Search This Blog

Saturday, September 21, 2013

WAR DEGDEG AH: SHIRKADA DIYAARADAHA ETHIOPIAN AIRLINE OO DIB U BILOWDAY DUULIMAADYADEEDII AY KU IMAN JIRTAY GEGIDA CAALAMIGA AH EE CAASIMADA HARGEYSA


Ethiopian Airline oo fadhida Egal International Airport

Hargeisa - Caawa Saacada Afrikada Bari ee Hargeysa markii ay cagocagaynaysay Abaaro 7:30 fiidnimo ayaa dhabaha diyaaraduhu ka haadaan kuna soo degaan ee Egal International Airport waxa soo cagodhigatay Diyaarada ay leedahay Ethiopian Airlines , ka dib markii ay muddo laba todobaad ku dhow shirkada Ethiopian Airlines hakisay duulimaadyadii ay ku iman jirtey madaarka Hargeysa.

Diyaaradan Ethiopia Airlines oo daqiiqado ka hor ka soo degtay madaarka Egal International Airport, waxaa la socday wasiiradii reer Somaliland ee maalmahan socdaalka ku joogay caasimada Ethiopia ee Adis ababa iyo dadweyne kale oo rakaab ah.


Duulimaadkan ay diyaaradda Ethiopian Airlines maanta ku timid garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa waxa uu soo af jaray beentii iyo dacaayadahii raqiiska ahaa ee ay beryahan dambe bulshada kula dhex wareegayeen siyaasiyiinta ku bukooda wanaaga iyo horumarka xukuumadu ku talaabsato iyo saxaafadda Somaliland qaarkood, kuwaas oo wadajir u sheegayey in sababta ay diyaaradaasi u hakisay duulimaadyadii ay ku iman jirtey madaarka Hargeysi tahay mid la xidhiidha madaarka Somaliland oo tayadiisu xuntahay, isla markaana aan gaadhsiisnayn heerkii loo baahnaa.
Duulimaadkan ay galabta Ethiopian Airlines ku timid madaarka Hargeysa waxa uu ka dambeeyey wada hadalo magaalada Adis ababa ku dhex maray xubno wasiiro ah oo reer Somaliland ah iyo madaxda dawlada Ethiopia iyo masuuliyiinta shirkada Ethiopia Airlines, kuwaas oo wadajir ugu heshiiyey diyaaradaasi dib u bilawdo duulimaadyadii ay ku iman jirtey Somaliland.

No comments: