Sunday, October 6, 2013

Xooaga Shabaab ayaa soo bandhiga muuqaalo muujinaya qalab milateri oo ay ka tageen ciidankii habeen hore weeraray Degmada Baraawe


Xooaga Shabaab ayaa soo bandhiga muuqaalo muujinaya qalab milateri oo ay ka tageen ciidankii habeen hore weeraray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Sawiro ay Shabaab soo galiyeen baraha internetka ayaa waxa ay ku sheegeen in ciidamada Weerarka soo qaaday ay aqabkaasi uga carareen xeebta Degmada Baraawe oo guri ku dhaw uu howlgalka ka dhacay.

Waxyaabaha ay soo bandhigeen Shabaab ayaa ka kooban qalab ay ku sheegeen GPS-ka oo loo adeegsado bambooyinka, iyo rasaas ka dhacda qoriga M16 oo habeenkii iftiinka bixisa.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ay fashiliyeen oo sidii loo rabay uusan u dhicin, wuxuuna dhanka kale qirtay in hal ruux oo Shabaab ka tirsan uu ku geeriyooday weerarka

No comments: