Search This Blog

Saturday, October 19, 2013

Maxkamadda Gobolka Sool Oo Kooxo Loo Haystay Argagixiso Ku Riday Xukuno


Laascanod — Maxkamadda gobolka Sool ayaa xukunno kala duwan ku ridday shalay dad la sheegay inay ahaayeen kuwo dilal iyo dhaawacyo geystay, kuwaas oo ay ku jireen kuwii dilay weriye Axmed Saakin oo 23-kii October ee sannadkii hore lagu dilay magaalada Laascaanood.

Afar qof oo ka mid ah dadka la xukumay oo saddex ka mid ah aanay joogin goobta uu xukunku ka dhacayay ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka lix eedaysane oo laba ka mid ahi ay maqan yihiinna lagu xukumay min afar sano oo xabsi ah, kuwaasoo lagu eedeeyey inay ka mid ahaayeen urur laga mamnuucay deegaankaas, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sool, Xasan Sheekh Cumar.

Waxaa kaloo maxkamaddu ay 14-sano oo xadhig ah ku xukuntay haweeney la sheegay inay la shaqaynaysay raga maqan, halka shan eedaysane oo kale ay maxkamaddu sii daysay ka dib markii lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Xukunnada noocan ah ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee lagu qaado magaalada Laascaanood dhexdeeda, iyadoo dadkan intooda badan la qab-qabtay laga soo billaabo 21/12/2012-kii, kaddib markii lagu toogtay magaalada mid ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka oo dhaawaciisu cuslaa.


Eedeysanayaal dhaawac u geystay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood ayaa laga qabtay mid ka mid ah, kaasoo lagu magacaabo Cabdifataax Sulub Aadan, maxkamadduna ay ku xukuntay isaga iyo kuwa maqan dil toogasho ah.

No comments: