S/land /0250/13 Issued
on Sunday, December 30, 2013
Ku: Gudoomiyaha
Maxkamada Sare
Xarunta
Maxkamada Sare JSL - Hargeysa
Ku: Wasiirka
Arimaha Gudaha
Xarunta
Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland - Hargeysa
Og: Gudoomiyaha
Gobolka Awdal
Og: Warbaahinta
Dibad iyo Gudaha
Attn: Amnesty
International, International Secretariat UK; Amnesty Intern. US, Canada; East
Africa Desk Office Uganda, East
& Horn of Africa Human Rights Defenders Network, Uganda; International Minority Rights London
URGENT ALERT: SERIOUS MINORITY RIGHTS VIOLATIONS IN SOMALILAND
MAGAALADA BOORAMA OO ISU BEDESHAY
CADAABTII IFKA EE GABOOYAHA SOMALILAND
![]() |
Magaalada Boorama |
Balse
markii aanu hubinay in aan xaalku ka soo raynaynin ayay go'aansadeen
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH in ay cod dheer ku sheegaan
Warbixintan.
Sanadka
2013 ayaa dhamaanaya iyadoo Somaliland ay ka socdaan xadgudubyada dhinaca
Garsoorka iyo Dhaqanka ah ee lidka ku ah Bulshada la takoor.
Bari
oo ah maalintii ugu dambaysay sanadka 2013 waxa Maxkamada Racfaanka ee Gobolka
Awdal la horkeenayaa 2 dhibane oo ka tirsan beelaha la takooro Somaliland oo
magacyadoodu kala yihiin Mustafe Haybe Jaamac 21sano jir iyo Bedel Cabdi Aaden 22 sano jir .
Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH ayaa ogaaday in maanta Garyaqaan Amiin Sheikh Said Sheikh Hassan oo ah Qareenkii 2aad ee
Xuquuqda Aadamiga oo difaacayay labadan dhibane ayaa maanta Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal u sheegay
in uu iska casilay adeegii dhinaca xuquuqda aadamiga ah ee uu siinayay labadan
dhibane kadib markii uu u baqay naftisa, waxana hore kiiskan isaga casilay Garyaqaan Xasan Cali Xasan kadib markii
sidan oo kale bilowgii dacwadan uu isku dayay in uu siiyo labadan dhibane iyo
qoysaskooda laga tirada badan yahay caawimo qaanuun u baqay amaanka naftiisa.
TALO
SOO JEEDIMO DEGDEG AH:
1.
Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HORNWATCH waxay sida ugu dhaqsaha badan oo
aan dib u dhac lahayn uga codsanayaa Wasiirka Arimaha Gudaha JSL iyo
Gudoomiyaha Gobolka Awdal in bulshada la takooro ee ku nool magaalo madaxda
gobolka Awdal ay damaano qaadaan amaankooda iyo amaanka meherahooda iyo
guryahooda, si ay ugu suurtogasho in ay dib ugu soo noqdaan dadka ka soo jeeda
bulshada la haybsooco ee hore arimo dhinaca amaankooda ah awgood uga qaxay
magaalada Boorama.
2.
Sidoo
kale waxay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH ka codsanayaan in
fadhiyada Maxkamada Racfaanka ee Kiiskan laga soo bedelo magaalada Boorama
maadaama oo tan iyo marki sanad iyo badh ka hor ee ay bilaabmeen dhagaysiga
dacwadan ay si joogto ah u soo weerarayeen mid ka mid ah qabiilada ugu tirada
badan ee dega Magaalad Boorama oo uu ka soo jeedo Marxuunka isgubay. Sidaasi
darteed, iyadoo laga duulayo amaanka dhibanayaasha Qareenkooda iyo guud ahaan
ehelka iyo qoysaska dhibanayaasha oo ah kuwa sida gaarka ah loo
bartilmaameedsanayo waxay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH ka
codsanayaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare in dacwadan dhagaysigeeda loo bedelo
goob aan ahayn Boorama oo sharcigu ogol yahay.
3. Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga Caalamka iyo muwaadiniinta xoriyada iyo xuquuqda aadamiga
jecel ee reer Somaliland in ay qaadaan talaabo kasta oo ay ugu hiilinayaan
dhibanayaasha takoorka dhaqanka bulshada la hayb sooco ee Somaliland.
4.
Gudoomiyaha
Maxkamada Sare iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, waxa aanu ugu baaqayanaa
in uu u fidiyo muwaadiniinta la haybsooco ee Gobolka Awdal oo dhibanayaal u ah
bulshada aqlabiyada ah ee magaalada madaxda gobolka Awdal, gaar ahaan labada
wiil oo magacyadoodu kala yihiin Mustafe
Haybe Jaamac 21sano jir iyo Bedel Cabdi
Aaden 22 sano jir kuwaasi oo Maxkamada Gobolka Awdal ku riday Xukun dil ah
oo cadaalada darada ah:
a) in ay si buuxda u
siiyaan labadan dhibane xuquuqaha iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee uu jideeyay
Dastuurka dalka Somaliland gaar ahaan:
ü
Qodobka 24: Xaqa Nolosha, Nabadgelyeynta Jidhka, Dhawrsananta
Karaamada Muwaadinka, Dambiyada lidka ku ah Aadaminimada sida jidhdilka,
qudhgooyada sharciga ka baxsan - Farqada 1aad Nafta Aadanuhu waa deeq Ilaahay,
waana qaali; qof kastaana waxa uu xaq u leeyahay noloshiisa, waxaanu ku waayi
karaa oo keliya marka Maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu sharcigu
jideeyey in dil lagu mutaysan karo, Farqada 2aad Qofku waxa uu xaq u leeyahay
in la nabad geliyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo waxyeelo kasta oo loo geeysto
damiirka qofkuna waa reeban yahay;
ü
Qodobka 8aad: Sinnaanta Muwaadiniinta: Farqada 1aad -
Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn, midabka, qabiilka,
dhalashada, luqada, lab;
ü
iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay
sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman. Farqada 2aad - Kala sarreynta iyo takoorka ku
salaysan isirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin; iyo
ü
Qodobada 22: Xuquuqda Dhaqaal, Bulsho iyo Siyaasadeed;
5.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ka digayaan in
la marin habaabiyo baadhitaanada dadka loo hayo iyo kuwa aan wali loo soo qaban
dilalka loo gaystay haweenka Gabooyaha si sharciga loogala baxsado, taasi oo
dhacda aalaaba marka hay'adaha sharci fulinta oo 99% ka soo jeeda beelaha
tiradabadan.
6.
Haddii Madaxda Sare
ee Hay'adaha SharciFulinta Somaliland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ka
baaqsadaan sharci horkeenida dadkii dilay haweenka Gabooyaha Somaliland taasi
waxay sababi doontaa in dacwado iyaga lidku ah aanu u gudbino beesha caalamka
iyo garsoorka adduunka.
7.
Xafiisyada Hay'adda
Qaxootiga Qaramada Midoobay ay ku leedahay wadamada Somaliland, Itoobiya iyo
Jabuuti waxanu ku wargalinaynaa tacadiyada ay warbixintani warinayso oo
saameeyay in ka badan 100 ruux oo ka soo jeeda bulshada la takooro ee
Somaliland ee degta magaalada Boorama kuwaasi oo qaarkood gaadheen xeryaha
Qaxtootiga ee UNHCR ay maamusho oo ku yaal bariga dalka Itoobiya, Sidaasi
darteed, waxanu ugu baaqaynaa UNHCR in ay siiso gargaarka aadaminimo ee
lagamamaarmaanka ah iyagoo buuxiyay shuruudaha u dagsan Qaramada Mibooday ee
lagu noqdo Qaxooti.
Suleiman Ismail Bolalah
Gudoomiyaha
Gudida Ilaalada Xuquuqda
Aadamiga Geeska Afrika (HORNWATCH)
xuquuq@gmail.com, hornwatch@yahoo.com; 0025224429552,
002522514777
FAAHFAAHIN DHEERAAD AH
Magaalo
Madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo ka mid ahaan jirtay magaalooyinka dhifta ah
ee beelaha la takooro ee reer Somaliland ay ku noolaan jireen takoor heerkiisu
ka hooseeyo kan magaalooyinka kale ee dalka ayaa iyaduna isku rogtay cadaabtii
ifka ee Gabooyaha Somaliland kadib markii 2 sano ka hor wiil beelaha tirada
badan ka soo jeedaa oo ALLE haw naxariistee lagu magacaabo Aydiid Cabdiqaadir
Cali oo uu dhalay Sarkaal Sare oo ka tirsan dambi Baadhayaasha Booliska Gobolka
Awdal oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Cali uu jeclaaday gabadh yar oo ka soo
jeeda beelaha la takooro ee loo yaqaan Madhibaanka oo lagu magacaabo Malyuun
Haybe Jamaac. Markii wiilka qoyskiisu u diideen in uu gabadha Midgaanta ah
guursado ayuu isaga laftiisu qudha iska jaray kadib markii uu is qabadsiiyay
gaas iyo dab, nasiib daro wiilka aabihii oo ah sarkaal boolis ah waxa uu
xabsiga ku guray dad tiro badan oo ka soo jeeda Gabooyaha dega Boorama kuwaasi
oo ay ka mid yihin gabartii uu jeclaaday wiilkiisu Malyuun Haybe
Jaamac, aabaheed Haybe Jaamac, wiilkiisa Mustafe Haybe Jaamac 21sano jir iyo Bedel Cabdi Aaden 22 sano jir oo isagu ka soo jeeda qabiil ka mid ah Gabooyaha oo la yiraa
Yibir iyo xubno kale oo Gabooye ah.
Xadhigaasi
waxa barbar socday weeraro haweenka iyo dhalinyarada qabiilka wiilku ka dhintay
ku qaadayeen goobaha ay ka degan yihiin Gabooyuhu magaalada Boorame, gaar ahaan
meheradaha ay ku ganacsadaan iyagoo burburinayay miisaska ay hilibka ku
iibiyaan, rayiislayaasha, kabotolayaasha iyo meelaha birta ay ku tumaan, taasi
oo sababtay in wiigag isxigxiga dadka laga tirada badan yahay ee Gabooyaha
Boorama in ay ka soo bixi waayaan guryahooda.
Gudida
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ayaa xiligaasi diiwaangaliyay in ka
badan 100 ruux oo u badan rag iyo dhalinyaro markii ay nafahoodii u baqeen ka
cararay magaalada Boorama iyagoo tagay magaalooyinka Hargeysa ilaa Burco
qaarkoodna waxay ka talaabeen xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyagoo
gaadhay xeryahay qaxootiga Somalida ee ku yaal bariga dalka Itoobiya oo ay
maamusho Hay'ada UNHCR.
Bilowgiiba
dacwada waxa dambi baadhe ka noqday Aabihii dhalay wiilka dhintay
Dambi Baadhe Boolis Mr. Cabdiqaadir Cali Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch oo si
taxadir leh ula socotay geedi socodka dacwada ciqaabta ah ee lidka ku ah 2 wiil
ee Gabooyaha ah, ayaa ka marag kacaya in 2-da wiil ee Gabooyaha ahi aanay helin
gabi ahaan garsoor dhex ah oo cadaaladeed iyo nidaam baadhiseed oo xaq ku
dhisan, Maxkamadayntooda ayaa la xaqiijiyay in ay u dhacday si ka fog nidaamka
cadaalada dalka, Xuquuqda Aadamiga, Diinta Islaamka iyo xataa dhaqanka toosan.
Baadhayaasha
Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH waxay xogogaal u noqdeen in Qareen ka tirsan Ururka
Qareenada Somaliland oo caawimi qaanuun oo lacag la'aan ah ku difaacayay Labada
eedaysane markii dad cadhaysani soo weerareen fadhiyadii Maxkamada Gobolka
Awdal dacwada oo socota isla markaasina ay dhaawaceen xubno ka mid ah
eedaysanayaasha iyo eheladooda oo Maxkamada u yimi dhegaysiga dacwada, ayuu
Qareenkii naftiisa u baqay waxanu markiiba joojiyay caawimadii qaanuun ee uu
siinayay 2 wiil ee dhibanayaasha ah iyo qoysaskooda.
Sidoo
kale Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay baadhitaanka kiiskan
ku ogaadeen in Qareenkii 2aad ee difaacayay eedaysanayaasha Gabooyaha ah oo
lagu magacaabo Amiin Sheikh Said Sheikh Hassan uu ku waayay Gunadii uu ka heli
jiray adeega caawimada qaanuun ee uu lacag la'aanta uu ku siiyo qoysaska
Gabooyaha ah ee eedaysanayaasha kiiskan, Gunadan oo ay siin jireen Ururka
Qareenada Somaliland ee Somaliland oo fuliya Mashruuc ay maalgaliso hay'ada
Qaramada Midoobay ee UNDP. Gudoomiyihii hore ee ururka Qareenada Somaliland Mr.
Maxamed Siciid oo fulinaya codsi aan toos ahayn oo uga yimi Gudoomiyaha
Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal oo ay qaraabo dhaw yihiin Abdiqadir Ali oo ah
Aabaha dhalay wiilka isdilay, isla markaasina ah Garsooraha haatan gacanta ku
haya kiiskan oo maraya maxkamada darajada 2aad ee Racfaanka.
Maxkamada
Gobolka Awdal ee dacwada qaadayay, ciidanka Booliska ee baadhayay kiiskan,
dhamaantood waxay la safteen Dambi Baadhaha Booliksa ah ee Wiilkiisu isdilay
Mr. Cabdiqaadir Cali maadaama oo ay isku beel ka soo wada jeedaan.
Baadhayaasha
xadgudubyada ee HornWatch waxa kale oo ay baadhitaan qoto dheer ku ogaadeen in
maragyadii ogaa in wiilka dhintay isagu is dilay oo ay ka mid yihiin dukaankii
gaasta uu ka iibsaday, meheradii uu Mobilkiisa u dhiibtay iyo dad arkayay
markii uu gaasta iyo dabka is qabadsiiyay dhamaantood waxay u safreen dhinaca
Itoobiya oo ay ku maqnaayeen mudadii dacwada socotay difaaca eedaysanayaasha
iyadoo horena loo sii siiyay lacagta aya ku noolaan karayeen.
Maxkamadda
Gobolka Awdal ayaa iyadoo iska indho tiraysa sharciga iyo qanuunka waxay dil
toogasho ah ku xukuntay labo wiil oo arday ah oo ka soojeedaha midgaha reer
boorama gaar ahaan MADHIBAAN iyo Yibraha.
Kiiskan
ayaa waxa uu si ba'an u saameeyay dhinacyada amaanka iyo nolosha guud ahaan
Gabooyaha dega magaalada Boorama iyadoo in ka badan 100 oo badankoodi yihiin
rag ka baqay in beesha uu ka soo jeedo Wiilka isgubay ay gaadhsiiyaan dil iyo
dhaawacyo jidheed ay ka qaxeen guryahoodii iyo meheradahii ay ku lahaayeen
magaalada Boorama oo isugu jira timojarayaal, hiliblayaal, kabotolayaal iyo
tumaalista birta, waxana ay amaan u raadsadeeb Magaalooyinka kale ee Somaliland
gaar ahaan Hargeysa iyo Burco, halka qaar kalena ay ka talaabeen xadka u
dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyagoo magangalyo waydiistay Hay'ada Qaxootiga
Adduunka ee gacanta ku haysta xeryaha qaxootiga Soomaalida ee ku yaal bariga
dalka Itoobiya.
Gabood
falada iyo tacadiyada ay la nool yihiin bulshada lagu takooro gudaha dalka
Somaliland codkooda cidina ma maqasho iyaguna malaha awoodii ay ku soo bandhigi
lahaayeen, faqriga iyo saboolnimada qotada dheer ee haysta awgeed iyo iyagoo
aan talo iyo tusaale midna ka odhan karin arimaha saameeya noloshooda iyo
mustaqbalkooda toona.
Gudida
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika oo isku dayay in ay ogaadaan sababta
ay cid uuni uga hadli wayday tacadiyada baahsan ee ay la nool yihiin qaybaha
bulshada Somaliland ee latakooro ayaa waxay ogaadeen xogahan hoos ku qoran:
- Xukuumada Somaliland ayaa magacawday saraakiil sarsare oo ka soo jeeda beelaha la hayb sooco waxa ka mid ah
- Hal xubin oo ku jirta golaha Wasiirada (Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud), inkastoo magac ahaan mooyee aanu ahayn nin ka war haya waayaha iyo duruufaha adag ee dhaqan dhaqaale oo ay la nool yihiin beelaha uu ka soo jeedo ee la hayb soocaa,
- Barkhad Jama Hirsi Batuun, La taliyaha Gaarka ah ee Madaxwaynaha dhinaca arimaha beelaha laga la hayb sooco yahay,
- Liibaan Ismaaciil Maxamuud, Xubin ka mid ah Gudida Komishanka Xuquuqda Aadamiga Somaliland, iyo
- Mr. Abdilahi Hassan Digaale Gudoomiyaha Deg. Axmed Macalin Haruun isla markaasina ah Gudoomiyaha ururka samofalka bulshada la hayb sooco ee USWO oo dhawaan Duqa Caasimada Somaliland u magacaabay xilka Gudoomiyaha Degmada Axmed Macalin Haruun ee caasimada Hargeysa.
Saraakiisha ugu jirta
bulshada Somaliland ee la takooro dawlada ayaa iyagu sameeya talaabo kasta oo
ay ku cabudhinayaan dadkooda dulman waxana ay aaminsan yihiin haddii
tacadiyadaasi banaanka u soo baxaan amase iyaguba ka hadlaan in ay waayayaan
xilalka sarsare ee ay ku qaataan mushahaarooyin fiican.
Dhinaca kale, habdhaqan fool xun ayaa
dishooday badi hogaamiye dhaqameedka beelaha la hayb-sooco, kaasi oo
midkastaaba kan kale ka soo horjeedo oo buranayo.
Haweenka Beelaha La takooro haddii aad u
dhabo gasho nolosha iyo waayahooda waxad ogaanaysaa in ay boqoljeer ka tacadi
iyo xadgubub badan yihin tacadiyada haleela haweenka beelaha aqlabiyada ah oo
ah kuwa inta ugu badan laga maqlo warbaahinta
.
Daladaha Ururada Bulshada Rayidka ah ee
haweenka ugu waawayn dalka dhamaantood waxa iska leh Haweenka ka soo jeeda
qaybaha bulshada ee aqlabiyada ah, waxayna ku guuldaraysteen in ay dalahooda
samafal ku soo daraan ururada haweenka qaybaha bulshada tusaale ahaan dalada
haween ee ugu wayn Somaliland oo lagu magacaabo NAGAAD WOMEN UMBRELLA oo
ururada xubnaha ka ahi tirobadan yihiin hadana hal urur oo ka soo jeeda ururada
haweenka la takooro ee Somaliland kuma jiro, halka Gabooyaha Somaliland ay
leeyihiin kaliya labo (2) urur samafal bulsho oo aad u yaryar (Ubah Social
Welfare Organization (USWO) iyo Voice of Somaliland Minority Women (VOSOMWO)
isla markaasina aan ka helin wax gacan qabasho ah oo la taaban karo Hay'adaha
Samafalka Caalamiga ah, Qaramada Midoobay iyo guud ahaan beesha caalamka.
Maadaama Daladaha waawayn ee haweenka Somaliland aanay u war haynin tacadiyada
iyo gaboodfalada argagaxa leh ee ay la nool yihiin haweenka ka soo jeeda
qaybaha bulshada Somaliland ee la takooraa, had iyo goor kuma soo hadal qaadaan
marka ay xusayaan maalmaha caalamiga ah ee Tacadiyada Lidka ku ah Xuquuqda
Haweenka.
END
No comments:
Post a Comment