Friday, January 17, 2014

Dambiilayaal Qaran: Magacyada Shakhsiyaadka Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Ee Ku Soo Baxay Golaha Cusub ee Wasiirada Xukuumada Federaalka Somalia

Raiisal Wasaare Kuxigeenkii Koowaad iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka mid noqotay xubnaha daadku qaaday





Ra'isal Wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxa uu niskii dambe ee xalay ku dhawaaqay Golaha Wasiirada Cusub ee Dawlada Federaalka Somalia oo ka kooban 54 kuwaasi oo isugu jira Wasiiro, Wasiiro kuxigeeno iyo Wasiirul Dawleyaal.

Hadaba liiskan ayaa waxa ku soo baxay Xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolada Somaliland oo tiradoodu dhan tahay 7, kuwaasi oo marka loo eego dastuurka Qaranka Somaliland noqonaya kuwo ku kacay Khiyaamo Qaran/Dambiilayaal Qaran:

1.    Dr C/Raxmaan Bayle - Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah oo ka soo jeeda Gobolka Awdal.

2.    Jaamac Axmed Maxamed (Oday) - Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo tamarta waxa loo magacaabay Agaasimihii hore ee Wasaarada Maaliyada oo isagu ka soo jeeda Magaalada Burco Barigeeda,

3.    Ridwaan Xirsi Maxamed - Wasaarada Diinta iyo awqaafta loo magacaabay oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Magaalada Burco Galbeedkeeda,

4.    Daa'uud Maxamed Cumar - Wasiirka Macdanta oo isna ka soo jeeda Gobolka Sool,

5.    Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane oo isna ka soo jeeda Laasqoray.

6.    Cabdalla Xaaji Cali - Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxa loo magacaabay Mayorkii hore ee Magaaladda Berbera, waxaanu ka soo jeeda Magaalada Berbera,

7.    Jamaal Xasan Ismaaciil  - Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda wuxuu ka soo jeedaa Gobolka Hawd Magaalo Madaxdiisa Baligubadle.


No comments: