Friday, November 15, 2013

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha Ee Human Rights Watch Oo Canbaaraysay Falal Ciidamada Shisheeye Ee Ku Sugan Somalia Kula Kacaan Haweenka

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha Ee Human Rights Watch Oo Canbaaraysay Falal Ciidamada Shisheeye Ee Ku Sugan Somalia Kula Kacaan Haweenka.
Hay’adda  xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin soo saartay kaga hadashay tacadiyaadka ay maleeshiyaadka Dowladda Federaalka iyo\mas’uuliyiinteeda kula kacayaan haweenka Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’addaa ayaa lagu xaqiijiyay in saraakiil iyo ciidamo katirsan dowladda Xasan Sheekh ay hablaha Muqdisho u qafaalaan ciidanka AMISOM ee xeryaha ku sugan, kuwaas oo tacadiyo iyo kufsi faraxumayn ah u geysta hablaha.


Hay’adda ayaa tusaale usoo qaadatay gabadh bishii Augst ee sanadkan ay ciidanka AMISOM ay ku kufsadeen xerada Maslax ee duleedka xaafadda Suuqa Xoolaha,kadibna iyadoo dhaawac weyni soo gaadhay ay soo fasaxeen.

Qoraalka kasoo baxay HRW ayaa lagu canbaareeyay  gobood fallada foosha xun ee DF-ka kula kacayso shacabka Muqdisho waxayna tusaale usoo qaadatay in ciidan hubeysan ay Jidh-dileen gabadh dhakhtarad ah oo daweysay haweenayda la kufsaday sidoo kale waxaa warbixinta lagu xaqiijiyay in Dowladda Xasan Sheekh ay handaday wariyihii wareysiga ka qaaday haweenayda lakufsaday.

Canbaaraynta Hay’adda Human Rights Wach ayaa marar hore warbixino ay kasoo saartay Xaalada Bulshada Somalia ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidamo shisheeye aan waxba iska bedelin, iyadoo canbaarayn sidan oo kale ahna Hay’adda Human Rights Watch u jeedisay dhawr jeer Ciidamada dawlada Kenya oo ay sheegtay in ay tacadiyo iyo gabood falo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha kula kacaan qoxootiga Soomaalida ah eek u sugan xeryaha Kenya, kuwaas oo haweenka ku nool qaarkood loo geysto gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Source: HRW

No comments: