Wednesday, January 22, 2014

Al Shabaab oo ku hanjabtay in ay u aar-guddi doonto dhibaato ay sheegtay in lagu haayo dadka reer Muqdisho




Muqdisho - Madaxa Ururka Al Shabaab ee Gobolka Banaadir ugu magacaaban, ayaa waxa uu Dowladda Federalka ee Soomaaliya uu ku eedeeyay, dhibaato ay ku heyso sida uu yiri dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo la hadlay Idaacada Andulus, ayaa waxa uu sheegay in ay la socdaan dhibaatada uu sheegay in Dowladdu ay ku heyso dadka reer Muqdisho.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen, ayaa sheegay in dhibaatooyinka lagu haayo dadka reer Muqdisho, ay isugu jiraan jirdil, xarig, qafaal, jidgooyo uu sheegay in gaadiidka looga qaado lacago Sharci daro ah iyo burburin lagu haayo goobihii ay dadku ku ganacsanayeen, sida uu yiri.

Sarkaalkaan, ayaa ku goodiyay inaanay gacmaha ka laaban doonin dhibaatada uu sheegay, in ay Dowladda Soomaaliya la dul taagan yahay dadweynaha Somaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Cali Jabal, ayaa wuxuu ku hanjabay in ay awood u lee yihiin, oo ay weeraro hor leh kaga geysan karayaan Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay xilli kasta weeraro ku yihiin goobaha, uu sheegay in ay ku sugan yihiin, waxa uu ugu yeeray cadowga.

No comments: