Thursday, January 23, 2014

Ambassador David Shinn: waxaan u arkaa Khalad in Ciidanka Itoobiya AMISOM ku biiraan





Ambassador David Shinn: waxaan u arkaa Khalad in Ciidanka Itoobiya AMISOM ku biiraan
(Ogadentoday Press)- Ambassador David Shinn oo ahaa Safiirkii Horre ee Itoobiya u joogay Addis Ababa, Caasimada Itoobiya ayaa waraysi khaas ah oo uu siiyay VOA, la,aanta English ku tilmaamay khalad innay tahay in Ciidamada Itoobiya ku biiraan AMISOM.

Ambassador Shinn wuxuu sheegay in galitaanka ay Ciidamada Itoobiya ka mid noqdeen AMISOM ay Alshabab u isticmaali karaan Dhawaaq taageero oo ay dagaalyanahano ku helaan.

“Haddii ciidamada Itoobiya ay ku biireen AMISOM oo howlgalkood uu yahay mid ku aadan gobollada ku teedsan soohdinta ay la wadaagaan Soomaaliya cid walba horrey ayay u ogayd in ciidamadu ay markii ay doonaan soohdinta kasoo gudbi jireen iyagoo ku marmarsiinaya inay la dagaalamayaan Al-shabaab, cid walba oo ay u arkaan cadowgoodana ay beegsanayaan,” ayuu yiri David Shinn.

“Tallaabadan waa mid muujinaysa in ciidamada Itoobiya ay markii horeba ugu jireen Soomaaliya dantooda oo aysan caawinayn dowladda Soomaaliya. Balse qorshaha ay ugu biirtay AMISOM waxaan u maleynayaa inay xoojin u tahay faragelintii ciidan ee ay Itoobiya horayba ugu haysay Soomaaliya,” ayuu yiri Shinn.
Itoobiya Iyo Soomaalida waxaa ka dhaxeeya oo hadheeyay  colaad weyn talaabadini waxay dib u soo noolayn kartaa midaas, ayuu yiri David Shinn.

Isagoo ka hadlaya Xuduuda u dhaxaysa Soomaaliya Iyo Itoobiya ayuu sheegay in ay ahayd mid xooggaa deggan balse ku biiritanaka ay ku biireen AMISOM Ciidamada Itoobiya waxba kama baddali karto arrinta Xuduuda Soomaaliya Iyo Itoobiya ayuu haddalka raaciyay.

Itoobiya innay Taageerto DF waa wax haboon, laakin waxaan umalayn in arrintani ay dib u soo cusboonaysiidn faragalintii Ciidamada Itoobiya ku sameeyeen Soomaaliya sannadkii 2007 -2009 Iyagoo Kooxaha Maxaakimta Islaamiga ah ka saaray Dalka,  ayuu yiri Ambassador Shinn.

Ma cadda hadda waxa Ciidamada Dowlada Itobiya ay ka helayaan ku biiritaanka AMISOM ayuu yiri Ambassodar Shinn, wuxuuse xusay in ay suurta gal tahay innay Taageero Ciidan ay iyagu iska bixinayeen innay ku daboolayaan ka mid noqoshada AMISOM.

David Shinn waa khabiir arrimaha Geeska Afrika ku xeel dheer wuxuuna ka yahay Macalin Jaamacada George Washington.

Ciidamada AMISOM waxay wiiqeen Alshabaab balse waxay Alshabaab wali haystaan dhul-baaxad leh oo Koonfurta Soomaaliya ah.


Soomaalida baddankood waxay u arkaan in Ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday AMISOM aysan khayr baddan Soomaali u soo kordhin doonin marka laga yimaado haddalada dhiblomaasiyadeed ee Madaxda DF iyo Gobalka ay baahinayaan.

No comments: