Friday, November 15, 2013

Madaxweynaha Puntland oo isku Magacaabay Awood uu ku Muquunin Karo Mucaaradkiisa iyo C/raxmaan Uur-bayte oo Somaliland u soo doontay Ciidan Beeleedkiisii




Garowe(Somalia) - Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay guddi ka tirsan maamulkiisa oo sugaya Amaanka Puntland mudada ay doorashada Madaxtinimadu ka dhacayso maamul goboleedkiisa Puntland oo ay xilligan Loolan adagi ku dhex marayo isaga iyo Musharaxiin badan oo la tartamaysa.

Guddida uu Madaxweyne Farroole hormoodka ka yahay ayaa xilligan u muuqda in uu ugu talogalay in uu ku samaysto awood uu ku muquuniyo musharixiinta la tartamaysa, kuwaas oo ay ciidankiisa gaarka ahi qaarkood ku weerareen guryihii ay ka deganaayeen Garowe isla markaana ka qaateen Hub iyo gaadiid ay lahaayeen.

Guddida madaxweyne Farroole magacawday ayaa kala ah Wasiirkiisa Amniga, wasiirkiisa Maaliyadda iyo Sadexda Taliye Ciidan, waxaanu Digreetada uu ku magacaabay oo uu isagu guddoomiye u noqon doono ku sheegay in ay qaadayaan masuuliyadda Amaan ee Puntland mudada Doorashada.

Dhinaca kale, warar hordhac ah oo naga soo gaadhaya deegaamada Maamulkaasi ayaa sheegaya in xiisad kacsani ka dhalatay arrintan magacaabista iyo Doorashada lafteedaba, waxaanay wararku sheegayaan in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo muujinaya in dagaalo lagu hoobtay ka dhacaan Puntland, kuwaasoo xataa laga cabsi qabo kooxda Al-shabaab in ay qayb ka noqoto maadaama aanay ogolayn Doorashada dhacaysa.

Sidoo kale, xiisadaha colaadeed ee la filayo in ay ka dhacaan Maamulka Puntland darteed ayaa la filayaa musharaxiinta ku tartamaysa madaxtinimada maamulkaasi in ay adeegsadaan Ciidan beeleedyo difaaca maadaama Farroole samaystay awood dheeraad ah ka hor doorashada.

Ilo wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa ka socda Maamulka Puntland iyo musharaxiinta ku Loolamaysa ayaa waaheen u xaqiijiyey arrimahaas dartood in uu C/raxmaan Uur-bayte oo ka mid ah musharaxiinta u taagan jagada Madaxweyne ku-xigeenka Puntland doraad ka soo degay madaarka Hargeysa isagoo kasoo kicitimay dalka imaaraadka Carabta oo uu dhawaan uga safray dhinaca hargeysa.

Ilo wareedyada Socdaalkiisa u dhuun daloola ayaa sheegaya in imaanshihiisa xilligani la xidhiidho cabsi uu ka qaaday in uu ka dego Garoowe maadaama xiligan Farroole ku hayo dagaal culus, waxaana la filayaa in Uur-bayte wado qorshe marka horeba uu damacsanaa oo uu ugu talogalay marxaladan in uu ku hawl galo, taasoo ah in uu saad iyo sahayba ka helo Somaliland isla markaana uu hore usii kaxaysto Ciidan Beeleed illaa Lix boqol oo Askari ahaa oo uu Somaliland dhawr bilood ka hor kula shuraakoobay.

Ma cada Qorshahan in ay Somaliland kula socoto iyo inkale hase yeeshee Uur-bayte wuxuu wakhti xaadirkan u muuqdaa in uu ku talo galay inuu fujisto Xanjadiisii uu ku sii dhitaystay Fiqi Fuliye, wallow ilo wareedyo Reer Fiqi Fuliye ahi waaheen u sheegeen in uu af-ka dhulka dari doono oo aanu ka heli doonin Ciidan Beeleedka uu ku xisaabtamayo deegaankii uu dhigtay oo wax badani iska bedeleen kadib khilaaf ka dhex qarxay Uur-bayte iyo saraakiishii Ciidankaas hogaaminaysey kuwaas oo kala badh ciidankii ku xereeyey Xero ciidamada Somaliland leeyihiin.

Si kasta ha ahaatee Somaliland waxa kaga soo fool leh khatarta ka dhalan karta Doorashada Puntland arrimo saamayn doona dhinaca Amaanka oo loo baahan yahay in la iska mooso.

No comments: