hurre ahaa, ayaa wuxuu ku dhuftay irida hore ee Hotelka, xilli ay ku sugnaayeen Ciidanka Ilaalada ee Hotelka, waxaana ka horeeyay qarax kaloo ka dhashay gaari kale oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo la soo dhigay wadada hormarta Hotelka la weeraray.

Sidoo kale waxaa jira rag la socday gaari nooca raaxada ah, watayna qoryaha kuwooda fud fudud, iyagoona iska horimaad fool ka fool leh la galay Ciidamadii Ilaalada ee Hotelka.

Waxaa jira warar sheegaaya in weerar labaad oo ismiidaamin ah uu ka dhacay aafafka hore ee Hotelka, inkastoo aynaan weli kala cadayn taasi.

Sidoo kale waxaa cakiran xaalada  Hotel Jaziira, iyadoo ay ku bexeen Ciidamada Dowladda iyo Amisom, oo la sheegay inaanay weli gaarin Hotelka la weeraray.

Khasaaraha ugu badan ee qaraxyadaan ka dhashay, ayaa waxay ka soo gaareen Ciidamada Ilaalada ee Hotel Jaziira, oo doonaayay in ay kahor taggaan kuwii weerarka soo qaaday.

Saraakiisha ammaanka ee Dowladd, ayaa waxay ku hawlan yihiin, sidii looga hortaggi lahaa weeraro kale oo caawa ka dhaca Magaalada Muqdisho.

No comments: