Tuesday, September 17, 2013

Xukuumadda oo ku mashquulsan kala Doorashada Afar shirkadood oo Maal-gashanaya Dekedda Berbera





Berbera - Maareeyaha Dekedda Berbera ayaa isagoo Xog-waran ka siinaya Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxqabadka Dekedda Berbera ayaa waxa uu kaga hadlay Maal-gashi uu sheegay wadahadalkiisa in ay Xukuumaddu la wado afar shirkadaood.

Sidoo kale, Maareeyuhu waxa uu warbixintiisa kaga waramay xidhiidhka Dekedda Berberi la leedahay dalka Itoobiya iyo dhaqaalaha ka soo baxa isagoo sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo.

“Waxa maanta halkan inoo sharaf ah  in Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland halkan inoogu furo qayb ka mida horumarinta Mashaariicda  dekadda Berbera, Qaybtaasi waxay dhan tahay toban kun oo mitirig iskuweer, waxa galay  laba kun iyo shan boqol oo Qalab ah, Qiimo ku dhaw hal milyan oo doolar ayaa ku baxay, Waxaan filayaa dadka Injineerada ahi way garanayaan marka labo kun iyo shan boqol  oo mitirig isku weer lagu  dhufto sadex boqol oo doolar, waa todaba boqol iyo konton kun oo doolar”
Waxa kale oo uu yidhi Maareeyaha Marsada Caalamiga ah ee Berbera Eng. Cali Xoor Xoor “Goobtani Bad ayay ahayd oo alaabta lagu dhisay qayb ka mida debada ayaanu kasoo iibinay qaybta kalena waa caro kaawooyin iyo darju Alaab ah oo aanu kasoo saaray badda. “ ayuu yidhi

Intaa wuxuu ku daray Maareeye Eng. Cali Xoor Xoor in ay qaadi karto ilaa todoba boqol oo konteenar, isagoo xusay inay ka rareen sadex boqol oo konteenar oo  ay leedahay shirkada Mears si ay u banaanaato oo madaxwaynaha iyo waftigiisu u arkaan Dekada cusub ee wakaalada Dekadu dhistay iyada oo aan cidna la kaashan, taasoo ka mid ah fidinta Dekada si awoodeeda loo kordhiyo,

Maareeyaha dekada Berbera waxa uu iftiimiyay in ay ka go’antahay  xukuumada Somaliland in la Maal-galiyo dekada isagoo sheegay in ilaa hada wadahadal u u socdo ilaa afar shirkadood , Waxaanu tilmaamay in xukuumadu heshiis la gali doonto ta ugu fiican ee danteenu gasho.

Maareeyaha dekada berbera waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in wadahadalo ay u socdaan   dalka itoobiya si sanadkii ilaa todaba milyan oo Tan ay ugu gudbaan dalka itoobiya,

Maareeyaha dekada berbera waxa uu ka hadlay in siyaasada Madaxwaynaha Somaliland ay ka mid tahay in laga shaqeeyo  Barmaamijka  dhaqaalaha dalka iyo sidii kor loogu  qaadi lahaa barmaamijka dhoofka xoolaha iyo wax ka soo dajinta dekada  iyo waliba barmaamijka  ganacsiga ee aynu la leenahay dalka Itoobiya oo qiimihiisu dhan yahay Boqolka milyan.

Ugu dambayntii Maareeyaha Dekada Berbera Eng. Cali waxa uu soo bandhigay qalabkii ay soo iibsadeen sideedii bilood ee u danbaysay oo qiimo badan ku jooga dekada , Maamulka sare ee dekada berbera ayaa siddoo kale waxay qoraalku qaybiyeen Horumarka kala duwan ee ay ku guulaysteen.

No comments: