This is where you can follow the important socio-economic, geopolitical and security developments, going inside the Republic of Somaliland and Horn of Africa region
Search This Blog
Friday, January 3, 2014
SOMALILAND OO JABUUTI KALA WAREEGTAY ADEEG AMAANKA BADDA AH OO AY HORE U MAAMULI JIRTAY
Dawladda Somaliland ayaa la sheegay in ay Dalka Jabuuti kala wareegtay mashruuc la dagaalanka marka Budh-cad Badeeda ahaa oo ay u fidin jirtay Markiibta mara xeebaha Somaliya oo dhan.
Xukuumadda Somaliland ayaa ku guulaysatay in ay adeegan oo ay Jabuuti malaayiin Dollar ku heli jirtay kala soo wareegto sanadkan cusub iyadoo Somaliland Maraakiibta maraya biyaha Somaliland oo awal hore adeega amaankooda laga maamuli jiray Jabuuti iyo Yaman iyadu maamuli doonta.
Wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS ee maamusha la dagaalanka Budhcad badeeda iyo Xabsiyeyntooda ayaa dhawaan Heshiis ku gaadhay maadaama Somaliland Badeeda aanay ka jirin cabsi la mid ah ta Somaliya in ay Somaliland gaar ahaan Dekedeeda
Berbera la wareegto in ay u fidiso Maraakiibta in ay amaankooda sugto isla markaana ay siiso in shaqaalaha maraakiibta ee Siimaanada ah ay u noqoto xarun lagu kala wareejiyo.
Talaabada Somaliland kula soo wareegtay mashruucan oo dhaqaale ahaan iyo magic ahaan ba muhiim u ah ayay ilo wareedyo u dhuun daloolaa waaheen u xaqiijiyeen in uu soo dhameeyey wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, kaasoo sameeyey in uu Qaramada midoobay ku qanciyo in ay Somaliland adeega Maraakiibta Amaankooda damaanad qaadi karto, waxaanu la kaashaday Xafiiska Madaxa Banaan ee ay Somaliland u samaysay la dagaalanka budh-cad Badeeda kaasoo maamul ahaan qayb ka ah wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa kulamo Badda dhexdeeda kula qaatay Saraakiil midawga Yurub ah, kuwaas oo saaraa Maraakiibta la dagaalanka Budh-cad Badeeda, waxaanay heshiisyo ku saabsan ilaalinta Xeebaha la galeen Somaliland, iyagoo balan qaaday in ay Tababaro iyo Saad ba siin doonaan Somaliland.
Sida ay xogo u dhuun daloola mashruucan ay Somaliland ku guulaysatay sheegayaan waxa ay Xukuumadda Somaliland hawshan ku wareejisay in ay maamusho shirkad wadani ah oo la yidhaahdo (Somaliland Maritime Security), taasoo la sheegay in ay sanadka cusub hawlaheeda bilaabi doonto.
Mashruucan waxa ay Somaliland hore ugu wayday malaayiin Dolar, waxaana si fiican uga faa’iidaysan jiray xukuumadda Jabuuti iyo Yaman, kuwaas oo maraakiibta siin jiray Adeegyo ay ka mid yihiin ilaalinta Maraakiibtooda iyo in ay shaqaalaha Maraakiibtaasi ee loo yaqaano Siimaanada Dekedahooda uga samayn jireen goobo lagu kala bedelo, iyadoo mararka qaarkood Bad-weynta shaqaalaha ugu kala bedala iyagoo isticmaali jiray Helikabtaro.
Halka Maraakiibta Somaliland biyaheeda mari jiray ama kuwa Dekedda Berbera ku soo xidha qaarkood ahaayeen kuwo hubaysan iyadoo shuruucda u dajisan maraakiibtaasi aanay ogolayn in Dekedaha loo isticmaalo Hub hase yeeshee waxa sababi jiray dareen la’aan maamul oo dhinaca Somaliland ka
jirtay.
Si kasta ha ahaatee Mashruucan Somaliland ay qal-qaalada u gashay soo wareejintiisa waa mid u baahan in si hufan loo maamulo isla markaana shirkadda la siiyey noqoto mid fulin karta hawsha baaxadaas leh.
Source: waaheen
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment