Sunday, November 17, 2013

Internet-ka xawaaraha leh ee Fiber Optic oo la gaynayo Soomaaliya

 
Shirkadda Liquid Telecom ayaa  ku dhawaaqday in markii ugu horreysay ay Soomaaliya gaynayso khad ka internet-ka ee xargihiisa badda hoos mara ee loo yaqaano Fiber Optic.

Khadka ay bixineyso shirkadda Liquid Telecom ayaa ah mid isaga gudbaya xudduudaha oo isku xiraya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo si toos ah loogu xiriirinayo isku-xirka shirkadda Hormuud Telcom ee Soomaaliya.

Madaxa Shirkadda Liquid Telecom Nic Rudnick ayaa sheegay in dadka Soomaalida ay siinayaan internet tayo leh, isla markaana lagu heli karo qiimo jaban oo aysan horey u heli jirin, si fududna ay ugu xirmayaan dunida inteeda kale.

Wuxuu tilmaamay in hadafkooda uu yahay sidii ay isugu xirmi lahaayeen dadka Afrikaanka ah iyo ganacsigooda, iyagoo adeegsanaya internet xawaare sare leh.

Madaxa shirkadda Hormuud Telecom Axmed Yuusuf ayaa sheegay in isku xirka khadka internetka ee Hormuud iyo Liquid uu yahay mid taariikhi ah, isla markaana macaamiishooda ay heli doonaan internet heer sare ah, isagoo xusay in arrintan ay tahay guul la taaban karo oo ay gaareen labada shirkad.

Shirkadda Liquid Telecom ayaa bixisa adeegga internetka, iyadoo ka howlgasha dalal ay kamid yihiin Botswana, Jamhuuriyadda dimoqoraadiga Congo, Kenya, Rwanda, South Afrika, Tanzania, Uganda, Zambia iyo Zimbabwe.

No comments: