Search This Blog

Tuesday, December 24, 2013

WAR-DEGDEG AH: Puntland (Somalia) Musharax xalay lagu weeraray Garowe


Musharax Cali Xaaji
Garoowe - Musharax Cali Xaaji Warsame, ayaa Xalay waxaa Gurigiisa ku weeraray Ciidamo ka amar qaata Madaxtooyada Puntland.

Goob joogayaal ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay, in Ciidamada Ilaalada Musharaxa iyo kuwa madaxtooyada ay Rasaas xoogan is weeydaarsadeen.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaare ay gaysatay israsaaseynta , walow la sheegay ciidamada musharaxa in ay amaanka guriga musharaxa ay siweyn u ilaalinayeen.

Doraad ayay ahayd markii magaalada Garoowe rasaas lagu furay bartamaheeda xilli uu Gaari la socday musharax Cabdidaahir Yuusuf Yeey, waxaana taliyaha ciidanka madaxtooyada uu ku tilmaamay rasaasta musharaxa ay ku fureen in ay ahayd rasaas saaxiibtinimo.


Lamana oga sababta keentay in askar gurigiisa ilaalo ka hayay la rasaaseeyo, inkastoo hadana mar kale ciidamada amaanka Garoowe ku andacoon karaan, waa rasaas kala shaki ah, ama mid saaxiibtinimo.

No comments: